Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Bashiir Cali Xaashi

Dunida waxaa ka alloosan xiisad, colaad iyo qalqal. Dalkii dunida ugu awoodda badnaa ayay inta badan ka soo baxayaan, sharciyo, amarro iyo goodis dunida inteeda badan qalqal ku haya. Saddex aragti siyasaadeed oo lagu barto siyaasadda caalamiga ah haddii aadan wax ka fahamsanayn, waad ku jahawareeraysaa waxa dunida ka socda maanta. Si aad u fahanto gunta qilaafaadka siyasadeed ee caalamka bal dhammeeyso qormadaan hoose, oo ku qotonta cilmi baaris aqooneed oo suggan.

Aragtida Suuragalka (Realism Theory)

Aragtida Realism-ku waa mid ka mid ah aragtiyaha ugu faca weyn uguna saameynta badan ee lagu sharxo siyaasadda caalamiga ah (IP). Realism-ku wuxuu aaminsan yahay in nidaamka dunida uu yahay mid si foowda ah u qaabeeysan (anarchically structured) oo aan lahayn awood dhexe oo ka talisa ama ku khasbi karta dawladaha in ay u hoggaansamaan sharciyo ama heshiisyo caalami ah. Taasi micnaheedu ma aha in dunidu tahay meel foowda ah, balse waxay la macno tahay in dunida aysan ka jirin hal doowlad oo wada xukunta. Dawladuhu waa kuwo gooni u taagan, mid walbana si madax-bannaan ayey uga talisaa arrimaheeda, mana jiro hay’ad awood u leh in si buuxda u maamusho ama u ciqaabto marka ay jebiyaan heshiisyada ama xeerarka caalamiga ah.

In kasta oo ay jiraan xeerar caalami ah iyo maxkamado dunida ka jira, sida Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, haddana fulinta sharciyadan way adag tahay, saddex sabab awgeed:

– Dawladuhu waxay leeyihiin madax-bannaani buuxda, waana iyaga keliya kuwa go’aamin kara waxa ka dhaca dhulkooda

– Waxaa jira mabda’a ah in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dal kale

– Dunidu ma laha dowlad dhexe oo caalami ah (Supreme world government) oo awood u leh inay qasab ku fuliso xeerarka ama ciqaabta jebintooda.

Sidaa darteed, dawlad kastaa waxay u shaqeysaa si madax-bannaan, iyadoo difaacanaysa danaha ay u aragto in ay muhiim u yihiin jiritaankeeda.

Realism-ku wuxuu qabaa in nidaamkan foowdada ku saleysan uu si dabiici ah u abuurayo tartan iyo loollan u dhexeeya dawladaha. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad kastaa ay ku khasban tahay in ay ilaaliso ammaankeeda, kana fakarto sida ay u kororsan karto awood ciidan, dhaqaale, saameyn siyaasadeed ama xulafeysi istaraatiji ah. Yoolka ugu dambeeya ee doowlad kasta oo awood leh waa in ay hesho saamiga ugu weyn ee awoodda caalamiga ah si ay u xukunto dunida ama ugu yaraan uga badbaado Qatar amni.

Realism-ku ma aha aragti mid ah oo kali ah; waxaa jira laba laamood oo waaweyn: Classical realism iyo Neorealism. Classical realism waxay salka ku haysaa fikirkii faylasuufyadii waqtiga hore sida Thucydides, Machiavelli, iyo Hobbes, kuwaasoo rumeysanaa in dadka iyo dawladahu labaduba ay leeyihiin rabitaan dabiici ah oo ah in ay wax xukumaan oo ay kasbadaan awood (“𝘢𝘯 𝘪𝘯𝘯𝘢𝘵𝘦 𝘥𝘦𝘴𝘪𝘳𝘦 𝘵𝘰 𝘥𝘰𝘮𝘪𝘯𝘢𝘵𝘦 𝘰𝘵𝘩𝘦𝘳𝘴”).

Qoraayaal sida Hans Morgenthau ayaa qabay in dawladuhu sida qofka oo kale ay u leeyihiin dano shakhsiyadeed iyo rabitaan xukun. Dhanka kale, neorealism-ka oo uu hormuud u yahay Kenneth Waltz wuxuu xoogga saaraa qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah halka uu ka eegi lahaa dabeecadda aadanaha. Waltz wuxuu ku doodaa in sababta dhabta ah ee keenta tartanka iyo loollanka dawladaha aysan ahayn rabitaanka awood ee dadka, balse ay tahay qaab-dhismeedka nidaamka caalamiga ah ee aan lahayn awood dhexe (𝘢𝘯𝘢𝘳𝘤𝘩𝘪𝘤 𝘴𝘵𝘳𝘶𝘤𝘵𝘶𝘳𝘦).

Sidaas darteed, dawlad walba waxay ku khasban tahay in jiritaankeedu uu ku tiirsanaado awoodeeda, waayo cid kale ma jirto oo u dammaanad qaadi karta nabadgelyadeeda.

Waxaa jira saddex arrimood ama aragtiyadeed oo mideeya dhammaan qaybaha kala duwan ee Realism-ka, kuwaas oo loo yaqaan “𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 xagalka𝗦”:

𝟭. Dawladnimo (𝗦𝘁𝗮𝘁𝗶𝘀𝗺). Dhammaan aqoonyahanada aragtidaan waxa ay amminsanyihiin in doowladdu tahay jilaaga ugu muhiimsan siyaasadda dunida (𝘴𝘵𝘢𝘵𝘦 𝘪𝘴 𝘵𝘩𝘦 𝘮𝘢𝘪𝘯 𝘢𝘤𝘵𝘰𝘳 𝘪𝘯 𝘪𝘯𝘵𝘦𝘳𝘯𝘢𝘵𝘪𝘰𝘯𝘢𝘭 𝘱𝘰𝘭𝘪𝘵𝘪𝘤𝘴), madax banaanida dhuleedna ay tahay lama taabtaan.

𝟮. Jiritaan (𝗦𝘂𝗿𝘃𝗶𝘃𝗮𝗹): Madaama ay aminsanyihiin in dunidu tahay keeyn sharci la’aan ah, waxa ugu muhiimsan ee dal ka fakaro waa sida uu ku jiri lahaa. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad walba ay waajib ku tahay in ay jiritaankeeda ilaaliso, xitaa haddii ay taasi keeneyso in ay la dagaallanto dawlad kale ama ay xitaa waxyeelayso dadkeeda.

𝟯. Isku filnaasho (𝗦𝗲𝗹𝗳-𝗵𝗲𝗹𝗽). Maaddaama ay aminsanyihiin in dunidu foowdo tahay waa in aad ku tiirsanaato naftaada oo aysan jirin cid kale oo aad isku haleeyso, waa halka reer mudugu ka dhahaan “𝘹𝘢𝘯𝘪𝘪𝘯𝘺𝘢𝘩𝘢𝘢𝘨𝘢 𝘧𝘶𝘶𝘭”.

Aragtidani waxa ay aaminsantahay ma taqaanid waxa ku jira maskaxdda saaxiibkaa, sidaa darted shar ka filo. Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa ee keeyb la yuurar ahaaw. Mid ka mid ah qorayaasha aaminsan fikirkaan oo ameerikaan ah ayaa qoray “𝘐𝘧 𝘠𝘰𝘶 𝘞𝘢𝘯𝘵 𝘗𝘦𝘢𝘤𝘦, 𝘗𝘳𝘦𝘱𝘢𝘳𝘦 𝘧𝘰𝘳 𝘕𝘶𝘤𝘭𝘦𝘢𝘳 𝘞𝘢𝘳”, haddii aad nabad rabto u diyaar garoow dagaal nukleeyr, oo uu ula jeedo nabad lama baryo, ee shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa.

Aragtida Dabar la’aanta: Liberalism

Liberalism waa aragti siyaasadeed oo qabta in nabad, horumar, iyo iskaashi caalami ah ay suurtagal yihiin haddii dawladaha iyo bulshooyinka ay yeeshaan xiriir furan oo ku saleysan cadaalad, dimuqraadiyad, iyo wadajir. Tani waxay si weyn uga duwan tahay aragtida Realism-ka, taas oo u aragta dunida meel uu ka jiro tartan joogto ah oo dawladuhu ku loollamayaan awood iyo amni. Halkii dagaal iyo cabsi laga baqi lahaa sida ay Realist-yaashu qabaan, Liberalism-ku wuxuu aaminsan yahay in la abuuri karo nidaam caalami ah oo lagu wada shaqeeyo, laguna saleyn karo kalsooni, xushmad iyo is-dhexgal.

Liberalistayaashu sidoo kale waxay aaminsanyihiin in dunidu isku sidkantahay (𝘪𝘯𝘵𝘦𝘳𝘥𝘦𝘱𝘦𝘯𝘥𝘦𝘯𝘵). Taasi micnaheedu waa in wixii meel ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan meelo kale. Colaado, cuduro, ama dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhaca hal dal, waxay si toos ah u taaban karaan dalal kale, taasoo muujinaysa baahida loo qabo iskaashi iyo xalal wadajir ah.

Intaa waxaa dheer, Liberalism-ku uma arko dawladaha oo keliya inay yihiin jilayaasha hoggaamiya siyaasadda caalamiga ah. Waxay muhiimad siisaa hay’adaha aan dawliga ahayn, ururrada caalamiga ah, shirkadaha waaweyn, iyo xitaa shakhsiyaadka saameynta leh. Qaramada Midoobay, iyo hay’ado kale ayaa loo arkaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xasillinta dunida iyo ilaalinta nabadda.

Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee aragtida Liberalism-ka waa in nabadda lagu hanan karo dimuqraadiyad. Fikraddan waxaa seeska u dhigay faylasuufkii Jarmalka ahaa 𝗜𝗺𝗺𝗮𝗻𝘂𝗲𝗹 𝗞𝗮𝗻𝘁, oo ka mid ahaa maskaxdii hormuudka u ahayd fikirka Liberalism-ka ee waqtigii iftiiminta Yurub. Kant waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee si nidaamsan u horumariyay ajandaha fikradaha Liberalism-ka, gaar ahaan buuggiisa caanka ah ee la yiraahdo 𝘗𝘦𝘳𝘱𝘦𝘵𝘶𝘢𝘭 𝘗𝘦𝘢𝘤𝘦 (Nabadda waarta).

Kant wuxuu ku dooday in si loo gaaro nabad waarta loo baahanyahay in la buuxiyo saddex shardi. Shardiga kowaad waa in dal walba uu qaato dastuur dimuqraadi ah oo awoodda lagu saleeyay rabitaanka shacabka, isla markaana shacabku uu dawladda la xisaabtamo. Shardiga labaad waa in dawladaha ay dhistaan heshiis caalami ah oo wadajir ah oo si rasmi ah u diidaya dagaal, una beddela is-faham iyo iskaashi. Shardiga saddexaadna waa in bulshada caalamka laga hirgeliyo akhlaaq guud oo bini’aadantinimo ku dhisan (“𝘊𝘰𝘴𝘮𝘰𝘱𝘰𝘭𝘪𝘵𝘢𝘯 𝘮𝘰𝘳𝘢𝘭𝘪𝘵𝘺”), taas oo ku saleysan sinnaan iyo ixtiraam dhammaan dadka, meel kasta oo ay joogaan.

Fikradaan waxaa qarnigii 20-aad sii horumariyay 𝗠𝗶𝗰𝗵𝗮𝗲𝗹 𝗗𝗼𝘆𝗹𝗲, gaar ahaan 1980-meeyadii, isagoo xoojinaya aragtida loo yaqaan 𝘋𝘦𝘮𝘰𝘤𝘳𝘢𝘵𝘪𝘤 𝘗𝘦𝘢𝘤𝘦 𝘛𝘩𝘦𝘰𝘳𝘺 (Aragtida Nabdoon)- taasoo ku doodaysa in dalalka dimuquraadiga ah ay ka nabad badanyihiin kuwa kaligii talisyada. Sidoo kalana ku doodaysa in uusan taariikhda dal dimuqraadi ah uusan dagaal la galin dal kale oo dimuqraadi ah. Aragtidan waxay ku saleysan tahay in dimuqraadiyaddu ay dhaliso hufnaan, kalsooni, iyo isla xisaabtan, taasoo meesha ka saarta sababaha keena dagaalka.

Liberalism-ku wuxuu leeyahay saddex laan oo muhiim ah. Laanta koowaad waxay sheegaysaa in isku-tiirsanaanta dhaqaale (“𝘌𝘤𝘰𝘯𝘰𝘮𝘪𝘤 𝘪𝘯𝘵𝘦𝘳𝘥𝘦𝘱𝘦𝘯𝘥𝘦𝘯𝘤𝘦”) ay yaraynayso suurtagalnimada dagaal, maaddaama dagaalku uu dhaawacayo danaha dhaqaale ee labada dhinac. Laanta labaad waxaa lala xiriiriyaa fikraddii Madaxweynihii hore ee Mareykanka 𝗪𝗼𝗼𝗱𝗿𝗼𝘄 𝗪𝗶𝗹𝘀𝗼𝗻, oo rumeysnaa in faafinta dimuqraadiyaddu ay tahay furaha nabadda caalamka. Laanta saddexaad waa awood siin kaalinta ay hay’adaha caalamiga ah ka ciyaaraan sugidda amniga dunida, xallinta khilaafaadka, iyo horumarinta iskaashi caalami ah.

Aragtida Asal raaca ee Maarkis: Marxism

Aragtida Marxism-ka waa mid ka mid ah saddexda aragti ee ugu weyn ee lagu barto siyaasadda caalamiga ah, iyadoo si gaar ah uga falcelisa aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka. Halka Realism-ku uu xoogga saaro awoodda dawladaha iyo loollanka amni, Liberalism-kuna uu rajo ka muujiyo iskaashi iyo dimuqraadiyad keeni karta nabad iyo horumar, Marxism-ku wuxuu si qoto dheer u eegaa qaab-dhismeedka dhaqaale ee nidaamka caalamiga ah. Aqoonyahanka aragtidani waxa ay aaminsanyihiin in khilaafaadka dunida iyo sinnaan la’aanta ka jirta aysan ahayn wax ka dhashay amni la’aan ama sharci la’aan, balse ay tahay natiijo ka dhalatay nidaamka dhaqaale oo caddaalad-darrada ku dhisan oo loogu yeero raasamaalka (Capitalism).

Marxism-ka waxaa sal u ah fikirka 𝗞𝗮𝗿𝗹 𝗠𝗮𝗿𝘅, oo ahaa faylasuuf Jarmal ah oo qarnigii 19-aad soo baxay. Marx wuxuu aaminsanaa in taariikhda bulshooyinka laga akhrisan karo iyada oo la fahmayo xiriirka u dhexeeya hantida (Capital) iyo shaqada (Labor). Tani waa waxa loo yaqaan 𝘩𝘪𝘴𝘵𝘰𝘳𝘪𝘤𝘢𝘭 𝘮𝘢𝘵𝘦𝘳𝘪𝘢𝘭𝘪𝘴𝘮(Asal-raacidda walxaha) aragti sheegaysa in isbeddelada bulshada ee dhanka siyaasadda, sharciga iyo xukunka ay salka ku hayaan qaabka ay u dhisan tahay hantidu: yaa leh, yaase shaqeeya. Marx wuxuu yiri, cidda haysata hantida ayaa xukunta bulshada, nidaamka raasumaalkuna wuxuu si joogto ah u abuuraa kala sarayn bulsho.

Sidaas darteed, Marxist-yaashu waxay ku doodaan in dawladuhu aysan dhab ahaan u matalin danta guud ee shacabka, sida ay ku doodaan aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka, balse ay yihiin aalad ay dabaqadda hantida haysta u adeegsato ilaalinta danahooda gaar ahaaneed.

Aqoonyahanka Robert Cox, oo ka tirsan fikirka Marxist-ka, ayaa arrintan sii xoojiyay isagoo ku dooday in aragti kasta ay u adeegto cid gaar ah iyo ujeeddo gaar ah: “𝘵𝘩𝘦𝘰𝘳𝘺 𝘪𝘴 𝘢𝘭𝘸𝘢𝘺𝘴 𝘧𝘰𝘳 𝘴𝘰𝘮𝘦𝘰𝘯𝘦 𝘢𝘯𝘥 𝘧𝘰𝘳 𝘴𝘰𝘮𝘦 𝘱𝘶𝘳𝘱𝘰𝘴𝘦.” Wuxuu ku dooday in aragtida Realism-ka oo sheegta in ay xaqiiqada sida ay tahay u sawirto, ay dhab ahaantii tahay hab lagu sharciyeeyo laguna ilaaliyo nidaamka galbeedka ee gacanta sare ee hadda dunida ka taliya.

Marxism-ka casriga ah wuxuu adeegsadaa fikradda 𝘥𝘦𝘱𝘦𝘯𝘥𝘦𝘯𝘤𝘺 𝘵𝘩𝘦𝘰𝘳𝘺 (aragtida ku tiirsanaanta), taas oo tilmaamaysa sida dhaqaalaha caalamiga ahi (Global economic system), u yahay mid ku dhisan cadaalad darro iyo kala sarayn. Fikraddani dunida waxa ay u kala qeybisay saddex qaybood:

– 𝗖𝗼𝗿𝗲 𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁𝗿𝗶𝗲𝘀: Dalalka hodanka ah ee horumaray sida Maraykanka iyo Yurub,

– 𝗣𝗲𝗿𝗶𝗽𝗵𝗲𝗿𝘆 𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁𝗿𝗶𝗲𝘀: Dalalka saboolka ah ee laga soo gurto (raw-materiall) sida Afrika iyo qaybo badan oo Aasiya ah

– 𝗦𝗲𝗺𝗶-𝗽𝗲𝗿𝗶𝗽𝗵𝗲𝗿𝘆 𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁𝗿𝗶𝗲𝘀: Dalalka  dhexdhexaadka ah ee horumaraya sida Brazil ama Hindiya oo mararka qaar si gaar ah uga faa’iidaysta nidaamka.

Fikraddan waxay muujinaysaa in dalalka hodanka ahi ay si joogto ah u sii haystaan faa’iidada dhaqaale iyo midda fikradeed, iyagoo adeegsanaya sharciyo, suuqyo, iyo hay’ado caalami ah oo u muuqda kuwo caddaalad ah balse dhab ahaantii u adeega danaha kuwa xoogga leh. Tusaale ahaan, farqiga u dhexeeya qiimaha waxyaabaha ceeriin ee laga helo dalalka saboolka ah iyo qiimaha alaabada laga sameeyo waxyaabaha ceeriin ee dunida faqriga ah laga soo saaro, ee lagu farsameeyo

wadamada horumaray waa mid sii kordhaya waqtiba waqtiga ka danbeeya.

Tusaale la taaban karo oo arrintan xaqiijinaya ayaa ah 𝘄𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗶𝗶 𝗢𝘅𝗳𝗮𝗺 𝗲𝗲 𝟮𝟬𝟭𝟵, taasoo lagu sheegay in 26 da qof ee ugu taajirsan dunida ay haystaan hanti la mid ah tan ay wada haystaan 3.8 bilyan oo qof, taasoo ka dhigan kala bar dadka dunida ku nool. Tani waxay si muuqata u muujinaysaa in nidaamka dhaqaale ee hadda jira uu u adeegayo koox yar, halka inta kale ee badan ay la ildaran yihiin saboolnimo iyo shaqo la’aan. Xarunta Oxfam waxa ay si sanadla ah u siideeysaa warbixin ka hadasho kala saraynta dhaqaale iyo faqriga sii kordhaya ee dunida, maalin ka hor inta uusan furmin shirka sanadlaha ah ee maalqabeenka adduunku ku kulmaan magalada Davos ee dalka Switzerland.

Aragtida Marxism-ka waxay sidoo kale tilmaamaysaa in saboolnimadu aysan ahayn xaalad dabiici ah oo iska abuurantay, balse ay tahay wax si ula kac ah loo abuuro loona joogteeyo. Suuqa xorta ah ee ay Liberalist-yaashu taageeraan, Marxist-yaashu waxay u arkaan mid si toos ah u kala sareeysiiya dadka. Sidaas darteed, Marxism-ku wuxuu dhiirrigelinayaa in laga horyimaado nidaamkaas cadaalad-darrada ah lana saxo.

Bashiir Cali Xaashi waa Cilmi-baare ku xeeldheer horumarinta bulshada iyo magaalooyinka. Waxaa lagala xiriiri karaa  Bashkacali8@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More