Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wareysi uu Isniintii ku bixiyay Aqalka Cad islamarkaana uu siiyay warbaahinta Politico, ku sheegay hadalo culus oo ku saabsan xaaladda dhaqaale, halis uu tilmaamey inay ka imanayso burcadda daroogada ee Venezuela, iyo taageero uu sheegey in ay isaga u hayaan dadka madowga ah ee Maraykanku.
Maalin ka dib, ayaa uu hadana hadlay intii uu ku guda jirey socdaal uu ku tagay gobolka Pennsylvania, halkaas oo uu mar kale ku aflagaadeeyey dowladda Soomaaliya iyo Xil.Ilhaan Cumar oo beryahan hadaladiisa ku soo laalaabanayey, isaga oo ku eedeeyay inay dalka ku joogto sifo sharci darro ah.
Warbaahinta Al-jaziira ayaana hadaladiisa ku adaan Ilhaan Cumar, arimaha dhaqaalaha, Soomaaliya iyo dagaalka daroogada ee uu sheegey in uu kula jiro Venezuela ku sameysey faaqidaad iyo xaqiiqo raadin iyada oo soo bandhigtey wax ka duwan sida uu hadalkiisa u dhigay.
Halkan ka akhriso turjumaada sheegashooyinka Trump iyo qodobada ay hubinta ku sameysey Al Jazeera.
———————————————————————
*Sheegashada 1aad: “sicir-bararka ugu xun taariikhda”*
Intii uu joogay Pennsylvania, Trump ayaa sheegay in uu madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Biden uga tegay “sicir-bararkii ugu xumaa ee abid soo mara dalka Maraykanka”. Isla wareysigii uu maalin ka hor siiyey Politicona wuxuu ku yidhi: “Waxaan dhaxlay jaahwareer. Sicir bararku wuxuu marayay meeshii ugu sareysey markii aan imi xafiiska.”
Waxaanu intaas ku darey in gallon-ka shidaal ahi uu gaadhay $4.50, goboladda qaarna $6.00, balse uu hadda marayo $1.99.”
*Xaqiiqda*
Haseyeeshee xaqiiqdu sidaas wey ka duwan tahay. Hay’adda Factcheck.org ayaa hore u caddeysay in sicir-bararku uu lixdii bilood ee ka horreeyay markii Trump talada la wareegay ay heerka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu(CPI) celcelis ahaan ka hooseeyey 3%, sicir-bararkii ugu xumaa ee Maraykanka soo maraana uu dhacay 1920-kii, xiligaas oo uu gaadhay 23.7%. Sidoo kale sanadkii uu 1980, sicir-bararku waxa uu gaadhay 14.8%.
Dhanka shidaalka oo uu sheegay Trump in uu yahay $1.99 waxaa la cadeeyey in uu ku kooban yahay meelo yar iyo goobo gaar ah, haseyeeshee celceliska guud ee gobolladu intaas uu aad uga sareeyo iyada oo bishii November halkii gallon uu gaadhey 3.5, sida ay sheegtay Hay’ada Tamarta Mareykanka ee EIA.
*Sheegashada 2aad: “Ilhan Omar’*
Intii uu ka hadlayey isu-soo-baxii ka dhacay Pennsylvania, Trump waxa uu weerar ku qaaday Ilhan Omar — oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Dumuqraadiga, isla markaana wakiil ka ah gobolka Minnesota tan iyo 2019.
Isaga oo ka hadlaya socdaalka dadka ka yimaada Soomaaliya iyo dalal kale, ayaanu ku andacooday in Ilhan Omar ay dalka Maraykanka ku joogto si sharci-darro ah, waxaanu yidhi isaga oo taageerayaashiisa la hadlayay: “Waan jeclahay Ilhan Omar, ama wax kasta oo magaceeda yahayba. Waan ka helaa koofiyaddeeda yar. Aad baan u jeclahay. Wax kale ma sameyso oo aan ka ahayn cabasho. Mar walba way qaylineysaa. Waxay ka timid waddankeedii — kaas oo, runtii, dadka u arkaan inuu yahay waddanka ugu xun dunida.”
Taageerayaasha ayaa sacab isku darey. Trump ayaana sii raaciyay: “Waa inaan ka saarno halkaan. Waxay guursatay walaalkeed si ay dalka u soo gasho, sax? … Walaalkeed ayey guursatay si ay u soo gasho, sidaas darteed waxay ku joogtaa sharci-darro.”
Dadkii isu-soo-baxa joogay ayaa bilaabay inay ku qayliyaan: “Send her back!” (Dib u celi!)
Trump waxa uu kale oo uu sheegay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan, baarlamaan ama boolis. Isaga oo leh: “Iyaga ayaa isku boolis ah, mar walbana way is dilaan.”
*Xaqiiqda*
Marka hore, Soomaaliya waxay leedahay ciidan, baarlamaan iyo boolis — sidaas darteed hadalka Trump waa mid aan sax ahayn. Marka labaadna Ilhan Omar waxa ay ku dhalatay Muqdisho 1982. Qoyskeedu waxa uu ka cararay dagaalkii sokeeye, afar sano ayeyna ku jireen xero qaxooti oo Kenya ah, ka hor inta aysan magangalyo ka helin Maraykanka 1995 markaas oo ay jirtay 12 sano. Markii magangalyada la siiyay qoyska Ilhan, barnaamijka qaxootiga Maraykanka waxa uu u oggolaaday in ay helaan deganaansho sharci ah (LPR). Shan sano ka dib waxay codsadeen dhalasho rasmi ah taas oo sharcigu u ogolaanayey.
Ilhan Omarna waxay noqotay muwaadin Maraykan ah 2000, iyada oo jirtay 17 sano. Eedaymaha ku saabsan in ay guursatay walaalkeed si ay sharci u heshona waxay soo shaac baxeen 2018, waxaana faafiyay kooxaha midigta fog ee Maraykanka. Taas oo Ilhan Omar hore ugu tilmaamtey “been nacasnimo ah”. Ilhan ayaana sidoo kale hore si rasmi ah u gu soo bandhigtey Associated Press dhammaan waraaqaheeda guurka iyo furriinka.
Ma jiro wax caddeyn rasmi ah oo la hayo taas oo muujinaysa in ay guursatey walaalkeed.
**Sheegashada 3aad: *‘’Weerarrada lagu qaaday doomaha Venezuela’’*
Intii uu ku guda jiray wareysiga uu siiyey Politico, Trump mar kale waxa uu ku celceliyey sheegashada ah in madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro uu “maraykanka u soo raro daroogo badan”.
Tan iyo bishii Sebtembarna, ciidamada Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday ugu yaraan 21 doonyood oo Venezuelan ah oo ku sugnaa Kariibiya iyo Badda Baasifigga bari, halkaas oo in ka badan 80 qof lagu dilay.
Waxaana si gaar ah wax loo ga weydiiyey Trump dhacdo bishii Sebtembar, la gu weerarey doon looga shakiyey daroogo oo la ga lahaa Venezuela taas oo uu taliyaha sare ee ciidamada badda Maraykanka uu amar ku bixiyey in mar labaad la garaaco kadib markii weerarkii koowaad lagu burburiyey guud ahaanba doonta. Markhaatiyo ayaana sheegay in kaliya labo qof oo ku dhegganaa burburka doonta ay ka badbaadeen weerarkii hore haseyeeshee labadaba lagu dilay weerarka labaad.
Trump ayaana kaga jawaabay.
“Waxay u ekaayeen inay isku dayayeen inay doonta dib u rogrogtaan, laakiin arrintaas anigu kuma lug lihi. Waxay ahayd go’aan ay iyagu(ciidanka baddu) ay leeyihiin. Admiral-ka ayaa amray, waana nin aad loo ixtiraamo.” Waxaanu raaciyey, “Annagu waxaanu badbaadinnaa nolosha 25,000 oo qof oo Maraykan ah markasta oo aanu doon burburinno.”
Intii lagu jiray khudbaddiisii Pennsylvania, Trump mar kale waxa uu ku celiyey in, sida uu sheegay, “hal mar oo Maraykanku burburiyaan doon Venezuelan ah, ay badbaadiyaan 25,000 oo nolosha dad Maraykanka ah.”
*Xaqiiqda*
Dowladda Trump wax caddayn ah kama aysan bixin sheegashada ah in doomaha Venezuela lagu weeraro ay mar kasta badbaadiyaan 25,000 nolosha Maraykanka, iyadoo laga hortagayo daroogada. Sidoo kale ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaysa in doomihii la weeraray ay daroogo sideen ama ay ku lug lahaayeen shabakad daroogeed.
Waxaa intaa dheer, ma jiraan cadeymo xoogan oo muujinaysa in darooga badan looga soo raro Venezuela Maraykanka.
Warbixin ay soo saartey UNODC 2023 waxay sheegtay in wax soo saarka cocaine-ka dunida uu gaaray heerkii ugu sarreeyey islamarkaasna cocaine-ka ugu badan laga soo saaro, Kolombiya, Peru iyo Bolivia
Jidadka daroogada ee u gudba Maraykanka 2023–2024 waxay inta badan ka yimaadeen Kolombiya, Peru iyo Ecuador, balse Venezuela waxa ay mararka qaarkood u isticmaalaan jid yar oo cocaine-ka Kolombiya uga gudbo dhanka Kariibta bari.
Warbixin kale oo ay soo saartey hay’ada la dagaalanka daroogada ee (DEA) 2024 waxay caddeysay in 84% cocaine-ka laga qabtay Maraykanka uu asal ahaan ka yimid Kolombiya, isla markaana ma aysan xusin Venezuela.
*Sheegashada 4aad: “Dadka Madowga ah way i jecel yihiin” – Trump*
Wuxuu sheegay inuu helay “codka ugu badan ee dadka Madowga ah”.
*Xaqiiqda*
Haseyeeshee 2024, Trump wuxuu helay 20% kaliya codka dadka halka uu 12% ka heley 2020.

