Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Magaalada Muqdisho waxaa 3 iyo 4-tii bishan Juunyo ka dhacay dagaallo khasaare xooggan dhaliyay, kuwaas oo gaystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed, sababayna barakac baahsan oo saameeyay dadka degmooyinka Hawlwadaag, Cabdicasiis iyo aaggaga ku dhow dhow.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Musharaxiinta Madaxtinimo ee dalka, oo ka biyo-diidsan muddo kordhinta uu samaystay Madaxweynaha xilka haya ee waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku dhawaaqeen inay magaalada Muqdisho ku qabanayaan bannanbaxyo nabdoon. Bannaanbaxyadaas oo ujeedkoodu ahaa inay ku muujiyaan diidmada ay ka qabaan muddo kororsiga iyo in dalka lagu maamulo heshiis la’aan.

Madaxtooyada Soomaaliya, oo ka hortagaysa in dadku aragtidooda cabbiraan, ayaa beegsi ku samaysay hoggaamiyayaasha mucaaradka, waxayna weerar hubaysan ku qaadday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo labaduba ah musharaxiinta madaxtinimada dalka.

Dagaalka oo qarxay galabnimadii 3-da bishan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay caasimadda. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barakacayaasha iyo Qaxootiga (UNHCR), dagaalka ayaa sababay, dhimashada In ka badan 13 qof. Dhaawaca dad gaaraya 189 qof. Waxaana ku barakacay dad kor u dhaafaya ilaa 12,500 oo qof.

Waxa kale oo dagaalkan laga diiwaan-geliyay arrimo ku cusub colaadaha Soomaaliya hore uga dhici jiray, kuwaas oo ah in dowladdodu ay u adeegsatay siyaasiyiinta iyo rayidkaba hubka culus, kaasi oo mamnuuc ka ah in loo adeegsado meelaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

Sida ay isku waafaqeen Madaxweynihii hore iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, dowladda ayaa deegaannadooda ku garaacday hub culus oo ay ka mid yihiin gantaalaha garbaha laga tuuro, madaafiicda wax duqeysa, hoobiyayaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-qarxiya (Drones).

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo habeenimadii 5-ta bisha hadlay, ayaa xusay in weerarka lagu soo qaaday laga soo agaasimay Madaxtooyada, isla markaana loo adeegsaday hub culus oo u baahan xisaabtan ka madax-bannaan Soomaalida dhexdeeda.

Hoobiye ayaa laga soo tuurayay, Drones ayaa laga soo tuurayay, qori ba qoriga uu ka weyn yahay ayaa laga soo tuurayay Madaxtooyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Dhanka kale, Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyay weerarkii lagu qaaday hoggaamiyahooda, iyagoo sheegay in loo isticmaalay noocyada kala duwan ee hubka.

“Xisbigu wuxuu si adag u cambaaraynayaa in lagu soo weeraro hubka culus, daroonada is-qarxiya, hoobiyayaal iyo madaafiicda goobta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Himilo Qaran oo ku taariikhaysnaa 6-da bisha Juunyo.

Eedaymahan ka yimid madaxdii hore ee dalka ee ku aaddan in xukuumadda Madaxweynaha muddo-dhaafka ah uu u isticmaalay hubka culus, ayaa ku biiraysa eedaymo kuwan la mid ah oo ay dowladda u jeediyeen maamul gobleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Maamuladaas ayaa dowladda horey ugu eedeeyay in weeraradii lagu qaaday loo adeegsaday diyaaradaha is-qarxiya, kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya ugu deeqeen dalalka saaxiibka la ah si loogu adeegsado dowlad-dhiska dalka.

Kasokow, eedaymaha Madaxda Mucaaradka, waxaa la helay muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay oo ay ka muuqdaan diyaaradaha oo ku qarxaya guryo shacabku leeyihiin. Somali Stream ma xaqiijin karto inay diyaaradahaas ay istcimaalaysay dowladda, hase ahaate codadka la socda ayaa u eeg inay yihiin kuwa la isticmaalay maalinkii la weerarayay deegaanka Raysalwasaare Khayre.

Dhankeeda dowladda oo qiratay inay weerarka qaaday ayaa ku andocootay inay soo afjarayso maleeshiyaad amniga caasimadda khalkhal gelinayay kuwaas oo gabaad ka dhigtay degmooyinka Hawlwadaag iyo Cabdicasiis. Waxaase sheegashadeeda ka hor imaanaya in dadka la weeraray ay ahaayeen madaxdii hore ee dalka oo aysan ahayn maleeshiyo.Si kastaba, waxaa xiligan sare maray walaaca laga qabo sida ay dowladda Soomaaliya u maaraynayso hubka gacanteeda ku jira oo loogu talogalay in loo isticmaalo la dagaalanka argagaxisada, balse ay waqtigan Madaxtooyadu u isticmaalayso inay ku aamusiso siyaasiyiinta ka aragti duwan ee diidan muddo kororsiga iyo xukunka oo xoog lagu joogo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More