W/Q: Ibrahim Ciiro
Marka aad dhex socoto waddooyinka Muqdisho, indhahaagu waxay qabanayaan muuqaal is beddelaya oo si tartiib ah u qabsanaya qalbiga. Caadka sare ee magaaladdu waxay xambaarsan
tahay sheeko rajo iyo soo kabasho leh, wiishash dhaadheer ayaa si kalsooni leh u mudaya cirka, dhismayaal casri ah oo muraayado lehna waxay ka soo if baxayaan halkii ay horay uga yiilleen
burbur iyo raad dagaal. Waa muuqaal soo jiidasho leh, mid qof kasta ku abuuri kara rajo iyo hammi cusub.
Hase yeeshee, marka aad sii eegto si qoto dheer, waxaad dareemaysaa in Muqdisho ay maanta ku taagan tahay isgoys u dhexeeya laba sheeko oo kala duwan: mid ka hadlaysa horumar degdeg ah
iyo rajo dhaqaale, iyo mid kale oo xambaarsan culays, ciriiri, iyo su’aalo ka dhashay qorshe la’aan ama qorshe aan dhammaystirnayn.
Hadaba su’aasha dhabta ah ee qalbiga taabanaysa ayaa ah: ma dhiseynaa magaalo si dhab ah loogu noolaan karo oo nafis leh, mise waxaan si degdeg ah u abuureynaa magaalo qurux muuqaal ah leh balse ka madhan raaxo iyo nolol tayo leh?
Qorshayaasha sida Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) waxay muujinaysaa inay jirto rabitaan ah in Muqdisho laga dhigo xarun casri ah oo isku xirta dhaqaalaha dalka iyo gobolka. Waddooyinka la ballaarinayo, xarumo ganacsi oo cusub la hirgalinayo, iyo mashaariic waaweyn ayaa dhammaantood astaan u ah himilada sare ee qorshahaas.
Hase yeeshee, inta ay qorshayaashu kor ka socdaan, xaqiiqda dhulka taala waxaa ka muuqata magaalo degdegsan oo ka biyo diidsan hirgalinta himilooyinkas. Muqdishu si xawli ah ayay u cufmaysaa oo usii cidhiidhmaysaa. Dhismayaal cusub ayaa la dhisayaa iyaga oo aan siinaynin
muhiimad bixinta meelo bannaan oo ku filan hawada, socodka, ama nasashada. Waddooyin badan waxay noqdeen meel ay gawaaridu si joogto ah ugu xanniban yihiin, sababta ugu weynna waa
parking la’aanta. Meel kasta oo ganacsi uu ka hirgalo waxaa hareeraheeda si dhaqso ah uga dhasha saxmad joogto ah taas oo si tartiib ah u cunaysa waqtiga iyo tamarta dadka.
Waxaa intaas dheer, Muqdisho waxay luminaysaa wax ka mid ah astaamaheedii ay caanka ku ahayd uguna muhiimsanaa oo ahaa meelaha cagaaran. Jardiinooyin iyo goobihii dadweynaha waxay noqdeen kuwa gebi ahaanba la waayay. Magaaladu waxay noqotay mid adag oo kulayl
badan, halkaas oo dhalaanku aysan helin meel ay ku ciyaaraan, qoysaskuna aysan helin meel ay ku nastaan, duqayduna aysan haysan meel ku mija baxsadaan. Noloshu waxay isu beddeshay socod
u dhexeeya shaqo iyo guri, iyada oo ay ka maqan tahay qaybtii nafiska iyo isku xirnaanta bulshada.
Dhanka kale, caqabadaha qotada dheer weli way taagan yihiin. Dad badan oo barakacayaal ah ayaa ku nool deegaano aan qorsheysneyn, taas oo muujinaysa in horumarka uusan wali gaarin dhammaan bulshada. Adeegyada aasaasiga ah sida biyaha iyo korontada waxay inta badan ku tiirsan yihiin shirkado gaar loo leeyahay, taasoo ka dhigaysa helitaankooda mid aan si siman loo wada gaari karin. Isla markaana, goobaha taariikhiga ah ee magaalada Meesha ay kasii baxayan
kuwaas oo xambaarsan aqoonsiga Muqdisho.
Sidaas darteed, Muqdisho manta waxay u baahi qabtaa inay isku dheeli tirto horumarka xawaaraha ku socda iyo helidda magaalo nafis leh. Horumarka dhabta ah ma aha oo keliya dhismayaal cusub iyo waddooyin laami ah ee waa awoodda ay magaalo u leedahay inay dadka siiso meel ay ku noolaadaan, ku nastaan, kuna neefsadaan.
Haddii jihada hadda jirta la saxo oo la xoojiyo iyadoo la tixgelinayo qorsheyn adag, ilaalinta iyo bixinta meelaha dadwaynaha, Muqdisho waxay yeelan kadhaa fursad ay ku noqoto magaalo isku dheellitiran oo qurux iyo nolol leh. Laakiin haddii la iska indhatiro arrimahaas, khatartu waxay tahay in ay noqoto magaalo weyn oo qurux muuqaal leh, balse gudaha ka madhan nafis.
Ugu dambeyn, mustaqbalka Muqdisho kuma xirna oo keliya waxa la dhisayo, balse wuxuu ku xiran yahay waxa la dhex dhigayo dhismayaasha dhaadheer, meelaha bannaan ee cawinaya socodka iyo nafiska dadwaynaha iyada oo aan laga tagayn beerista iyo cagaarinta magaaladda.

