Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ina Jicinbir wuxu yidhi;

Shacabkii i doortiyo

Dadweynihi i aaminey

Ii lulay caleemaha

Iyagoon i garanayn

Uslid baa ku sarakacay

Waa aayahoodee

Haddii ay asqoobeen

Omos iyo harraad jaray

Agmar oo iskaga durug

Aguug oo xabaal geli

Miyaan eed ku leeyahay.

 

Afba hadal ha daayee

Aakhiro ha joogtee

Usarkaan dhex jiifiyo

Umalkiyo awaaruhu

Waa alalaskaygiyo

Ayaantaan farxaayiyo

Aroos kayga weeyaan.

 

Ina Jicinbir wuxu yidhi;

Sidaad ii ogayd iyo

Aqbal keenimaayoo

Arrin waa sidii hore

Weli aaran doogliyo

Ugbaad iyo barwaaqaba

Indhahaygu ma arkaan

Uubtii qurmuunkiyo

Arladii madoobayd

Ayaan weli ag jiifaa.

 

Anshax ma leh wareegtadu

Aqoon ma leh qabbaanadu

Dhegahaygu waa agam

Indhahaygu waa amag

Uurkaygu waa adam

Hammigaygu waa agas

Farxaddaydu waa axan

Amarkaygu waa keen

Arxan waa ka dheerahay.

 

Sada uu Afyuub qabo

Agoorkii irmaan qala

Afartiyo candhada jara

Ka halggaad ameelkiyo

Aagaanta saabka leh

Amaanadii cuslayd iyo

Dhaartii Ilaahay

Allog iyo qaraaboy

Idiinkaa dareensane

Waxba iima urayaan.

 

Ina Jicinbir wuxu yidhi;

Ninkii ugubinaayow

Osol daaye Idihii!

Edeg wiil u ootow

Ma orgootu garadii!

 

Weli eeba dheeroow

Dameeruhu aroorrada

Ubbo kuuma geeyaan!

 

Afar-midable xoogliyo

Ashkir janan ku joogow

Ma afjaaqdo geenyadu

Qaajuhu agliil ma leh!

 

Waa abasax qaalmuhu

Awrkaan ku darayaa

Abris buu la jaal yahay

Abuur buu firdhinayaa

Aramida ka buuxduu

Ayrada ku gubayaa.

 

Waa aguugan xaajadu

Igar uma salaaxoo

Afar-foolle gabanaa

Oohin igu gelbinayee

Ibaha iyo naasuhu

Ibriiq iima dhiiqaan

Oontuna qaraar ma leh

Waxna iima urayaan.

 

Erey waxuu ka joogaa

Waa ishaaradaydee

Ma anaa aqoonyahan?

 

Ayaan toosi maayee

Ma adaa awaal tiris?

 

Eregsigu ma fiicnee

Kumaa aabbii diley?

 

Isir kama koraayee

Ayeydii kumaa garan?

 

Arjigaygi koowaad

kumaa helay adoogii?

 

Dhirtu aah ma daysee

Ma afaysay godonkii?

 

Adduun alamsi weeyee

Aleelaha ma gurateen?

Maansada Ina Jicinbir wuxuu yidhi waxaa curriyay Maxamuud Cali Aadan Hoori, Juun, 2024.

Maxamuud Cali Aadan Hoorri waa cilmibaare, qoraa iyo xeeldheere ogaal u leh afka,dhaqanka, fanka, hiddaha iyo  suugaanta.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More