Si weyn ayaa loo is weydiinayaa sababta ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u soo celisay diyaaraddii Garoowe u socotay, oo ay u awoodi weyday inay tii Kismaayo u socotay dib magaalada Muqdisho ugu soo celiso.
Somali Stream ayaa kuurgashay sababta aan ilaa hadda la soo bandhigin ee keentay in xildhibaannadii Jubaland ka soo jeeday ay si nabadgelyo ah ku tageen Kismaayo, halka kuwii Puntland ka soo jeeday ay caawa ku hoyanayaan xayndaabka Xalane, ayaa heshay xogta sababta safarka Kismaayo fududaysay.
Xildhibaanno ka tirsan kuwa Jubaland kasoo gala Baarlamaanka Soomaaliya oo diyaaradda saarnaa ayaa inoo sheegay inay damiyeen raadiyihii diyaaradda markii ay duushay. Waxaa lumay xiriirkii (communication) diyaaradda iyo Hay’adda Duulista Rayidka ah.
Waxay inoo sheegeen in ka hor inta aysan bixin loo soo dusiyay xogta ah inay macquul tahay in safarkooda la baajiyo. Mid ka mid ah xildhibaannada ayaa inoo xaqiijiyay inay go’aanka raadiye-daminta qaateen iyaga oo isticmaalaya khibrad ay hore uga heleen isku dayo diyaarado looga celinayay Kismaayo xilliya kala duwan.
Ka sakow sheegashada xildhibaannada Jubaland, Somali Stream ma helin caddayn ku filan oo muujinaysa in la damiyay raadiyaha diyaaradda. Hase yeeshee, waxay ilo sugan inoo xaqiijiyeen in amarka soo celinta labada diyaaradood uu mar soo wada baxay.
Xildhibaannada Puntland oo saaka ka hadlay sababta iyaga keligood loo soo celiyay, waxay sheegeen in masaafada Garoowe ay ka fog tahay tan Kismaayo ay u jirto Muqdisho. Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya, oo amarka soo celinta diyaaradaha la marsiiyay, weli kama hadlin in raadiyaha laga dansaday iyo in lagu amar-diiday.
Diyaaradaha ganacsi ee isaga kala goosha Soomaaliya ayaa dhibane u noqday siyaasadaha isdiiddan ee laga maamulo garoomada ay ka adeegaan. Waxayna mar kasta la kulmaan go’aanno ka dhan ah ganacsigooda oo aysan doorashadooda ku kasban, sida maanta haleeshay diyaaradda Daallo oo lumisay shatigeedii ganacsi ee deegaannada Puntland.
Dowladdii hore ayaa lagu xusuustaa inay mamnuucday diyaaradda Jubba Airways kaddib markii ay ka degtay Kismaayo, iyada oo aan wax xiriir ah la samayn Hay’adda Duulista Rayidka ah xilligii caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland sannadkii 2019-kii.
Xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jubaland iyo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ayaa taagan xilli walba oo ay doorasho soo dhowaato, waxaana ismari-waagaas uu saamayn ku yeeshaa isu-socodka deegaannadaas iyo caasimadda Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in Garoon Diyaaradaha ee Degamada Dooloow uu u xiran yahay sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland xilli deegaankaas uu wajahayo xalaad abaareed oo ba’an.

