Waxaan arkay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo sharciyadda sii joogitaankiisa xafiiska ay weli dood ka taagan tahay, oo ka cabanaya in hadal uu hore u yiri si qaldan loo fasiray. Wuxuu sheegay in oraahdiisii ahayd “marba qof ayaan ahay” loo qalloociyay macne aanu ula jeedin, isaga oo sharraxay in qofku dareen ahaan isbeddelo; marka uu xanaaqsan yahay, faraxsan yahay ama murugaysan yahayna uu qofaf kala duwan yahay. Waaba ka dar oo dibi-dhal.
Wuxuu iska fogeeyay eedaha dadka ku dhaliila inuu isbedbeddelo, horayna waxaa looga qoray in qofka uu yahay ay ku xiran-tahay ‘duruufaha’ oo isbedelka shaqsiyaddiisa uu ‘Maalinle’ yahay.
Aniga aragtideyda, waa dhibaato haddii hoggaamiye go’aannadiisa ku saleeyo caaddiifad iyo dareen, halkii uu ku saleyn lahaa sharci, xog iyo qiimeyn. Taasi waxay keeni kartaa, natiijo aan la ammaanin, oo in badan oo ka mid ah Soomaaliya laga arkay, isbadbadalka uu Madaxweynuhu aaminsan yahay inuu leeyahay, waxaa uu keenaa;
- Go’aanno aan miisaanneyn iyo isbedbeddel.
- Khaladaad istaraatiiji ah.
- Kalsooni-darro gudaha iyo dibadda ah.
- Caddaalad-darro.
- Khilaaf iyo kala qeybsanaan.
Bal aan eegno in astaamaha qodobbadan lagu arki karo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aanno aan miisaanneyn iyo isbedbeddel
Waxaa jiray go’aanno muran dhaliyay sida ciidamadii loo diray Jubbaland ee xadka Kenya ka tallaabay, go’doomintii diyaaradaha Kismaayo iyo tallaabooyinkii laga qaaday gobolka Gedo. Waa isla intii mucaaradkii uu ka tirsanaa ay ku dhaliili-jireen madaxweynihii ka horreeyay.Sidoo kale, madaxweynuhu hore ayuu u sheegay in muddo-kordhin ay Soomaalidu diiddan tahay oo ay dhiig keeni karto, balse maanta waxaa taagan dood la xiriirta sii joogitaankiisa xafiiska, taas oo uu dhiig ku daatay, walina xal lagama gaarin. Waxa kale oo uu hore u ballan-qaaday in wax-ka-beddelka dastuurka uu dhaqan geli doono teeramka xiga, balse arrintaasi si kale ayay u dhacday oo ballan-qaadkii inuu ‘15-ka May 2026 uu doorasho qaban doono oo uu xafiiska ku sii joogi doono ama qof beddela uu imaan doono’ wuxuu dhalay sanad ku-darsasho. Dhanka bannaanbaxyadana, hadallo ku saabsanaa in aan xoog loo adeegsan doonin siyaasiyiinta ayaa ugu dambeyn ku dhammaaday xannibaadyo iyo iska horimaadyo siyaasadeed oo hubeysan.
Khaladaad istaraatiiji ah
Go’aanno badan oo siyaasadeed ayaa dhaliyay muran iyo xasillooni-darro. Madaxweynaha wuxuu mucaaradka ku eedeeyay inay wataan “siyaasad qofeysan”, halka iyaguna ay ku eedeeyaan inuu diiday talo loo dhan yahay. Markii la weydiiyay bannaanbaxyadii mucaaradka iyo dagaalladii ka dhacay Muqdisho, wuxuu sheegay inay siyaasiyiintu qori ku raadinayeen xukunka. Waa isla tabtii uu xukunka ku gaaray ee uu madaxweynihii hore ku dhaliili jiray. Hase yeeshee, su’aasha taagan waxay tahay haddii mucaaradku ku joogaan waddadii uu isagu horay xukun helista ugu maray, ma jirtaa sabab uu maanta u dhaliilo wixii uu shalay taageeray? Ma shaluu khaldanaa? Ma saaxiibbadiisii Jazeera ayaa shalay iyo maantaba khaldan oo isagaa saxan? Wuxuu madaxweynaha wareysigiisa ku sheegay in khaladaadkii sanado hor dhacay ay tahay in wax laga barto, madaxweynaha wixii uu maamulkii hore ku eedeyn jiray haddii ay khaldanaayeen muxuu maanta waddadii ugu socdaa? Muxuu ka bartay khaladaadkii horay dalka uga dhacay?
Kalsooni-darro gudaha iyo dibadda ah
“ Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxay ahayd hal-ku-dhigii ololaha. Maanta waxaa muuqata Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf kala dhexeeyo dowladda Federaalka. Waxaa sidoo kale jira muranno siyaasadeed oo ka jira dowlad-goboleedyo kale iyo xiisado la xiriira muddo-kordhinta lagu muransan yahay. Mucaaradkii shalay la safnaa iyo madax hore ayaa maanta si weyn uga soo horjeeda. Arrimahaas waxay saameyn ku yeesheen kalsoonidii gudaha iyo dibadda. Baarlamaanka hortiisa wuxuu ka ballan-qaaday oo uu ku yiri: “Igama fileysaan in mushaakilaadka siyaasadeed ee dalka qori lagu xalliyo”. Xabbad waa dhacday, balse su’aasha waxay tahay xalka ugu dambeeya ee madaxweynaha ma qoriga ayay ku dambeyn doontaa? Mise qalinka ayaa go’aamin doona? Go’aanka ugu dambeeya ee wada-hadallada ayaan ka sugeynaa.
Caddaalad-darro
Madaxweynuhu wuxuu hore u dhaliili jiray in hal qof ama hal dowlad aysan go’aan ka gaari karin dhulka ummadda ka dhexeeya. Maantase waxaa jira cabashooyin la xiriira dhulal laga raray shacab oo eedda la jeedinaayo ay tahay in la iibiyay, halka dowladduna ku doodeyso in dadkii lahaa loo sharciyeeyay. Yeelkeede, wasiirro dowladda ka tirsan ayaa laga hayaa in ‘dhulal la iibiyay diyaarado loogu soo iibiyay dalka’. Ma dhulalka qeybana waa la iibiyay, qeybana dadkii degganaa ayaa lacag la’aan dib loogu celiyay? Mise kuwa waa la iibiyay oo qarash aan daah-furneyn ayaa lagu iibiyay? Kuwo kalena ma dadkii degganaa ayaa dib looga iibiyay? Waa su’aalo aan jawaabtooda la ogeyn!
Shacabka qaarkiis waxay tabanayaan caddaalad-darro iyo eedo ku saabsan awood sheegasho. Yay u dacwoon karaan? Mooji.
Waxaa kale oo jiray ballan-qaad uu sameeyay madaxweynaha habeenkii la doortay oo ku saabsanaa inaan cidna laga aargoosan doonin iyo in qofkii lagu waayo eed musuqmaasuq magdhow heli doono. Si kastaba, waxaa jira dad tabanaya in ballanqaadyadaas aan la fulin. Dhallinyaro xiran oo la eedeeyay oo aan la ogeyn cidda eedeysay sharciga hortiisa ayaa jira. Kuwo dowladda dhaliilay ama mucaaradka laga uriyay ayaa la xabbisay, taas oo ka hor-imaaneysa ballantii madaxweynaha ee xorriyadda hadalka ee uu baarlamaanka ka hor-jeediyay isagoo musharrax ah.
Bannaanbaxa shacabka dhulalka ka cabanaayo lama oggola, mucaaradkana haba sheegin oo waxaa la yiri waa hubeysan yihiin, laakiin dibadbaxyada lagu difaacaayo dowladda si xoriyad leh ayaa xitaa habeenkii la isugu soo baxaa. Dadka qaar ma waxay u fahmi karaan dowladda taageeradeeda waa sharci, dhaliisheedana waa sharci-darro? Mise waxaan dhahnaa dowladda ayaan u adkeysan karin dhaliisha? Aan ku xasuusiyo madaxweynaha inuu dowladdii hore isagoo dhaliilaya uu yiri: “Qofka aan aragti iyo hadalka dadka u adkeysan karin ee gubanaaya Dimuquraadiyad uma socyo”.
Khilaaf iyo kala qeybsanaan
Khilaaf siyaasadeed ayaa ka jira qaybo badan oo dalka ah. Puntland iyo Jubbaland xiriirkoodu wuu xun yahay, Baarlamaankuna waa kala qeybsan yahay. Sidoo kale, bulshada dhexdeeda waxaa ka muuqda kala aragti duwanaansho sii xoogeysanaya. Taas kuma dheeraanaayo oo waa waadix. Haddaba, qormadani xukun ma ahan, dhaliilna maahan, waa aragtideyda oo ku saleysan su’aalo ay isweydiisay maskaxdeyda kaddib markii aan arkay xaaladda cakiran ee dalka. Maanta wax kasta waxaa mas’uul ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagaa reerka ugu weyn. Isagaa dowladnimadii oo ciidamadii iyo dhaqaalihii dalka ay ku jiraan gacanta ku haayo, cidda ugu horreysa ee wixii qaldama la weydiinaayo waa isaga, sidaas darteed ayaan si gaar ah diiradda ugu saaray.Taladeyda waxay tahay, hoggaaminta wanaagsan waxay ku dhisan tahay in qofku dareenkiisa uu maamulo, ee aysan dareennadu isaga maamulin. Hoggaamiye ay xaaladdiisa dareen hagto wuxuu halis u yahay go’aanno aan degganayn oo saameeya danaha shacabka iyo xasilloonida dalka. Taladani kuma koobna Madaxweynaha oo keliya. Waxay sidoo kale quseysaa mucaaradka maanta. Marka ay berri xilka qabtaan, waa in hadalladooda maanta iyo ficilladooda berri is waafaqaan. Taasna waxaa lagu gaari karaa mabda’ joogto ah iyo in aan caddiifaddu hoggaamin mowqifyada siyaasadeed.
W/Q: Weriye Tahliil Colaad Xasan

