Bashiir Cali Xaashi
Dunida waxaa ka alloosan xiisad, colaad iyo qalqal. Dalkii dunida ugu awoodda badnaa ayay inta badan ka soo baxayaan, sharciyo, amarro iyo goodis dunida inteeda badan qalqal ku haya. Saddex aragti siyasaadeed oo lagu barto siyaasadda caalamiga ah haddii aadan wax ka fahamsanayn, waad ku jahawareeraysaa waxa dunida ka socda maanta. Si aad u fahanto gunta qilaafaadka siyasadeed ee caalamka bal dhammeeyso qormadaan hoose, oo ku qotonta cilmi baaris aqooneed oo suggan.
Aragtida Suuragalka (Realism Theory)
Aragtida Realism-ku waa mid ka mid ah aragtiyaha ugu faca weyn uguna saameynta badan ee lagu sharxo siyaasadda caalamiga ah (IP). Realism-ku wuxuu aaminsan yahay in nidaamka dunida uu yahay mid si foowda ah u qaabeeysan (anarchically structured) oo aan lahayn awood dhexe oo ka talisa ama ku khasbi karta dawladaha in ay u hoggaansamaan sharciyo ama heshiisyo caalami ah. Taasi micnaheedu ma aha in dunidu tahay meel foowda ah, balse waxay la macno tahay in dunida aysan ka jirin hal doowlad oo wada xukunta. Dawladuhu waa kuwo gooni u taagan, mid walbana si madax-bannaan ayey uga talisaa arrimaheeda, mana jiro hayโad awood u leh in si buuxda u maamusho ama u ciqaabto marka ay jebiyaan heshiisyada ama xeerarka caalamiga ah.
In kasta oo ay jiraan xeerar caalami ah iyo maxkamado dunida ka jira, sida Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, haddana fulinta sharciyadan way adag tahay, saddex sabab awgeed:
– Dawladuhu waxay leeyihiin madax-bannaani buuxda, waana iyaga keliya kuwa goโaamin kara waxa ka dhaca dhulkooda
– Waxaa jira mabdaโa ah in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dal kale
– Dunidu ma laha dowlad dhexe oo caalami ah (Supreme world government) oo awood u leh inay qasab ku fuliso xeerarka ama ciqaabta jebintooda.
Sidaa darteed, dawlad kastaa waxay u shaqeysaa si madax-bannaan, iyadoo difaacanaysa danaha ay u aragto in ay muhiim u yihiin jiritaankeeda.
Realism-ku wuxuu qabaa in nidaamkan foowdada ku saleysan uu si dabiici ah u abuurayo tartan iyo loollan u dhexeeya dawladaha. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad kastaa ay ku khasban tahay in ay ilaaliso ammaankeeda, kana fakarto sida ay u kororsan karto awood ciidan, dhaqaale, saameyn siyaasadeed ama xulafeysi istaraatiji ah. Yoolka ugu dambeeya ee doowlad kasta oo awood leh waa in ay hesho saamiga ugu weyn ee awoodda caalamiga ah si ay u xukunto dunida ama ugu yaraan uga badbaado Qatar amni.
Realism-ku ma aha aragti mid ah oo kali ah; waxaa jira laba laamood oo waaweyn: Classical realism iyo Neorealism. Classical realism waxay salka ku haysaa fikirkii faylasuufyadii waqtiga hore sida Thucydides, Machiavelli, iyo Hobbes, kuwaasoo rumeysanaa in dadka iyo dawladahu labaduba ay leeyihiin rabitaan dabiici ah oo ah in ay wax xukumaan oo ay kasbadaan awood (“๐ข๐ฏ ๐ช๐ฏ๐ฏ๐ข๐ต๐ฆ ๐ฅ๐ฆ๐ด๐ช๐ณ๐ฆ ๐ต๐ฐ ๐ฅ๐ฐ๐ฎ๐ช๐ฏ๐ข๐ต๐ฆ ๐ฐ๐ต๐ฉ๐ฆ๐ณ๐ด”).
Qoraayaal sida Hans Morgenthau ayaa qabay in dawladuhu sida qofka oo kale ay u leeyihiin dano shakhsiyadeed iyo rabitaan xukun. Dhanka kale, neorealism-ka oo uu hormuud u yahay Kenneth Waltz wuxuu xoogga saaraa qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah halka uu ka eegi lahaa dabeecadda aadanaha. Waltz wuxuu ku doodaa in sababta dhabta ah ee keenta tartanka iyo loollanka dawladaha aysan ahayn rabitaanka awood ee dadka, balse ay tahay qaab-dhismeedka nidaamka caalamiga ah ee aan lahayn awood dhexe (๐ข๐ฏ๐ข๐ณ๐ค๐ฉ๐ช๐ค ๐ด๐ต๐ณ๐ถ๐ค๐ต๐ถ๐ณ๐ฆ).
Sidaas darteed, dawlad walba waxay ku khasban tahay in jiritaankeedu uu ku tiirsanaado awoodeeda, waayo cid kale ma jirto oo u dammaanad qaadi karta nabadgelyadeeda.
Waxaa jira saddex arrimood ama aragtiyadeed oo mideeya dhammaan qaybaha kala duwan ee Realism-ka, kuwaas oo loo yaqaan โ๐ฆ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฒ๐ xagalka๐ฆโ:
๐ญ. Dawladnimo (๐ฆ๐๐ฎ๐๐ถ๐๐บ). Dhammaan aqoonyahanada aragtidaan waxa ay amminsanyihiin in doowladdu tahay jilaaga ugu muhiimsan siyaasadda dunida (๐ด๐ต๐ข๐ต๐ฆ ๐ช๐ด ๐ต๐ฉ๐ฆ ๐ฎ๐ข๐ช๐ฏ ๐ข๐ค๐ต๐ฐ๐ณ ๐ช๐ฏ ๐ช๐ฏ๐ต๐ฆ๐ณ๐ฏ๐ข๐ต๐ช๐ฐ๐ฏ๐ข๐ญ ๐ฑ๐ฐ๐ญ๐ช๐ต๐ช๐ค๐ด), madax banaanida dhuleedna ay tahay lama taabtaan.
๐ฎ. Jiritaan (๐ฆ๐๐ฟ๐๐ถ๐๐ฎ๐น): Madaama ay aminsanyihiin in dunidu tahay keeyn sharci laโaan ah, waxa ugu muhiimsan ee dal ka fakaro waa sida uu ku jiri lahaa. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad walba ay waajib ku tahay in ay jiritaankeeda ilaaliso, xitaa haddii ay taasi keeneyso in ay la dagaallanto dawlad kale ama ay xitaa waxyeelayso dadkeeda.
๐ฏ. Isku filnaasho (๐ฆ๐ฒ๐น๐ณ-๐ต๐ฒ๐น๐ฝ). Maaddaama ay aminsanyihiin in dunidu foowdo tahay waa in aad ku tiirsanaato naftaada oo aysan jirin cid kale oo aad isku haleeyso, waa halka reer mudugu ka dhahaan โ๐น๐ข๐ฏ๐ช๐ช๐ฏ๐บ๐ข๐ฉ๐ข๐ข๐จ๐ข ๐ง๐ถ๐ถ๐ญโ.
Aragtidani waxa ay aaminsantahay ma taqaanid waxa ku jira maskaxdda saaxiibkaa, sidaa darted shar ka filo. Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa ee keeyb la yuurar ahaaw. Mid ka mid ah qorayaasha aaminsan fikirkaan oo ameerikaan ah ayaa qoray โ๐๐ง ๐ ๐ฐ๐ถ ๐๐ข๐ฏ๐ต ๐๐ฆ๐ข๐ค๐ฆ, ๐๐ณ๐ฆ๐ฑ๐ข๐ณ๐ฆ ๐ง๐ฐ๐ณ ๐๐ถ๐ค๐ญ๐ฆ๐ข๐ณ ๐๐ข๐ณโ, haddii aad nabad rabto u diyaar garoow dagaal nukleeyr, oo uu ula jeedo nabad lama baryo, ee shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa.
Aragtida Dabar laโaanta: Liberalism
Liberalism waa aragti siyaasadeed oo qabta in nabad, horumar, iyo iskaashi caalami ah ay suurtagal yihiin haddii dawladaha iyo bulshooyinka ay yeeshaan xiriir furan oo ku saleysan cadaalad, dimuqraadiyad, iyo wadajir. Tani waxay si weyn uga duwan tahay aragtida Realism-ka, taas oo u aragta dunida meel uu ka jiro tartan joogto ah oo dawladuhu ku loollamayaan awood iyo amni. Halkii dagaal iyo cabsi laga baqi lahaa sida ay Realist-yaashu qabaan, Liberalism-ku wuxuu aaminsan yahay in la abuuri karo nidaam caalami ah oo lagu wada shaqeeyo, laguna saleyn karo kalsooni, xushmad iyo is-dhexgal.
Liberalistayaashu sidoo kale waxay aaminsanyihiin in dunidu isku sidkantahay (๐ช๐ฏ๐ต๐ฆ๐ณ๐ฅ๐ฆ๐ฑ๐ฆ๐ฏ๐ฅ๐ฆ๐ฏ๐ต). Taasi micnaheedu waa in wixii meel ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan meelo kale. Colaado, cuduro, ama dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhaca hal dal, waxay si toos ah u taaban karaan dalal kale, taasoo muujinaysa baahida loo qabo iskaashi iyo xalal wadajir ah.
Intaa waxaa dheer, Liberalism-ku uma arko dawladaha oo keliya inay yihiin jilayaasha hoggaamiya siyaasadda caalamiga ah. Waxay muhiimad siisaa hayโadaha aan dawliga ahayn, ururrada caalamiga ah, shirkadaha waaweyn, iyo xitaa shakhsiyaadka saameynta leh. Qaramada Midoobay, iyo hayโado kale ayaa loo arkaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xasillinta dunida iyo ilaalinta nabadda.
Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee aragtida Liberalism-ka waa in nabadda lagu hanan karo dimuqraadiyad. Fikraddan waxaa seeska u dhigay faylasuufkii Jarmalka ahaa ๐๐บ๐บ๐ฎ๐ป๐๐ฒ๐น ๐๐ฎ๐ป๐, oo ka mid ahaa maskaxdii hormuudka u ahayd fikirka Liberalism-ka ee waqtigii iftiiminta Yurub. Kant waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee si nidaamsan u horumariyay ajandaha fikradaha Liberalism-ka, gaar ahaan buuggiisa caanka ah ee la yiraahdo ๐๐ฆ๐ณ๐ฑ๐ฆ๐ต๐ถ๐ข๐ญ ๐๐ฆ๐ข๐ค๐ฆ (Nabadda waarta).
Kant wuxuu ku dooday in si loo gaaro nabad waarta loo baahanyahay in la buuxiyo saddex shardi. Shardiga kowaad waa in dal walba uu qaato dastuur dimuqraadi ah oo awoodda lagu saleeyay rabitaanka shacabka, isla markaana shacabku uu dawladda la xisaabtamo. Shardiga labaad waa in dawladaha ay dhistaan heshiis caalami ah oo wadajir ah oo si rasmi ah u diidaya dagaal, una beddela is-faham iyo iskaashi. Shardiga saddexaadna waa in bulshada caalamka laga hirgeliyo akhlaaq guud oo biniโaadantinimo ku dhisan (“๐๐ฐ๐ด๐ฎ๐ฐ๐ฑ๐ฐ๐ญ๐ช๐ต๐ข๐ฏ ๐ฎ๐ฐ๐ณ๐ข๐ญ๐ช๐ต๐บ”), taas oo ku saleysan sinnaan iyo ixtiraam dhammaan dadka, meel kasta oo ay joogaan.
Fikradaan waxaa qarnigii 20-aad sii horumariyay ๐ ๐ถ๐ฐ๐ต๐ฎ๐ฒ๐น ๐๐ผ๐๐น๐ฒ, gaar ahaan 1980-meeyadii, isagoo xoojinaya aragtida loo yaqaan ๐๐ฆ๐ฎ๐ฐ๐ค๐ณ๐ข๐ต๐ช๐ค ๐๐ฆ๐ข๐ค๐ฆ ๐๐ฉ๐ฆ๐ฐ๐ณ๐บ (Aragtida Nabdoon)- taasoo ku doodaysa in dalalka dimuquraadiga ah ay ka nabad badanyihiin kuwa kaligii talisyada. Sidoo kalana ku doodaysa in uusan taariikhda dal dimuqraadi ah uusan dagaal la galin dal kale oo dimuqraadi ah. Aragtidan waxay ku saleysan tahay in dimuqraadiyaddu ay dhaliso hufnaan, kalsooni, iyo isla xisaabtan, taasoo meesha ka saarta sababaha keena dagaalka.
Liberalism-ku wuxuu leeyahay saddex laan oo muhiim ah. Laanta koowaad waxay sheegaysaa in isku-tiirsanaanta dhaqaale (“๐๐ค๐ฐ๐ฏ๐ฐ๐ฎ๐ช๐ค ๐ช๐ฏ๐ต๐ฆ๐ณ๐ฅ๐ฆ๐ฑ๐ฆ๐ฏ๐ฅ๐ฆ๐ฏ๐ค๐ฆ”) ay yaraynayso suurtagalnimada dagaal, maaddaama dagaalku uu dhaawacayo danaha dhaqaale ee labada dhinac. Laanta labaad waxaa lala xiriiriyaa fikraddii Madaxweynihii hore ee Mareykanka ๐ช๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฟ๐ผ๐ ๐ช๐ถ๐น๐๐ผ๐ป, oo rumeysnaa in faafinta dimuqraadiyaddu ay tahay furaha nabadda caalamka. Laanta saddexaad waa awood siin kaalinta ay hayโadaha caalamiga ah ka ciyaaraan sugidda amniga dunida, xallinta khilaafaadka, iyo horumarinta iskaashi caalami ah.
Aragtida Asal raaca ee Maarkis: Marxism
Aragtida Marxism-ka waa mid ka mid ah saddexda aragti ee ugu weyn ee lagu barto siyaasadda caalamiga ah, iyadoo si gaar ah uga falcelisa aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka. Halka Realism-ku uu xoogga saaro awoodda dawladaha iyo loollanka amni, Liberalism-kuna uu rajo ka muujiyo iskaashi iyo dimuqraadiyad keeni karta nabad iyo horumar, Marxism-ku wuxuu si qoto dheer u eegaa qaab-dhismeedka dhaqaale ee nidaamka caalamiga ah. Aqoonyahanka aragtidani waxa ay aaminsanyihiin in khilaafaadka dunida iyo sinnaan laโaanta ka jirta aysan ahayn wax ka dhashay amni laโaan ama sharci laโaan, balse ay tahay natiijo ka dhalatay nidaamka dhaqaale oo caddaalad-darrada ku dhisan oo loogu yeero raasamaalka (Capitalism).
Marxism-ka waxaa sal u ah fikirka ๐๐ฎ๐ฟ๐น ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ , oo ahaa faylasuuf Jarmal ah oo qarnigii 19-aad soo baxay. Marx wuxuu aaminsanaa in taariikhda bulshooyinka laga akhrisan karo iyada oo la fahmayo xiriirka u dhexeeya hantida (Capital) iyo shaqada (Labor). Tani waa waxa loo yaqaan ๐ฉ๐ช๐ด๐ต๐ฐ๐ณ๐ช๐ค๐ข๐ญ ๐ฎ๐ข๐ต๐ฆ๐ณ๐ช๐ข๐ญ๐ช๐ด๐ฎ(Asal-raacidda walxaha) aragti sheegaysa in isbeddelada bulshada ee dhanka siyaasadda, sharciga iyo xukunka ay salka ku hayaan qaabka ay u dhisan tahay hantidu: yaa leh, yaase shaqeeya. Marx wuxuu yiri, cidda haysata hantida ayaa xukunta bulshada, nidaamka raasumaalkuna wuxuu si joogto ah u abuuraa kala sarayn bulsho.
Sidaas darteed, Marxist-yaashu waxay ku doodaan in dawladuhu aysan dhab ahaan u matalin danta guud ee shacabka, sida ay ku doodaan aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka, balse ay yihiin aalad ay dabaqadda hantida haysta u adeegsato ilaalinta danahooda gaar ahaaneed.
Aqoonyahanka Robert Cox, oo ka tirsan fikirka Marxist-ka, ayaa arrintan sii xoojiyay isagoo ku dooday in aragti kasta ay u adeegto cid gaar ah iyo ujeeddo gaar ah: โ๐ต๐ฉ๐ฆ๐ฐ๐ณ๐บ ๐ช๐ด ๐ข๐ญ๐ธ๐ข๐บ๐ด ๐ง๐ฐ๐ณ ๐ด๐ฐ๐ฎ๐ฆ๐ฐ๐ฏ๐ฆ ๐ข๐ฏ๐ฅ ๐ง๐ฐ๐ณ ๐ด๐ฐ๐ฎ๐ฆ ๐ฑ๐ถ๐ณ๐ฑ๐ฐ๐ด๐ฆ.โ Wuxuu ku dooday in aragtida Realism-ka oo sheegta in ay xaqiiqada sida ay tahay u sawirto, ay dhab ahaantii tahay hab lagu sharciyeeyo laguna ilaaliyo nidaamka galbeedka ee gacanta sare ee hadda dunida ka taliya.
Marxism-ka casriga ah wuxuu adeegsadaa fikradda ๐ฅ๐ฆ๐ฑ๐ฆ๐ฏ๐ฅ๐ฆ๐ฏ๐ค๐บ ๐ต๐ฉ๐ฆ๐ฐ๐ณ๐บ (aragtida ku tiirsanaanta), taas oo tilmaamaysa sida dhaqaalaha caalamiga ahi (Global economic system), u yahay mid ku dhisan cadaalad darro iyo kala sarayn. Fikraddani dunida waxa ay u kala qeybisay saddex qaybood:
– ๐๐ผ๐ฟ๐ฒ ๐ฐ๐ผ๐๐ป๐๐ฟ๐ถ๐ฒ๐: Dalalka hodanka ah ee horumaray sida Maraykanka iyo Yurub,
– ๐ฃ๐ฒ๐ฟ๐ถ๐ฝ๐ต๐ฒ๐ฟ๐ ๐ฐ๐ผ๐๐ป๐๐ฟ๐ถ๐ฒ๐: Dalalka saboolka ah ee laga soo gurto (raw-materiall) sida Afrika iyo qaybo badan oo Aasiya ah
– ๐ฆ๐ฒ๐บ๐ถ-๐ฝ๐ฒ๐ฟ๐ถ๐ฝ๐ต๐ฒ๐ฟ๐ ๐ฐ๐ผ๐๐ป๐๐ฟ๐ถ๐ฒ๐: Dalalkaย dhexdhexaadka ah ee horumaraya sida Brazil ama Hindiya oo mararka qaar si gaar ah uga faa’iidaysta nidaamka.
Fikraddan waxay muujinaysaa in dalalka hodanka ahi ay si joogto ah u sii haystaan faa’iidada dhaqaale iyo midda fikradeed, iyagoo adeegsanaya sharciyo, suuqyo, iyo hayโado caalami ah oo u muuqda kuwo caddaalad ah balse dhab ahaantii u adeega danaha kuwa xoogga leh. Tusaale ahaan, farqiga u dhexeeya qiimaha waxyaabaha ceeriin ee laga helo dalalka saboolka ah iyo qiimaha alaabada laga sameeyo waxyaabaha ceeriin ee dunida faqriga ah laga soo saaro, ee lagu farsameeyo
wadamada horumaray waa mid sii kordhaya waqtiba waqtiga ka danbeeya.
Tusaale la taaban karo oo arrintan xaqiijinaya ayaa ah ๐๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ถ๐ ๐ถ๐ป๐๐ถ๐ถ ๐ข๐ ๐ณ๐ฎ๐บ ๐ฒ๐ฒ ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ต, taasoo lagu sheegay in 26 da qof ee ugu taajirsan dunida ay haystaan hanti la mid ah tan ay wada haystaan 3.8 bilyan oo qof, taasoo ka dhigan kala bar dadka dunida ku nool. Tani waxay si muuqata u muujinaysaa in nidaamka dhaqaale ee hadda jira uu u adeegayo koox yar, halka inta kale ee badan ay la ildaran yihiin saboolnimo iyo shaqo laโaan. Xarunta Oxfam waxa ay si sanadla ah u siideeysaa warbixin ka hadasho kala saraynta dhaqaale iyo faqriga sii kordhaya ee dunida, maalin ka hor inta uusan furmin shirka sanadlaha ah ee maalqabeenka adduunku ku kulmaan magalada Davos ee dalka Switzerland.
Aragtida Marxism-ka waxay sidoo kale tilmaamaysaa in saboolnimadu aysan ahayn xaalad dabiici ah oo iska abuurantay, balse ay tahay wax si ula kac ah loo abuuro loona joogteeyo. Suuqa xorta ah ee ay Liberalist-yaashu taageeraan, Marxist-yaashu waxay u arkaan mid si toos ah u kala sareeysiiya dadka. Sidaas darteed, Marxism-ku wuxuu dhiirrigelinayaa in laga horyimaado nidaamkaas cadaalad-darrada ah lana saxo.
Bashiir Cali Xaashi waa Cilmi-baare ku xeeldheer horumarinta bulshada iyo magaalooyinka. Waxaa lagala xiriiri karaaย Bashkacali8@gmail.com

