Maanta khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ma aha oo kaliya Al-Shabaab ama amni darro, balse waa burburka ku socda kalsoonidii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka dowladnimo. Soomaaliya waxay maraysaa marxalad siyaasadeed iyo mid sharci oo aad u xasaasi ah. Odayaashii hore waxay dhihi jireen “Lug Jiis Ah Waa Lagu Socon Karaa, Balse Sharci Jiis Ah Laguma Socon Karo”. Khilaafyada ku saabsan dastuurka, doorashooyinka, federaalka, muddo xileedka dowladda, iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ayaa sii kala fogeeyey dowladda dhexe, dowladgoboleedyada iyo mucaaradka.
Kaddib burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, Soomaaliya waxay gashay marxalad dagaallo sokeeye, kala qaybsanaan qabiil iyo dowlad la’aan ah. Shirar badan oo dib u heshiisiin ah ayaa fashilmay sababtoo ah dhinac walba wuxuu doonayay guul gaar ah halkii laga gaari lahaa tanaasul qaran
Shirkii Carta ee Jabuuti 2000 wuxuu beddelay fahamka siyaasadeed ee dalka. Waxaa la aqbalay xaqiiq ah in Soomaaliya xoog lagu maamuli Karin balse lagu maamuli karo heshiis iyo awoodqaybsi. Halkaas waxaa ka dhashay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya oo lagu heshiiyay afar tiir nidaam baarlamaani ah, awood-qaybsi beeleed (4.5), federalayn, iyo doorashooyin 4tii sano mar dhaca. Sidoo kale, shirkii Mbagathi ee Kenya 2004 waxaa kasoo baxay Dastuurka KMG oo noqday saldhigga dowladnimada aan manta haysano.
DIB U DOORASHADII MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO ISBEDDELKA SIYAASADEED
Sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loo doortay iyadoo dad badan ay filayeen in uu ka faa’iideysto waayo-aragnimadiisii hore, kuna hoggaamiyo dalka jihada xasillooni iyo dib u heshiisiin siyaasadeed. Hase yeeshee, waxaa muuqata in jihada siyaasadeed ee dowladdu qaadday ay dhalisay jahwareer siyaasadeed, kala shakiga dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.
Mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada waxay aaminsan yihiin in awoodda dowladda lagu koobay koox ama Xisbi siyaasadeed oo gaar ah, taas oo dhaawacday isku dheelitirkii iyo kalsoonidii siyaasadeed ee dalka. Arrintaas waxay abuurtay dareen ah in saaxadda siyaasadda la ciriirinayo halkii laga ballaarin lahaa awood qaybsiga dowlada.
MURANKA SHARCI IYO SIYAASADEED EE DASTUURKA
Qodobka 1-aad ee Dastuurka KMG ah wuxuu dhigaya in “Soomaaliya ay tahay dal federal ah”. Sidoo kale, Qodobka 54-aad wuxuu qeexayaa in “awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladgoboleedyada lagu saleeyo wada-xaajood iyo heshiis”. Labadan qodob waxay si cad u muujinayaan in nidaamka dowladeed ee dalka uu ku dhisan yahay federaal iyo wada-tashi siyaasadeed, isla markaana isbeddel kasta oo weyn uu u baahan yahay heshiis dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.
Madaxweynaha isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) marka laga reebo Puntland ayaa soo bandhigay dastuur cusub, doorasho qof iyo cod ah, iyo saddex xeer oo kala ah (Xeerka Doorashooyinka, Xeerka Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha, iyo Xeerka Xisbiyada
Siyaasadda) Hase yeeshee, maadaama Puntland bilowgiiba ka maqneyd heshiisyadaas, Jubalandna markii dambe ay ka baxday, xubnihii soo harayna ay sameysteen hal xisbi oo siyaasadeed waxaa soo baxaya dood sharci iyo mid siyaasadeed oo ku saabsan in go’aannada kasoo baxa NCC aysan noqon karin kuwo qaran oo loo dhan yahay.
Waxaa sidoo kale jira dood ku saabsan isbeddellada la xiriira nidaamka dowladeed iyo ballaarinta awoodaha madaxtooyada. Dad badan waxay qabaan in haddii awoodda siyaasadeed lagu ururiyo hal xarun iyadoo aan heshiis siyaasadeed jirin ay dib usoo laaban karto cabsiihii hore ee la xiriiray kelitalisnimo.
DOORASHOOYINKA IYO KALSOONIDA SIYAASADEED
Mashruuca doorashada qof iyo cod wuxuu noqday arrinta ugu muranka badan siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka waxay ku doodaysaa in dalka loo gudbinayo dimuqraadiyad rasmi ah, halka mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadu qabaan in aan weli la gaarin jawigii siyaasadeed iyo amni ee lagu qaban lahaa doorashooyin loo dhan yahay. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in saaxadda siyaasadda lagu soo koobo tiro yar oo xisbiya ah, taas oo ay siyaasiyiin badan u arkaan mid dhaawici karta tartanka siyaasadeed iyo matalaadda bulshada.
Dimuqraadiyaddu ma aha oo keliya “cod bixinta” ee waa kalsoonida lagu qabo nidaamka codka lagu bixiyey. Haddii guddiyada doorashada, sharciyada, iyo geeddi-socodka siyaasadeed loo arko kuwo dhinac u janjeera shacabka iyo siyaasiyiintuba waxay luminayaan kalsoonidii nidaamka.
MUDDO KORORSI IYO KHATARTA KA DHALAN KARTA
Qodobka 91-aad ee Dastuurka wuxuu qeexayaa muddo xileedka Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dood xooggan oo ku saabsan in isbeddellada siyaasadeed ee hadda socda ay horseedi karaan muddo kororsi.
Mucaaradka waxay aaminsan yihiin in sababta ugu weyn ee loo beddelayo nidaamka siyaasadeed iyo doorashooyinka ay tahay in lagu helo waqti dheeraad ah. Dowladda Federaalka dhankeeda waxay ku doodaysaa in dib u habeynta nidaamka doorashada ay tahay mid lagama maarmaan u ah hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Laakiin su’aasha ugu weyn waxay tahay: haddii aan heshiis siyaasadeed jirin, sidee sharciyad iyo kalsooni loogu heli karaa nidaam cusub? Xeer ama sharci si dhab ah looguma fulin karo dowlad iyada lafteedu lagu muransan yahay sharciyaddeeda siyaasadeed. Taasi waa saldhigga ugu weyn ee khilaafka maanta jira. Sidaas darted khilaafkan haddii uu sii socoto waxa ay dhalin kartaa gacan ka hadal iyo kala daadasho nidaamka dowladnimo.
AMNIGA IYO DOORASHOOYINKA
Dowladda wali si buuxda uguma taliso dhammaan dalka. Deegaano badan waxaa saameyn ku leh Al-Shabaab, halka qaar kalena ay ka jiraan colaado qabiil iyo xasillooni darro siyaasadeed. Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn waxay tahay sida loo qaban karo doorashooyin loo dhan yahay iyadoo aan amniga dalka si buuxda loo xaqiijin. Sida aan wada ognahay doorasho kasta waxay u baahan tahay amni, kalsooni siyaasadeed, hay’ado dhexdhexaad ah iyo nidaam ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadeed.
Haddii dhinacyo muhiim ahi aysan aqbalin habka loo wajahayo doorashada, natiijada kasoo baxda waxay noqon kartaa il cusub oo khilaaf iyo xasillooni darro.
XIISADIHII RAASKAMBOONI IYO BAYDHABO
Xiisadihii Raaskambooni iyo Baydhabo waxay muujiyeen heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee dalka. Khilaafyada doorashooyinka iyo maamulka ayaa mararka qaar isu beddelay iska hor imaadyo ciidan oo dhaawacay sumcadda dowladda iyo kalsoonida shacabka. Tusaale, haddii labo masuul oo doorashado isku fahmi wayay ay is weerareen, maxaa dhici kara haddii la qabto doorasho qof iyo cod ah oo aan heshiis lagu aheen. Dhacdooyinkaas waxay noqdeen digniin muujinaysa in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo dhab ah khilaafyada siyaasadeed waxa ay isu beddeli karaan isku dhac dhaawaca dowladnimada iyo midnimada bulshada.
FEDERAALKA IYO CABSIDA KELITALISNIMADA
Nidaamka federaalka Soomaaliya waxaa loo sameeyey in lagu yareeyo cabsidii laga qabay awood dhexe iyo kalsooni darradii ka dhalatay colaadaha. Federaalka waxa uu dowlad-goboleedyada iyo bulshada uu siiyey door siyaasadeed si ay u dareemaan inay qayb ka yihiin dowladnimada.
Marka awoodda dib loogu ururiyo xarunta dhexe iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin, waxaa dib u soo laabanaya cabsidii hore. Maamul goboleedyada qaar maanta waxay dareemayaan in awooddoodii siyaasadeed la wiiqayo, halka mucaaradkuna ay qabaan in saaxadda siyaasadda la ciriirinayo.
Taariikhda Soomaaliya waxay muujinaysaa in dowlad kasta oo ku tiirsan awood keliya, isla markaana iska indha tirta heshiis siyaasadeed ay ugu dambayn wajahdo khilaaf iyo xasillooni darro. Sidaas darted, Jamhuuriyaddii koowaad waxay ku burburtay khilaaf siyaasadeed iyo dowladnimo daciif ah, halka Jamhuuriyaddii labaad ay ku burburtay kelitalisnimo. Maanta, Jamhuuriyadda saddexaad waxay wajahaysaa halis weyn taas oo ah in la wiiqo heshiiskii siyaasadeed ee lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.
Dastuurku ma aha warqad sharci oo keliya ee waa heshiis bulsho iyo is-aminaad siyaasadeed. Sharcigu marka uu noqdo mid aan lagu heshiin, wuxuu isu beddelaa sharci aan lahayn kalsooni iyo aqbalaad. Sidaas darteed, manta badbaadada dowladnimada Soomaaliya waxay ku jirtaa wada-tashi dhab ah, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, nidaam doorasho oo cadaalad ah iyo ilaalinta dheelitirka awoodaha dowladda.
Axmed Abukar(Azhari)

