Gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, Soomaaliya, wuxuu muddooyinkii u dambeeyey masrax u ahaa hawlgallo ciidan iyo duqaymo dhinaca cirka ah oo lala beegsanayo kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan kooxda Daacish (ISIS) ee ku dhuumaalaysata buuralayda Calmiskaad ee silsiladda Golis. In kasta oo hawlgalladan loo qaadayo si loo cidhibtiro kooxahaas dhibaatada ku haya nisaamka iyo amniga, haddana waxaa isa-soo-taraya khasaaraha baahsan ee kasoo gaadhaya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, kuwaas oo noqday dhibanayaasha rasmiga ah ee ku waxyeelooba dagaalkan.
Dhacdadii Ugu Dambaysay: Duqayntii Baxaya
Dhacdadii ugu dambaysay ee ka dhacday gobolka Bari waxay daaha ka rogtay baaxadda masiibada haysata dadka shacabka ah. Duqayn dhanka cirka ah oo dhacday 22kii bisha May ayaa ku habsatay qoys reer miyi ah oo ku sugnaa deegaanka Baxaya ee degmada Qandala.
Khasaare nafeed oo ku kooban shan qof oo isku qoys ah ayaa ka dhashay. Waxaana goobta ku dhintay hooyo iyo saddax gabdhood oo ay dhashay. Waxaana ku dhawaacmay duqantaas aabihii qoyska. Maxamed Iid Ismaaciil oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayo xarun caafimaad oo Boosaaso ku taal.
Magacyada shaqsiyaadka dhintay.
- Saynab Barre Qaxiye, hooyada Qoyska
- Fadumo Maxamed Iid 14 jir
- Anab Maxamed Iid 13 jir
- Amal Maxamed Iid 2jir
Kahor dhacdadan hablaha walaalaha ah iyo hooyadood lagu dilay, waxaa gobolka Bari ka dhacay dhowr weerar oo kale oo dhanka cirka ah, oo lagu laayay qoysas dhan oo xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo ku sugnaa teedka buuralayda iyo dhulka daaqsinka ah.inta badan dadka ku waxyeeloobay duqaymahan waa dad shacab ah oo aan wax xidhiidh ah la lahayn kooxaha hubeysan, balse deegaanadooda ay noqdeen meelo si khaldan loo beegsado ama loo tixgeliyo inay ku dhow yihiin fariisimaha Daacish.
Aamusnaanta Puntland iyo Baadhitaan La’aanta
Sida uu Somali Stream u sheegay Safiir Kuxigeenka Soomaaliya u qaabilsan Tansaaniya ahaana Wasiir hore oo katirsan xukuumadda Puntland, Cabdifataax Nuur (Ashkir) oo ka tirsan qoyska la duqayeey, ma jiraan ilaa hadda xidhiidh iyo ka warhayn ay qoyska la soo samaysay Puntland.
“Waxa walaaca ugu weyn ku reebay shacabka iyo ehelada dhibanayaasha waa hab-dhaqanka maamulka Puntland ee ku aaddan masiibooyinkan sii kordhaya.” Ayuu yidhi Ashkir Nuur.
Si guud Puntland si rasmi ah ugama hadlin dhammaan dhacdooyinkan (kuwii hore iyo tan dambeba), mana jirto xog sugan oo ay la wadaagtay shacabka ku saabsan khasaaraha rayidka. Maamulku ma soo bandhigin dalka ama dawladda iska leh diyaaradaha gaystay duqaymahan. Inkasta oo la og yahay in Maraykanka iyo Imaaraadka Carabtu ay fuliyaan duqaymaha ka dhaca Calmiskaad, haddana weli midkoodna si furan uma sheegan waxyeelada loo gaysto rayidka.

