Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Doodda ku saabsan doorashooyinka qof iyo codka ah ayaa maanta si weyn uga socota Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha lagu doonayo in dowladaha hoose lagu bilaabo nidaam ay shacabka si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaankooda. Arrintani waxay dib u soo nooleysay xusuusta taariikhda doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay Soomaalidu hore ugu guuleysatay hannaan dimuqraadi ah.

Taariikhdii Doorashooyinka Soomaaliya

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay Afrika ee hirgeliya nidaam doorasho oo xor ah kadib xornimada. Markii ay midoobeen gobolladii waqooyi iyo koonfur 1-dii Luulyo 1960, waxaa la dhisay dowlad rayid ah iyo baarlamaan qaran.

Doorashooyinkii ugu muhiimsanaa waxay dhaceen sanadihii 1964 iyo 1969, waxaana lagu saleeyay nidaamka “qof iyo cod” oo qof kasta oo muwaadin ahi codkiisa si toos ah u dhiibanayay. Doorashadii 1969 waxay ahayd tii ugu dambeysay ee shacabka Soomaaliyeed si toos ah ugu codeeyaan baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka kahor afgambigii militariga.

Sidoo kale, doorashadii madaxtinimada ee 1967 waxay gashay taariikhda Afrika, sababtoo ah madaxweynihii xilka hayay Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa si nabad ah xilka ugu wareejiyay Cabdirashiid Cali Sharmaarke kadib markii looga adkaaday doorashada. Tani waxay noqotay tusaale muujinaya in Soomaalidu awood u lahayd dimuqraadiyad iyo kala wareegid nabdoon oo xukun. Laakiin 1969 kadib, afgambigii militariga ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa soo afjaray nidaamkii dimuqraadiga ahaa, waxaana dalka galay xukun militari oo socday muddo 21 sano ah.

Somaliland iyo Hannaanka Doorashooyinka

Markii ay burburtay dowladdii dhexe 1991, Somaliland waxay si tartiib ah u dhistay nidaam siyaasadeed ku dhisan doorashooyin iyo xisbiyo badan. Waxay qabatay doorashooyin gole deegaan, baarlamaan iyo madaxtinimo oo dhowr jeer dhacay.Waxa ugu muhiimsan ee soo jiitay indhaha dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba ayaa ah in marar badan laga guuleystay madaxda xilka haysay, islamarkaana si nabad ah xilka loogu kala wareegay. Tani waxay sare u qaaday kalsoonida shacabka iyo sumcadda nidaamka siyaasadeed ee Somaliland.

Doorashooyinka Somaliland waxay muujiyeen in marka hay’adaha doorashada la xoojiyo, maxkamadaha la ixtiraamo, iyo axsaabta mucaaradka loo oggolaado tartan dhab ah, ay suuragal tahay in la helo nidaam xasilloon oo lagu kala baxo codka shacabka.

Puntland iyo Doorashooyinka Dowladaha Hoose

Dhinaca kale, Puntland ayaa iyaduna qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ku saabsan doorashooyinka qof iyo codka. Sanadihii u dambeeyay waxaa laga qabtay degmooyin badan doorashooyin gole deegaan, kuwaas oo loo arkay tijaabo muhiim ah.

Waxyaabaha si weyn loo hadal hayay waxaa kamid ahaa in degmooyin badan looga guuleystay xisbiga talada haya ee KAAH. Tani waxay muujisay laba arrimood oo muhiim ah:

  • In shacabka Puntland ay si xor ah codkooda u dhiibanayeen.
  •  In xisbiga dowladdu aanu mar walba ku guuleysan karin awood dowladeed keliya.

Doorashooyinkaas waxay sare u qaadeen kalsoonida shacabka, waxayna abuureen jawi siyaasadeed oo tartan leh.

Maxay Koonfurta Soomaaliya Ka Baran Kartaa?

Koonfurta Soomaaliya maanta waxay taagan tahay marxalad muhiim ah. Haddii la doonayo doorashooyin qof iyo cod ah oo guuleysta, waxaa jira dhowr cashar oo laga baran karo Somaliland iyo Puntland:

  1. Kalsooni Siyaasadeed Waa Muhiim: Doorasho qof iyo cod ah laguma qaban karo jawi siyaasadeed oo kala shaki badan. Dowladda, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah waa inay yeeshaan heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay.
  2. Hay’adaha Doorashada Waa Inay Madaxbannaan Yihiin: Guddi doorasho oo lagu kalsoon yahay ayaa laf dhabarta u ah doorasho kasta. Haddii guddiga lagu tuhmo eex, natiijada doorashadu waxay dhalin kartaa khilaaf.
  3. Dowladaha Hoose Ha Laga Bilaabo: Sida hadda qorshuhu yahay, bilaabidda doorashooyinka dowladaha hoose waa tallaabo wanaagsan. Waxay shacabka siinaysaa waayo-aragnimo dimuqraadi ah oo laga sii dhisi karo heer gobol iyo heer qaran.
  4. Ammaanka iyo Wacyigelinta Waa In La Xoojiyaa: Doorashooyin xor ah waxay u baahan yihiin amni, diiwaangelin sax ah iyo wacyigelin dadweyne si qof kasta u fahmo qiimaha codkiisa.
  5. In La Aqbalayo Natiijada Doorashada:  Casharka ugu weyn ee laga bartay doorashadii Soomaaliya 1967, Somaliland iyo Puntland waa in dimuqraadiyaddu shaqeyso marka guuleystaha iyo guuldarraystuhuba aqbalaan rabitaanka shacabka.

Soomaaliya waxay leedahay taariikh muujinaysa in dimuqraadiyaddu aysan ku cusbeyn shacabka Soomaaliyeed. Doorashooyinkii 1960-meeyadii, nidaamka Somaliland, iyo tijaabooyinka Puntland dhammaantood waxay caddeynayaan in Soomaalidu awood u leedahay nidaam qof iyo cod ah.Koonfurta Soomaaliya haddii ay si taxaddar leh uga faa’iideysato casharradaas, waxay yeelan kartaa fursad ay dib ugu soo nooleeyso kalsoonida shacabka iyo dowladnimo ku dhisan codka muwaadinka.

Ibraahim Ciiro

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More