Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Runta waxa ay tahay: “Kheyraadku ma dhiso dal. Balse waxaa dhisa dad aragti leh iyo nidaam tayo leh”.

Madaxda Dalka ugu sarreysa oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminayo ayaa 10-kii Abriil, 2026, Muqdisho ku soo dhoweeyey Markabka CAǦRI BEY oo bilaabi doona Qodista Ceelka “CURAD‐1” oo dhaca meel ku beegan Xeebta Xarardheere iyo Mareeg, tan oo noqon karta in taariikhda markii ugu horreysay ay Soomaaliya soo saarto shidaalka dhulkeeda.

Soo saarista shidaalka kaddib maxaa iska beddelaya nolosha Bulshada!?

Dad badan oo Soomaaliyeed waxa ay haystaan faham ah haddii la soo saaro ama la qodo shidaalka dalkeenna inaan si degdeg ah ku gaari doono horumar dhaqaale, isku-filnaansho bulsho, iyo hodantinnimo aan xad lahayn, bulshada Soomaaliyeed aragtidaas kuma qaldana oo muddo dheer ayaa loo sheegayay in barwaaqada ay naga xigto soo saarista shidaalka dalka. Hasayeeshee xaqiiqadu sidaas waa ka duwan tahay.

Marka hore soo saarista shidaalku iyo iibgeyntiisuba waa geeddi-socod dheer oo sannado badan qaadan kara, marka labaadna soo saarista shidaalku waxa uu leeyahay labo (2) waddo oo tii la qaadaba meel ku dhammaato. Waa tan koowaade’ shidaalku waa kheyraad dabiici ah oo dalku leeyahay, marka la soo saarayo waxa uu u baahan yahay in la maro shuruucda iyo xeerarka lagama maarmaanka ah si loo helo faa’iidada shidaalka. Dal walba oo soo saara shidaalkiisa waxa uu galaa heshiis caalami ah oo loo yaqaan “Production Sharing Agreements” – PSA.

Heshiiskani waxa uu awood badan siiyaa dalka ama shirkadda soo saaraysa ama qodeysa shidaalka/saliidda, inta badan dalalka tabarta yar ama aan haysan dhaqaale ku filan iyo shuruuc adag waxa ay la kulmaan caqabado qoorta ka xira illaa ay doorbidi lahaayeen inaysanba soo saarin kheyraadkooda.

Si kale haddii aan kuugu dhigo dalku maadaama uusan lahayn dhaqaale uu ku bixiyo howlaha qodista shidaalka. Heshiisku waxa uu dhaqaale badan ama boqolkiiba 90% ka badan siinayaa shirkadda soo saaraysa shidaalka, inta soo hartayna waxa ay noqon doontaa qayb ku baxda ilaalinta ammaanka goobta, ilaalinta deegaanka iyo qayb laga yaabo in la musuqmaasuqo taasi oo muddo dheer dalka gelisa saboolnimo aan xad lahayn, maadaama shirkadaha shidaalka qoda ay faa’iido badan helaan, waxa in badan lagu eedeeyaa inay abuuraan mushkilado amni-xumo ama colaado sokeeye si ay u haystaan awoodda ama gacanta sare ee heshiiska PSA, sidoo kalena ay u sameeyaan ficillo ka baxsan xeerarka ama shuruucda dalka shidaalka iska leh u yaalla.

Dhinaca kale haddii dalku leeyahay hay’addo iyo shuruuc xooggan, maamul tayo leh, xasilooni siyaasadeed iyo mid amni, isla markaana dowladda si dhab ah uga faa’iideysato faa’iidada dhaqaale ee ka soo xaroota soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, shidaalku waxa uu noqon karaa mid horumar iyo baraare u horseeda bulshada iyo dalka laga soo saarayba.

Maxaan ka ognahay heshiiska soo saarista shidaalka Soomaaliya?

Soomaaliya waxa ay heshiis shidaal baaris, soo saaris iyo iibgeynba leh la gashay shirkadda Turkiga laga leeyahay oo lagu magacaabo TPAO. Shirkaddan ayaa hoggaamin doonta qodista shidaalka Soomaaliya heshiiska PSA, waxa uu shirkaddaan u oggolaanayaa xuquuqda baarista (Explore), xuquuqda soo saarista (Produce), taasi oo si isku mid ah uga dhacaysa dhulka (Onshore) iyo badda (Offshore). Heshiiska PSA ee Turkiga iyo Soomaaliya waxa uu si toos ah u qeexayaa in 90% ay qaadato TPAO. Intaa waxa u dheer in sifeynta, iibgeynta iyo xitaa maamulidda lacagaha ka soo xaroodaba ay leedahay shirkadda TPAO.

Halkaan waa meesha Soomaaliya ay uga imaan karto rajo-xumadu sababta oo ah dalku ma leh hay’addo iyo shuruuc xooggan oo xakameyn kara xadgudubyada ka imaan kara shirkadda TPAO oo leh awood xad-dhaaf ah, Soomaaliya ma leh hay’ad qaran oo si dhab ah u ilaalin karta ama ula socon karta howlaha shidaal qodista sida ilaalinta deegaanka, xuquuqda shaqaalaha, helidda saamiga Soomaaliya.

Sidoo kale dalku weli ma leh dowlad xooggan oo si buuxda dalka u maamusha, waxa intaa dheer heer musuqmaasuq iyo caddaalad-darro ee dalka ka jira oo maraya heer aad u khatar badan!

Dalal ku khasaaray soo saarista shidaalka

Haa. Tani waxa ay noqon kartaa mid la yaab ku noqota qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed hase ahaatee waa dhab oo dalal badan oo soo saara shidaal ayaa ku jira liiska ugu hooseeya ee saboolnimada sabab la xiriirta inaysan lahayn hay’ado dowladeed iyo shuruuc adag oo xakameyn kara hay’adaha shidaalka qoda, tusaale dalalka Jaad, Nayjeeriya, Angoola, Liibiya, Suudaanta Koonfureed iyo Finisuweella (Venezuela) ayaa ah kuwo soo saara shidaalka/saliidda ay hodanka ku yihiin haddana waxa ay dhibbanne u yihiin shuruucdii ay saxiixeen (PSA) waxana ay ka dhaxleen soo saarista shidaalka ay hodanka ku yihiin saboolnimo, musuqmaasuq, iyo xasilooni-darro siyaasadeed (amni-xumo).

Soomaalidu, waxay aaminaad wanaagsan oo iskaashi ku dhisan ka qabaan Turkiga, hase ahaate ismuujinta siyaasiyiin gaar ah inay yihiin wakiillada Turkiga ee dalka Soomaaliya, ayaa si wayn u abuuraysa dareen didmo ah oo dadka qaybtood ka muujinayaan saamaynta Turkiga iyo shirkadihiisa ee Soomaaliya, waana mid u baahan in Ankara ay dib ugu laabato siyaasadaheeda ku aaddan sidii ay Soomaalida oo isu-dhan u garab istaagi lahayd. Hubaal waxaa ah in Soomaalidu baahi wayn u qabto manaafacaysiga khayraadkeeda, hase yeeshee waxay shaki wayn ka qabaan kooxaha iskaashaagi Turkiga ka dhigaya mid koox ama deegaan gaar ah lagu gacan qabanayo. Tani waxa ay noqon kartaa dhibaato ama cudur Soomaalida ku dhaca iyaga oo aan ogeyn.

Runta waxa ay tahay: “Kheyraadku ma dhiso dal. Balse waxaa dhisa dad aragti leh iyo nidaam tayo leh”.

Qallinkii: ABDIWELI SULUB ADEM

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More