Kulamo kala duwan oo Madaxweynaha Soomaaliya la qaadanayay xubnaha ururkiisa iyo saaxiibadiisa siyaasadda oo ilaa xalay iyo maanta ka socday Madaxtooyada ayaa soo dhammaaday.
Qodobada ugu muhiimsan oo looga hadlayay ayaa ahaa doorashooyinka Dowlad Goboleedyada ku safka ah Dowladda Federaalka ee muddo dhaafka ah. Waxaa shirarkaas ka soo baxay;
1. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku magacaaban Xoghaye Kuxigeenka Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweynaha ayaa lagu qanciyay inuu ka haro tartanka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, Madaxtooyada ayaana ku qancisay in Xuseen laga dhigayo Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee dalka, jagadaas oo uu hore ugu fadhiyay Hoggaamiyaha KMG ee koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid.
2. Madaxweynaha iyo kooxdiisa isku raacay in booska Xoghayaha Guud ee JSP la siiyo siyaasiyiinta reer Galmudug ee ku jiro ururka, waxaana magacyada miiska la soo saaray kamid ah Axmed Macalin Fiqi oo haatan ah Wasiirka Gaashaandhigga.
3. Haddii Xuseen Sh. Maxamuud loo magacaabo Raysal Wasaare Ku Xigeenka oo ay haatan ku fadhido Beesha Digil, waxaa muuqanaysa in tartanma Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku adkaanayso Cabdulqaador Maxamed Nuur oo haatan u ololeynaya. Waxaa halkan fursad leh Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalim Caliyoow iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali.
4. Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Madaxweynuhu sheegay inuusan weli go’aan ka qaadan oo uu waqti dheeri ah u baahan yahay. Hase yeeshee, dhawr Guuto oo Ciidanka Xoogga Dalka ah ayaa shalay laga dajiya magaalada Jowhar.

