Kaddib isku dhacyadii hubeysnaa ee saddexdii bishii Juunyo, 2026, ka dhacay Magaaladda Muqdisho, waxay dad badani filayeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogaa ka soo dabcay hammuunta dheeraadka ah ee u qabo in awoodda uu maroorsado.
Dib u dhacyada iyo isla-meereysiga wadahadallada mucaaradka iyo Madaxtooyadda waxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u noqdeen fursad uu ku sii wato farsamooyinkiisa ‘ 𝗫𝗘𝗘𝗟𝗔𝗗 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗢𝗢𝗚, labbadaas waxyaabood oo ah, falsafada ama aragtida Madaxweynaha muddo dhaafka ah.
Mucaaradka, oo ay hormuud u yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) waxay soo gudbiyeen hannaan nooc doorasho, balse aragtidooda oo ah mid soo daahday lagama soo dhaweyn dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo fursadaha wadahadallada siyaaasadeed aysan wali xirmin, haddana, waxaa muuqata in Madaxtooyadda Soomaaliya ay ka go’antahay dhaqaajinta ajandeyaasheeda doorashada heer maamul iyo tan heer Qaran.
Murqaweynta mucaaradka Muqdisho ayaa iyaguna ku wareersan sida ay uga falcelin karaan islamarkaana ay u hor-istaagi karaan damaca Madaxweyne Xasan ee CIDNA LOOMA JOOJINAYO, waxayna dad badani rumeysanyihiin in xubnaha golaha Mustaqbalku aysan qabin niyad-sami ku aadan natiijo deg deg ah oo ka soo bixi karta wadahadallada siyaasadeed.
𝗫𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗼𝗼𝗴.
Ilo-siyaasadeed oo aad ugu dhow Madaxtooyadda ayaa ii xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aad uga shaqeynayo xaalad siyaaasadeed si uu u maareeyo, saameynta kaalinta dalalka shisheeye ee ku aadan wadahadallada siyaaasadeed ee u dhaxeeya isaga iyo mucaaradka, wuxuuna Madaxweynuhu isu’muujinayaa in uu wali yahay qofka ugu dambeeya ee ay taladu ka go’do, mana u muuqdo hoggaamiye ku jira xaalad kala-guur ah.
Xeeladda siyaaasadeed ee daallinta dhinacyada ka soo horjeeda ajandihiisa doorashooyinka waxay u muuqdaan kuwa shaqeynaya, inkastoo aysan ahayn wax cago-badan ku taaggan oo ay daqiiqad kasta wax lama filaan ah dhici karaan si la mid ah dhacdooyinkii 3-dii Juun ee gacan ka hadalka ahaa.
𝗔𝗯𝗯𝘂𝘂𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗻𝗮𝗰𝘆𝗼 𝗺𝘂𝗰𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱 𝗮𝗵
Haddeer, waxaa miiska saaran ugu yaraan 4 nuuc oo doorashooyin ah, kuwaas ay kala riixayaan afar kooxood oo saamiley siyaaasadeed ah, waxaana ka mid ah madaxtooyadda. Waxay kala yihiin.
𝟭. 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗾𝗯𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼 𝗮𝗿𝗸𝗼 𝗺𝘂𝗰𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗮𝗯 𝗮𝗵.
𝟮. 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗡𝗼𝗹𝗼𝗹 𝗼𝗼 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗮𝘆𝗻𝗶𝗵𝗶𝗶 𝟵𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗙𝗲𝗱𝗲𝗿𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗙𝗮𝗿𝗺𝗮𝗮𝗷𝗼
𝟯. 𝗝𝗦𝗣 𝗼𝗼 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗿𝗺𝘂𝘂𝗱 𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱.
𝟰. 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗼 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘀𝗵𝗶𝗶𝗱, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗾𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗹𝗼𝗼 𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘁𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝘁ay 𝘀𝗶 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗰𝗮𝗿𝗾𝗮𝗹𝗮𝗱𝗲𝗲𝘆𝗼 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗲𝗲 𝗺𝘂𝗰𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗮𝗵.
Waxyaabaha uu fursado u arko Madaxweyne Xasan kahor natiijo laga filan karo wadahadallada heer Qaran waxaa ka mid ah inay ka soo yaraadeen culeysyadii siyaaasadeed ee maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, wuxuuna hadda u jiheystay Puntland.
Gacan-dhaafka siyaaasadeed ee arrimaha gudaha Puntland waxay madaxda dowladda dhexe u noqotay dood siyaaasadeed oo saameyn ku yeelan karta ama ugu yaraan dib u riixi karta wadahadallada mucaaradka iyo Madaxtooyadda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doodaha ka socda gudaha Puntland isaga leexinaya dareenka bulshada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Hirshabelle iyo Galmudug, halkaas oo uu doonayo in uu ka hirgaliyo nuuca doorasho ee isagu doonayo.
𝗦𝗮𝗮𝘅𝗶𝗶𝗯𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.
Dowladaha Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo sidoo kale xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxay doonayaan in wadahadallada siyaasadeed ee doorashooyinka aysan si fudud u fashilmin, inkastoo aan horrumar muuqda wali laga gaarin kulamadii dhacay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo loo arko cidda rasmiga ah ee loolanka ugu adag ee siyaasadeed kula jirta madaxda dowladda ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa doonaya inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah, si cadaadiska loogu kordhiyo Madaxweyne Xasan, haddii uusan muujin tanaasul dhab ah.
Lagama sii hordhici karo tallaabooyinka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa aad u xooggan suuragalnimada inay soo laabtaan rabshado siyaasadeed maadama xukuumadda Federaalka ah, ka soo horjeedo in siyaasiinta Muqdisho ee mucaaradka ah ay muujiyaan wax dhaqdhaqaaq ah sida bannaabaxyo, abaabul bulsho ama guur-guur caasimadda dhexdeeda ah.
Dadka sida dhow ugu fooggan damaca siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay isku raacsanyihiin, nin ay ka go’antahay inuu xaafiiska sii joogo, xoog iyo xeelad middii ay doontaba.
Hase ahaatee, waxaa marag-madoonta ah in khilaafka siyaasadeed ee taaggan uu saameyn tabban ku yeelan karo amniga guud ee Soomaaliya, iyadoo ay durbaba soo baxayaan walaaca laga qabo in hubanti la’aanta siyaasadeed ee hadda taaggan ay keeni karto xasillooni-darri amni, taas oo haddiiba ay dhacdo, ay si fudud uga faa-iidaysan karaan xoogaga kale ee hubeysan.
𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗾𝗼𝗿𝗮𝘆: 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗢𝗱𝗼𝘄𝗮, 𝗼𝗼 𝗮𝗵 𝘀𝘂𝘅𝘂𝗳𝗶 𝗿𝘂𝗴-𝗰𝗮𝗱𝗮𝗮 𝗮𝗵, 𝗳𝗮𝗹𝗮𝗻𝗾𝗲𝗲𝘆𝗲 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗻𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗼𝗿𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗿 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝘄𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝘀𝗶𝗱𝗮, 𝗚𝗲𝗿𝗺𝗮𝗻 𝗻𝗲𝘄𝘀 𝗮𝗴𝗲𝗻𝗰𝘆 𝗗𝗲𝘂𝘁𝘀𝗰𝗵𝗲 𝗣𝗿𝗲𝘀𝘀𝗲-𝗔𝗴𝗲𝗻𝘁𝘂𝗿 (𝗱𝗽𝗮).

