Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Sida la wada ogsoon yahay, markii uu dhammaaday Dagaalkii 2-aad ee Adduunka, dowladihii ku guulaystay dagaalkaas ayaa hoggaanka u qabtay adduunka. Dowladahaas waxaa hormuud u ahaa Ruushka iyo Maraykanka. Taasina waxay sababtay in mid waliba ay ku hammido inay maamusho tamarta adduunka, jaangoyso siyaasadda uu ku shaqaynayo caalamka, mid walibana waxay u samaysatay xulufo iyada u gaar ah oo ay ku midaysan yihiin siyaasadda, dhaqaalaha, milateriga, iyo sirdoonka.
Taasina waxay dhashay inuu halkaasi ka qarxo Dagaalkii Qaboobaa ee adduunka (Cold War). Waxaana la kala oran jiray NATO iyo SOVIET oo ay kala hoggaaminayeen USA iyo RUSSIA.

Labaduba waxay qaateen siyaasad ah in laga takhaluso mid kasta xulafadiisa siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
1991-kii ayaa laga takhalusay Midowgii Soviet ee ay hoggaaminaysay Russia. Maalintaas ka dib, waxa cidlo ku soo dhacay, waayayna taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, dowladihii xulafada la ahaa Soviet-ka oo ka koobnaa Bariga Dhexe, Yurubta Bari, iyo Afrikada Bari; kuwaasoo ay qeybtood burbureen oo saaxadda adduunka ka baxeen sida Soomaaliya.

Markii ay Soviet-ku burbureen 1991-kii, waxa adduunka maamulkiisa siyaasadeed, dhaqaale, amni, iyo diblomaasiyadeed la wareegay xulafadii guulaysatay ee NATO oo uu hormuud u yahay Maraykanku. Ilaa hadda oo aynu joogno 2026, waxa adduunka maamulkiisa siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni hoggaaminaya dowladda Maraykanka iyo xulafadeeda istiraatiijiga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin xubnaha NATO, xulufada Bariga Dhexe, iyo xulufada Aasiya. Cid kasta oo ka hortimaada maalgalinta shirkadaha khayraadka ee Maraykanku leeyahay, ee raba inay maalgashtaan meel ka baxsan dhulka Maraykanka—meeshaas oo la hubo inay leedahay OIL, GAS, and MINERALS—dowladda Maraykanku waxay ku khasbantahay inay weerarto, ama nidaamka ka jira ay beddesho, ama dalkaba burburiso.

Siyaasadda Maraykanka waxa hoggaamiya shirkadaha Saliidda, Gaaska, iyo Macdanka (Natural Resources). Haddaba, dowladaha ku wareejiyay khayraadkooda dabiiciga ah Maraykanka waxay heleen damaanad amni oo istiraatiiji ah, xasilooni siyaasadeed, iyo nidaam maaliyadeed oo fadhiya.

Dowladaha diiday waxa ka mid ah Ciraaq, oo qof kastaa ogyahay waxa ku dhacay dalkaas. Markii nidaam cusub la keenay, ayay shirkadaha Maraykanku galeen Ciraaq; haddana Ciraaq waxay dhaaftay dowlado badan oo Aasiya iyo Afrika ah. Sidoo kale, dowladdii xulafada siyaasadeed iyo midda istiraatiijiga ah la lahayd Ruushka ee ku taallay Bariga Dhexe, ee Suuriya, waatii laga saaray nidaamkii ka talinayay 50-ka sano, laguna beddelay nidaam xulufo la ah Maraykanka, saasna lagula wareegay khayraadkeedii, maantana ay cagta saartay dhiilladii burburka ama wadada horumarka (sida nidaamku isu beddelo).

𝐌𝐔𝐗𝐔𝐔 𝐒𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐇𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐃𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐑𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐘?

Iran waxa loo weeraray ma ahan diin, mana ahan in shacabka Iran la neceb yahay, mana ahan in dowladda Iran ay khatar ku tahay dowladda Maraykanka iyo xulafadeeda. Waxa Iran loo weeraray waa dagaal dhaqaale, muhiimaduna waa Resources-ka Iran; Saliidda, Gaaska, iyo Macdanka ku duugan dhulkaas inay soo galaan gacanta Maraykanka, laguna soo saaro maalgalintiisa, soona saaraan shirkadihiisa, laguna iibiyo lacagtiisa Dollarka ($), iyaguna ay shaandheeyaan (filter), iibna geeyaan, kana iibiyaan suuqyada caalamka sida Shiinaha, Ruushka, iyo Yurub.
Sidoo kale, shacabka Iran ee kor u dhaafay 90M inay iibsadaan waxsoosaarka shirkadaha Maraykanka, isticmaalaanna tignoolajiyada Maraykanka, halkaasna uu ka helo suuq labaad oo Bariga Dhexe ah.

Muddo badan waxaad aragteen ama maqasheen in Madaxweyne Trump uu Aqalka Cad (White House) saxaafadda uga sheegay in Iran is dhiibto. Is-dhiibidu ma ahan in Iran hubkeeda wareejinayso ama shacabkeedu is dhiibayaan, ee waa in hoggaanka Iran uu saxiixo khayraadka (Natural Resources) ku jira dalkiisa kuna wareejiyo shirkadaha Maraykanka. Si meesha looga saaro shirkadaha Shiinaha iyo Ruushka oo saliidda dalkaas ku qaata qiimo jaban, kuwaasoo ah cadow dhaqaale oo uu arko Maraykanku. Maraykanku wuxuu dagaal dhaqaale kula jiraa dowladda Shiinaha oo ah awood soo koraysa, taasoo la aaminsan yahay inay dheellitirayso hoggaanka dhaqaalaha adduunka.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐮𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚?

Macdanta waxa ku shaqeeya warshadaha iyo shirkadaha soo saara hubka, rasaasta, baabuurta, diyaaradaha, tignoolajiyada casriga ah sida Satellite-ka, iyo qalabka ku shaqeeya elektaroonigga.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐮𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚?

Saliiddu waa tamarta ay ku shaqeeyaan warshadaha, shirkadaha, gaadiidka dadweynaha, iyo kan dowladda, waxayna haysaa awoodda socodsiinta lacagta Dollar-ka ($) ee Maraykanka, taasoo adduunku wax ku kala iibsado.
Xabbad kasta oo ay ridaan ciidamada Maraykanku, laguna rido Iran, gantaal kasta oo dhaca, diyaarad kasta oo burburta, shidaal kasta oo ka baxa, askari kasta oo dhinta ama dhaawacma, iyo kharash walba oo ka baxa, waxa lagu dalici doonaa (laga soo gooyn doonaa) Natural Resources-ka Iran.

Maraykanka siyaasaddiisa dhaqaale ee uu ka leeyahay Iran isma beddelayso. Ugu dambayntana Iran waa is dhiibaysaa, waana wareejinaysaa khayraadkeeda, waxayna ku beddelan doontaa damaanad amni oo istiraatiiji ah iyo in laga qaado cunaqabataynta dhaqaale, si ay qeyb uga noqoto xulafada iyo suuqyada Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More