Si weyn waxaa hoos ugu sii dhacaysa aamminaadii lagu qabay Caddaaladda Soomaaliya, waxaana halkii ugu hoosaysay gaadhay kalsoonida lagu qabi karo in garsoorka Soomaaliya gaadho goโaanno maxkamadeed oo ka madaxbannaan siyaasadda. Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamadda Gobolka Benaadir ay 29/01/2026-ka laashay amar soo qabasho ah oo ka yaallay maxkamadaha dalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Isla maxkamaddan soo saartay amarka ka laabashada ah ayaa 27/11/2024 soo saartay warqad ku calaamadsannayd MGD/DCL/1531/2024 oo ahayd sooqabasho iyo horkeenis maxkamadeed, Eedaysane Axmed Maxamed Islaam. Soo saarista iyo kanoqoshada amarka oo ahaa mid aan danayn badan la siin ayaa ahaa nabar ku dhacay sumcadda nidaamka caddaaladda iyo Garsoorka dalka. Mid ka mid ah garsoorayaasha dalka oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inay gaadhaan goโaanno siyaasadeed aysan soo saarin goโaanno garsoor.
Eedaysanayaal Maxkamad Xukuntay oo Madaxweyne Fasaxay
Somali Stream, waxay dhawaan heshay nuqul cafis Madaxweyne oo la fidiyay xukumanayaal ay Maxkamadda Gobolka Benaadir ku heshay dambiyo musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne. Sida ku cad xeerka Madaxweynaha waxaa lagu eedtirey xukumanayaasha, waxaana meesha looga saaray goโaannadii ay maxkamaddu soo saartay.
Shaqsiyaadka uu Madaxweynuhu cafiska u fidayay ayaa ahaa xukumanayaal ay Maxkamaddu ku sheegtayย inay galeen dambiyo musuqmaasuq iyo wax is-dabar-marin. Dadkan xukuman ayaa ahaa dhammaantood saraakiil dowladeed, kuwaas oo sannadkii 2023 uu soo eedeeyay Xafiiska Hantidhawrka Qaranku, lana xukumay ayada oonan Mackamad la horkeenin wax cadeymo ah marka laga reebo warbixinta Hantidhowrka oo kaliya.
Xukumanayaasha la cafiyay ayaa dhammaa 6 sarkaal kuwaas oo Maxkamadda Gobolka Benaadir ay ku heshay eedihii loo soo jeediyay, waxayna ku kala xukuntay xukunno u dhaxeeya 2 sano ilaa 9 sano. Dhammaan eedaysanayaasha ayaa markii la xukumayay ahaa Maqanayaal, waxayna maxkamaddu amartay in la soo qabto, la xiro isla markaana aysan xafiis dowladeed dib danbe u qaban karin.
Kaddib, muddo ay xukumanayaal ahaayeen, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cafis u fidiyay xukumanayaasha maqan. Sida ay Somali Stream aragtay, xafiiska Madaxweynaha ayaa soo saaray xeer Madaxweyne, oo cinwaankeedu yahay Cafis, taas oo tixraaceedu yahay Xeer LR 734 kuna taariikhaysan inay soo baxday 20/4/2026. Xeerka ayaa waxaa ku qoran in Madaxweynaha Soomaaliya uu cafis u fidiyay xukumanayaasha hoos ku qoran, sidoo kalana uu kala laalay dhammaan xukunnadii saarnaa ee kala ahaaAmarka soo qabashada, Xayiraadaha safarka iyo in aysan Xil Dowladeed dib u qaban karin.
ย Magacyada Xukumanayaasha la cafiyay:
- Maxamed Ibraahim Axmed
- Cabdiraxmaan Maxamed Cali
- Abuukar Xasan Aadan
- Maxamed Xuseen Nageeye
- Cabdullaahi Daahir Wehliye
- Cabdiraxmaan Cabdikariim Ibraahim
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdillaahi Suldaan oo xukumanayaasha la cafiyay isku mar lasoo eedeeyay, Cabdillaahi waa la soo xiray, wuxuuna xabsiga ku qaatay muddo sannad ku dhow (8/6/2023-4/6/24). Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa markii danbe ku wayday eedaymihii lagu soo eedeeyay. Waxaana uu noqday eedaysane dambi lagu waayay oo xabsina galay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay masjidka Madaxtooyada badhtamihii sannadkii 2023, ayaa sheegay hadal aad u faafay oo u dhignaa sidatan:
โWaa la baarayaa haduusan musuqmaasuq laheyn tiimbaraa la siinayaa, waana dallacayaa, waliba meeshuu joogo meel kasii sarreysuu tagayaa, aamin waaye illeen maxkamadaa waxey soo tiri aamin waaye ninkaan wax ma xadin, tuuganimada lagu sooeedeyay been waaye, wax ma xadin, shahaado ayuu heystaabo waa aamin meelaha ugu fiicfiican ee wax lagu aamini karo.โ
Kaddib soo bixista Agaasime Suldaan iyo xukumista maqanayaasha lagu helay eedaha, waxaa la filayay in qof kasta uu heli karo wixii uu mudnaa. Suldaan in dib loogu celiyo shaqadiisa, la siiyo xabsi celin mudaddii uu xirnaa iyo in ballanqaadkii Madaxweynaha laga run sheego. Taas baddalkeedu waxay ahayd in 6-da xukumane ay maraan ciqaabta xukunkooda. Hase ahaatee waxaa dhacay wixii la filayay lidkeeda, waxaana Madaxweynuhu uu cafis siiyay shaqsiyaad ay maxkamaddi dambi ku heshay oo xitaa ka baxsaday dalka si aan loogu ciqaabin dambiyada lagu helay.
Halkaas waxaa ka muuqata in markii horeba dadkan la xukumay aan loo haynin dambiyo, loona ciqaabayay tuhunno la doonayay in lagu qaato shaqooyinkooda. Waxaa intaas dheer, in dadka la cafiyay qaarkood ay ku timid olole siyaasadeed oo ay Madaxtooyadu ku meelmarinaysay ajandeyaal ay kamid yihiin ย arrimaha iibka dhulka danta guud, muddo kordhinta Xukuumadda iyo duullaanka lagu baddalayo Madaxda Dowlad Goboleedyada. Waxaa taasi daliil u ah, in dadkii dambiga lagu waayay qaarkood shaqo la geeyay, qaar bannaanka lagu hayo, qaarna haatan xilal cusub oo raadinayo. Waa caddaalad malageed galay!
Eedaysanayaal Maxkamad Dambi ku weyday oo weli xidhan
Markale, Maxkamadaha Soomaaliya ayaa la kulmaya handadaad jiritaan, waxayna sii lumayaan jiraalkii qaanuuneed ee ay ku dhisnaayeen, kaddib markii la fulin waayay xukunno ka soo baxay oo lagu fasaxay eedaysanayaal kaddib markii hayโadaha garsoorku ay ku waayeen eedihii ay xeer ilaalintu usoo jeedisay.
Sida uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu baahiyay, eedaysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa weli ku sii xidhan amarka Madaxweynaha. Ilaa iyo hadda lama fulin amarkii Maxkamadda, waxaana weli xabsiyada Muqdisho ku sii jira eedaysanayaashan hoosku xusan:
- Axmed Nuur Xasan
- Abuukar M. Maxamed M. Xuseen
- Cabdi C/laahi Cali
- Cabdi Cali Ibraahim (Cabdi Dheere)
- Maxamed Cabdi Yusuf (Maxamed Dheere)
- Nimco Ismaaciil Xasan
Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa 20-kii bishan 5-aad soo saartay qaraarka xabsi ka sii daynta maxaabiista kor ku xusan kaas oo summadiisu ahayd MGB/DCL/877/2026.
Burinta iyo dhaqangalin laโaanta goโaannada maxkamadaha ayaa weli si maalinle ah uga sii socda, caddaaladda Soomaaliya iyo nidaamkeeda garsoor payaa ah kuwa ku xidhan farxadda siyaasiga awoodda leh.

