Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomay xaflad weyn oo lagu shaacinayay murashaxnimada Cabdisataar Geelle oo u taagan xilka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Xafladda oo ahayd mid ka muuqaal weyn shaacin murashaxnimo, waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin: siyaasiyiin, ganacsato, culimo, suugaan-yahan, iyo bahda dhaqanka Soomaaliyeed. Waayeel, dhallinyaro, wiilal, iyo gabdho ayaa kuraasta munaasabadda buuxiyay.

Munaasabadda waxaa aad u bilay magacyada shakhsiyaadka goobta joogay, oo marka mid mid loo eego, mid kastaaba uu ahaa cinwaan sheeko dhan oo in habeenno laga sheekeeyo ku filan. Waxaana dadkaas magaca iyo mansabka kala duwan leh kulmiyay shaqsi aan hore looga aqoon warbaahinta, hase ahaatee si weyn ugu xirnaa qaybaha bulshada, waana Cabdisataar Geelle.

Xiriirkii Imaylka iyo Xafladda Madaxweynaha

Hadalkii ugu horreeyay ee bandhigga hanka Cabdisataar Geelle, waxaa qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor, ahna wasiir hore, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte. Wasiir Caynte ayaa si weyn uga sheekeeyay aqoonta shaqsi iyo midda shaqo ee uu u leeyahay Murashax Geelle. Waxa uu ku ammaanay inuu yahay nin aqoonta ay u dheertahay xirfad xiriir iyo mid hoggaamineed; labadaas sifo oo uu sheegay inay muhiim u yihiin xilligan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug.


“Markii iigu horraysay Cabdisataar waxaan isku barannay farriin (E-mail) uu ii soo diray, isaga oo aan hore ii aqoon. Waxa uu iga codsaday shaqo iyo inaan isbaranno. 2013-kii ayay ahayd, aniga oo markaas madax ka ah Heritage. Iimaylkaas ayaa dalka keenay Cabdisataar oo caawa u sharaxan Madaxweyne ku-xigeen.” – Cabdiraxmaan Caynte.
Shaqsiyaad kala duwan oo munaasabadda joogay ayaa isku raacay in qaab xiriir oo madax-bannaan ay isku barteen Geelle, uuna yahay xirfadle isugu keenay xayndaabkiisa bulshada qaybaheeda kala duwan, taasoo ah fursad ay yartahay inuu helo qof kasta oo han hoggaamineed iyo mid siyaasadeedba leh.

“Tufta” Reer Aw-Xasan

Intii lagu guda jiray madasha, waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin, oo hore u soo maamulay Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA). Waxa uu ka sheekeeyay inta uu ka yaqaan Cabdisataar, isagoo ku sifeeyay nin aqoonyahan ah oo heerkiisu aad u sarreeyo. Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqsi Geelle oo kale ah uu soo raadsado xilalka siyaasadda Soomaaliya.

Fahad ayaa ku kaftamay in waqtiyadii dambe siyaasadda Soomaaliya aad loo raadinayay “tufta” reer Aw-Xasan, isaguna uu hadda ku “tufayo” Cabdisataar (reer Aw-Xasan waa beesha uu ka soo jeedo Fahad).

Waxa uu intaas ku daray inuu waagii hore siyaasadda hoos ahaan uga shaqaynayay, haddase uu codkiisa ku biirinayo in la doorto Cabdisataar.

Laaluushka Shidaalka

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo kelmad ka jeediyay xafladda, ayaa ku dheeraaday muhiimadda deegaan iyo maamul ee Galmudug. Waxa uu Cabdisataar ku dhiirrigeliyay in meesha uu u socdo ay xilligan aad uga horumarsan tahay waqtigii uu isagu hoggaankeeda hayay.

“Cabdisataar oo kale inuu Galmudug wax ka doonto waxay dan u tahay dadkeenna; culays ayay naga qaadeen. Aniga waa ii sharaf in Galmudug ay dad la mid ah Cabdisataar xil u raadsadaan.” – Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Galmudug oo loo calaamadeeyay inay noqoto halka ugu horraysa ee shidaalka Soomaaliya laga sahminayo, oo ay shaqadiisa hadda gacanta ku haysaa shirkad dalka Turkiga laga leeyahay. Madaxweynihii hore ayaa sheegay in sababta shidaal qodista looga bilaabay Galmudug ay tahay in dadka deegaannadaas, oo tamar badan haya, looga “laaluushayo” si aysan deegaanno kale khayraad ugu raadsan.

Doorasho Dirqis ah iyo Galmudug loo dhan yahay

Murashax Cabdisataar Geelle oo gabagabadii madasha ka hadlay, ayaa ka hadlay hankiisa, himilada deegaanka, iyo qorshihiisa siyaasadeed haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

Cabdisataar waxa uu ka sheekeeyay halka uu ka soo bilaabay hayaanka dowlad-dhiska, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu seeska dowladnimada Galmudug ka soo bilaabay xilli ay adkayd in laga shaqeeyo.

“Galmudug waxay leedahay wax kasta oo lagu horumaro: xoolo, xuduud, xeeb, iyo beero. Waxayse u baahan tahay hoggaan fahansan oo aqoon u leh. Waxaan ka soo shaqeeyay Galmudug oo afar maamul u kala fadhida, mid ah, iyo mid dib u heshiinaysa. Waxaan aaminsanahay, haddii Allaah ka badbaadiyo Galmudug doorashada dirqiska ah, inaan u taaganahay xilka Madaxweyne ku-xigeenka.” – Cabdisataar Geelle.

Dhanka kale, Murashaxu waxa uu ka digay nidaamka ay dowladda Soomaaliya u wajahayso doorashooyinka dalka, isagoo isku xiray xasilloonida siyaasadeed iyo ammaanka dalka. Waxa uu sheegay inuu la qabo walaaca dadka ka baqaya in doorasho “dirqis ah” oo ay Federaalku garwadeen ka yihiin ay horseeddo kala tag iyo burbur qaran.

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen dad badan, laguna falanqeeyay aqoonta iyo khibradda Geelle, ayaa lagu soo xiray baaq ah in la taageero murashaxa si loo xaqiijiyo in Galmudug ay hore u socoto.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More