Sergey Maidukov oo ah falanqeeye iyo qoraa reer Yukreyn ah ayaa Al-jazeera ku qoray maqaal hadalheyn badan dhaliyey oo uu cinwaan u ga dhigey, “Yukreyn waxa ay gabaabsi ka joogtaa rag, lacag iyo wakhtiba|Ukraine is Running Out of Men, Money and Time” kaas oo uu si qotodheer u gu falanqeeyey heshiisyada la soo jeediyey, dalabyada Ruushka, doorka Maraykanka iyo Yurub ee dagaalka, dookhyada iyo ikhtiyaarada hada Yukreyn hor yaala iyo guud ahaan xaalka Yukreyn iyo dadkeeda dagaalku saameeyey. Halkan ka akhriso maqaalkii oo Soomaali ku turjuman.
“Tan iyo markii Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu “24 saacadood gudaheed” ku joojin karo dagaalka Yukreyn, inta badan dunidu waxay sugeysay inuu Moscow iyo Kyiv ku qasbi karo heshiis. Malaayiin warbixinnood ayaa la ga sameeyey, falanqaynno iyo hadal hayn badan ayaana ka dhalatey. Trump waxa uu abuuray rajo ah inuu u jid bixinayo dagaalka dabada dheeraadey, isagoo ku celceliyay in Madaxweynaha Yukreyn, Volodymyr Zelenskyy, aanu haysanin dookhyo badan iyo fursad uu wax ku kala doorto, isla markaana ugu dambeyn uu aqbali doono heshiiskiisa. Laakiin xaqiiqada dhabta ah waa tan cakiskeeda—Trump isaga ayaan wax awood ah lahayn. Wuu ugu hanjabi karaa Nicolas Maduro inuu ka qaado tallaabo ciidan oo ku wajahan Venezuela, laakiin ma laha awood uu ku saameeyo Vladimir Putin. Cunaqabatayn kasta oo ka dhigi karta Ruushka mid daciif ah waxay sidoo kale dhaawici doontaa dhaqaalaha reer Galbeedka, mana jiro hal hoggaamiye oo reer Galbeed ah oo diyaar u ah inuu gooyo laanta uu ku fadhiyo.
Waxaa quus la ga joogaa taageero iyo faragelin militari oo toos ah oo Yukreyn ay hesho. Tan iyo maalintii ugu horreeysey ee duullaanka Ruushku si buuxa u soo gaadhey Yukreyn doorka taageerada NATO waxa uu noqdey mid ku kooban deeqo hub ah iyo tababaro, iyada oo ka fogaaneysa dagaal toos ah oo dhex mara NATO iyo Ruushka. Waxayba hada u muuqatey booska rasmiga ah ee NATO dagaalka ku leedahay, kaas oo la filayo in aanu waligii is bedeli doonin.
Natiijaduna waxay noqotay in Yukreyn laga ga tagay dagaal ay kaligeed la gasho Ruushka, iyada oo aan wax taageero ah ka heleynin saaxiibadeed. wadahadal kasta oo nabadeed ama xabbad-joojin ahi wuxuu noqday istaraatijiyad uu Putin ku helo waqti uu dib isugu ururiyo. Istaraatiijiyada Punina waxa ay ku dhisan tahay in uusan kaliya ka adkaanin ciidanka Yukreyn balse uu sidoo kale ka adkaado dulqaadka iyo midnimada siyaasadeed ee dalalka taageera.
Dowladda Maraykanku waxay hadda wareejisay qorshihii nabadeed oo la cusbooneysiiyey lana fududeeyay, iyada oo la ga tirtirtay qodobbadii muranka dhaliyey kadib wadatashiyo la yeeshay Kyiv iyo dowlado Yurub ah. Si kastaba ha ahaatee, Ruushku weli waxa uu dalbanayaa in Yukreyn dhul badan ka tanaasusho islamarkaasna ciidankeeda dib u rarto. Iyadoo aan taasi la helin, Ruushku waxa uu sheegay inuusan joojinayn duullaanka. Dhanica Yukreyna, waxay ku adkeysanayaan inaanay bixineyn wax dhul ah.
Markii ay caddaatay inaan wadahadaladda wax natiijo ah gaadheynin, Maraykanku wuxuu si weyn u dhimay hubkii uu ku taageeri jirey Yukreyn. Masuuliyiinta Mareykankuna waxay ku sababeeyeen xanibaadii dhaqaale ee dowladda federaalka ee ku timi in uu congress-ku ansixin waayey miisaaniya, in kastoo sababta dhabta ahi aysan u badnayn taas. Sidaas awgeed gargaarka Maraykanku waxa uu hoos ugu dhacay heer aan la dareemi karin, badankiisuna wuxuu ahaa intii uu hore u saxeeyey maamulkii Biden.
Wasiirka Difaaca ee la magacaabay, Austin Dahmer oo hor tagay Senate-ka, ayaa yidhi: “Ma hubo wax hakad ah oo ku yimid gargaarka militari ee Yukreyn.” Hadalkiisa ayaana wuxuu u muuqday faham la’aan ka badan qiimayn dhab ah. Dareenka dhimista hubka Maraykanka waxuun buu taabanayaa askari kasta oo Yukreyn ku sugan. Dadka Kyiv iyo magaalooyinka kale waxay dareemayaan yaraanta nidaamyada difaaca hawada.
Yurub ma aysan buuxin booskaas uu Mareykanku baneeyey. Warshadaha difaaca Midowga Yurub iyo qorshayaashii wadajirka ahaa ee wax iibsigu waxay soo saareen kaliya ballanqaadyo —aanay waliba ku jirin lacag badani. Dhowr bilyan oo euro ayaa si rasmi ah loo ballanqaaday, laakiin wax ka yar intaas ayaa hadana la keenay. Dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub waxay mudnaanta siinayaan inay iyagu is hubeeyaan, ka hor intaanay Yukreyn siin gargaar—iyaga laftoodana barnaamijyadoodu si gaabis ah ayey u socdaan. Midowga Yurub ayaana haatan u qaybsan waddamo raba inay qaataan khatar oo taageero toos ah loo fidiyo Yukreyn iyo kuwo ka cabsi qaba in ay Ruushka daandaansadaan islamarkaana miisaaniyadooda wiiqaan.
Brussels waxay hadda riixaysaa qorshe ah in la isticmaalo hantida Ruushka ee la xanibay si loo siiyo Yukreyn deyn dhan 140 bilyan oo euro ($162 bilyan) oo ka taageeri karta kharashaadka ay u baahan yihiin labada sano ee soo socda. Dalal muhiim ah oo haysta inta badan hantida la qabtay ayaa wali ka xishoonaya arrintan, waxaana suuragal ah in qorshahaasi shaqayn waayo haddii aan midnimo laga gaadhin.
Waxaas oo dhan awgood Yukreyn waxay ku qasban tahay in ay kordhinayso wax-soo-saarkeeda hubka si ay u buuxiso garabka ay weydey, waxayna ku dagaallamaysaa wixii yaryar ee soo gaadha—iyo wixii aan musuqmaasuqayaal sida Tymur Mindich(Ganacsade reer Yukreyn ah) ka lunsan. Hadda, Yukreyn waxay awooddaa inay cadowga dib u celiso iyadoo bixinaysa kharash aad u culus—laakiin taasi kuma filna in dagaalka lagu guuleysto.
Ciidamada waxaa soo wajahay hub yari. Dowladda ma aysan awoodin inay dhiirranaanta shacabka kor u qaaddo ama ay dib u dhisto nidaamka ciidan gelista; dadkuna si weyn ayey uga niyadjabeen. Raggu waxay dagaalamayaan sannadkii afaraad, dumarkuna ma sugi karaan weligood. Furriinku wuu kordhay, daalkuna wuu sii xumaaday, moral-kuna wuu dumayaa.
Laga soo bilaabo 2022, dacwooyinka ka tegista ciidanka ee fasax la’aantu(AWOL) waxay dhaafeen 255,000 halka ka soo cararista ciidamada laga diiwaangeliyay ku dhowaad 56,000. 10-kii bil ee ugu horreeyay 2025, waxaa la diiwaangeliyay 162,500 kiis oo tagis fasax la’aan ah iyo 21,600 oo ka baxsad ciidan ah. Warbixinno kale waxay sheegayaan in in ka badan 21,000 oo askari ay ciidamada ka tageen bishii October oo keliya—tirooyinkii ugu badnaa abid.
Dhinaca dadka, xaalku waa mid murugo leh. Dadka Yukreyn waxay ahaayeen in ka badan 50 milyan markii ay xornimada qaateen 2025-na waxaa lagu qiyaasey dadka ku nool xuduudaha ay Yukreyn maamusho 31 milyan. Dhalashadu waxay ka hooseysaa dhimashada, heerka tarankuna wuxuu hoos ugu dhacay ‘hal carruur ah haweeneydiiba’.
Yukreyn Waxa Ay Haysataa Saddex Doorasho Oo Istaraatiiji Ah:
1. Aqbalidda shuruudaha Putin:
Taasi waxay ka dhigan tahay is-dhiibid, dhul lumis iyo ceeb siyaasadeed, haseyeeshee waxay badbaado u tahay dawladnimada Yukreyn — inkastoo ay yeelan doonto nuglaansho joogto ah.
2. Dib-u-habeyn qoto dheer oo lagu sameeyo hoggaanka siyaasadeed iyo milateri:
Tani waxay u baahan tahay dib-u-shaqo gelin, dib-u-habeyn talis, iyo isku-dubarid dagaal oo laga soo bilaabo eber. Yukreyn dagaal intaa ka dheer kuma geli karto hay’ado loogu talagalay xilliga nabadda.
3. Sii wadidda xaaladda haatan taagan.
Tani waxay ka dhigan tahay Yukreyn oo sii wadda weerarrada saxda ah ee ay ku bartilmaameedsanayso kaabayaal sare oo Ruushka ah, iyadoo rajaynaysa inay dhaqaalaha Ruushka wiiqdo ama sugto in uu Putin dhinto. Waana arin khayaali ah—haddii weerarradan hada la isdhaafsanayaa aysan jebin karin Yukreyn oo ka yar Ruushka, weligood kuma qasbi karaan Moscow inay joojiso dagaalka.
Sida laga fahmi karo hadalladii ugu dambeeyay ee Zelenskyy iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa Yurub, Yukreyn waxay u muuqataa inay dooratay ikhtiyaarka saddexaad. Laakiin su’aashu waxay tahay: muddo intee le’eg baa ay qaadan kartaa?
Xitaa haddii la iska indho tiro daalka guud ee dagaalka afarta sano socday, xaaladda maaliyadeed waa mid halis ah. Yukreyn waxay wajahaysaa miisaaniyad aad u liidata iyo dayn qarameed oo dhaafi karta 100% GDP-ga. Yurub ma aysan keenin lacagihii loo baahnaa, Belgium-na weli maa aysan siideyn hantidii Ruushka.
Gunaanad
Marka la isu geeyo dhammaan arrimahan, hal natiijo oo keliya ayaa muuqata:
Haddii Yukreyn ay rabto inay u sii jirto sidii dal, waa inay qaaddaa jidka labaad—dib-u-habeyn degdeg ah oo dhanka siyaasadda iyo milateriga ah.
Haddii la sugo, shuruudaha Moscow, way sii adkaan doonaan: hada way ay ku bilaabmeen dalabyo ku saabsan dhul, waxaa imanaya hub ka dhigista, kormeer adag iyo tanaasulo kale.
Isbeddel degdeg ah ayaa loo baahan yahay, ka hor inta aan ikhtiyaarka Yukreyn sii yaraanin ama aan awooddeeda iska caabinta ay la burburin.”

