Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqay in markabka casriga ah ee qoda gunta hoose ee badda, ee lagu magacaabo Cagri Bey, uu soo gaaray xeebta Muqdisho. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreeysay ee Ankara ay hawlgal qodis ah oo noocan oo kale ah ka bilowdo waddan ka baxsan xuduudaheeda.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, oo farriin rasmi ah soo saaray, ayaa xaqiijiyay imaanshaha markabka.

Wuxuu xusay in hawlgalkani uu yahay mid dhabbaha u xaarayacutub cusuboo ka mid noqon doona taariikhda iskaashiga tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale u rajeeyay hawlgalka inuu noqdo mid ay guul iyo barwaaqo ka dhalato, maadaama uu yahay hawlgalkani midka ugu weyn oo ay Turkigu ka fulinayaan Geeska Afrika.

Maxaa laga ogyahay Hawlgalka Qodista Shidaalka Soomaaliya?

Sida ay baahisay Wasaaradda Tamarta ee Turkiga, hawlgalka ayaa ah mid qaadanaya in ka badan 9 bilood, markabka ayaana biyaha Soomaaliya ku sugnaan doona muddo ka badan 288 maalmood, waxaana la filayaa in Cagri Bey uu hoos u qodo badda gunteeda ilaa 7,500 oo mitir.

Sida la shaaciyay, qodaalka koowaad ayaa ka dhacaya ceelka Curad-1 oo dhaca xeebta maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Cagri Bey, oo ah markabkii ugu horreeyay oo noociisa ah oo Turkigu dhiso, ayaa shaqadiisii koowaad oo shidaal sahmin iyo qodis ah ka fulinaya meel ka baxsan xuduudka dalka Turkiga.

Waxay Ankara ugu dhigantahay guul weyn oo ay dhanka horumarka u qaaday.

Haddii lagu guulaysto in Soomaaliya shidaalkeeda uu bannaanka keeno Turkigu, waxay noqon doontaa taariikh aan horay uga dhicin Soomaaliya.

Heshiiska sahminta iyo qodista shidaalka ayaa labada dal kala saxiixdeen Maarso, 2024, waxaana uu xilligan marayaa heerkii fulinta, kaddib markii lagu qancay baaristii 3D-ga ahayd ee la soo bandhigay 30-kii Diisambar ee 2025, markaas oo xaflad lagu qabtay Ankara lagu shaaciyay natiijadii ka soo baxday sahmintii shidaalka Soomaaliya, lana go’aamiyay in la bilaabo hawlgalka qodista.

Imaanshaha markabka Cagri Bey ayaa qayb ka ah iskaashiga labada dal, xilli Muqdisho ay xoojinayso heshiisyada dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah ee ay la leedahay Ankara.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa awoodda dhaqaale ee Soomaaliya, islamarkaana sare u qaadaysa sumcadda Turkiga ee dhinaca farsamada iyo sahaminta tamarta caalamiga ah.

Sida qorshaysan, Cagri Bey oo hadda taagan xeebta Muqdisho, meel dhowr mitir uun u jirta Dekadda Muqdisho, ayaa lagu wadaa in berri oo Jimce ah xaflad soo dhoweyn ah loogu qabto gudaha dekadda Muqdisho, halkaas oo ay ku booqan doonaan madax kasocota labada dal.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More