Bariga Dhexe wuxuu muhiim noqday markii khubaradii iyo la-taliyayaashii Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Madaxweynihii 32-aad ee Maraykanka (Franklin D. Roosevelt) ay ogaadeen in mustaqbalka nolosha shacabka Maraykanka iyo dhaqaalihiisaba ay muhiim u tahay in la helo dhul ka baxsan gudaha Maraykanka oo leh khayraad dabiici ah (natural resources), taasoo laf-dhabar u noqon karta awooddiisa dhaqaale, korna u qaadi karta warshadihiisa wax-soosaarka iyo tamartiisa, xoojinkartana awooddiisa dhaqaale ee uu adduunka ku hoggaamin karo, korna u qaadi karta lacagtiisa Dollarka ($) kana dhigi karta lacag adduunka oo dhan laga isticmaalo—shakhsi iyo dowladba. Haddaba, Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu heshiis istiraatiiji ah oo dhaqaale la galo Sacuudi Carabiya oo ah dalka ugu weyn Bariga Dhexe.
ISKAASHIGA ISTIRAATIIJIYADEED EE DHAQAALAHA IYO AMNIGA EE U DHAXEEYA MARAYKANKA IYO SACUUDI CARABIYA (STRATEGIC PARTNERSHIP OF ECONOMIC AND SECURITY BETWEEN USA AND SAUDI ARABIA) 1934/2026
Heshiiskan waa heshiiskii ugu horreeyay ee ay galeen labada dowladood, waxaana ka matalayay Madaxweyne Roosevelt iyo Boqor Cabdulcasiis. Wuxuuna Sacuudi Carabiya u horseeday horumarka dhaqaale ee uu maanta gaaray, kana dhigtay dal dadkiisu ay shaqo iyo nolol heleen, adduunyaduna u soo shaqo tagto. Waxa maalintaas ka dibna la billaabay, sidii heshiisku ahaa, in la maalgaliyo dalka Sacuudi Carabiya, laguna maalgaliyo dhaqaale uu leeyahay Maraykanku si loo helo iskaashi dhaqaale iyo faa’iido-wadaag ay labada dowladood leeyihiin, loona sahmiyo saliidda cayriin ee dalka ku jirta si loo soo saaro.
Maalgashiga, shirkadaha soo-saarka, sifaynta, suuqyada loo iib-geynayo, ilaalinta marinnada ama waddooyinka ay marayso saliidda iyo lacagta lagu iibinayaba waxaa iska leh dowladda Maraykanka. 1934 ayaa la helay ceelkii shidaal ee ugu horreeyay, maanta wuxuu soo saaraa Sacuudi Carabiya:
• Maalintii: 10M oo fuusto
• Bishii: 300M oo fuusto
• Sannadkii: 3.6B oo fuusto
Taasoo wax-soosaarkiisa gaarsiisay (GDP) 1.3 Trillion Dollar. Taasi waxay sababtay in shirkadaha Maraykanku dhisaan dhulka Sacuudiga gaar ahaa.
1. KAABAYAASHA DHAQAALAHA (INFRASTRUCTURE).
• Sida jidadka waaweyn ee isku xira gobollada dalka iyo magaalooyinka, dadkuna maraan.
• Dekedaha (ports)
• Garoomada diyaaradaha (airports)
• Dhismaha dhammaan magaalooyinka Sacuudiga iyo daaraha dhaadheer (real estate).
2. IIBSASHADA WAX-SOOSAARKA WARSHADAHA MARAYKANKA (PURCHASING AMERICAN INDUSTRIAL PRODUCT).
Dhammaan dalka Sacuudi Carabiya waxaa lagu isticmaalaa wax-soosaarka shirkadaha iyo warshadaaha Maraykanka, taasoo ah suuq weyn oo Bariga Dhexe ah oo ay taal hantida Maraykanka.
3. TABABARKA CIIDAMADA (MILITARY TRAINING):
Waxay tababareen dhammaan ciidamada dalka sida cirka, dhulka iyo badda, waxayna u dhammaystireen qalabkiisa iyo xeryahiisa. Sido kale, Maraykanku wuxuu ilaaliyaa amniga boqortooyada iyo muwaadiniinta Sacuudiga meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, si la mid ah shacabka Maraykanka.
4. DHINACA DIBLUMAASIYADDA IYO SIYAASADDA:
Sacuudigu waa dowladda koowaad ee haysa furaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda dunida Islaamka, hormuudna u ah dunida Islaamka, maaddaama ay tahay goob muhiim ah oo ay taal tamarta adduunka iyo xarunta diinta muslimiinta caalamka.
5. MAALGALINTA SACUUDIGA EE GUDAHA MARAYKANKA:
Sidoo kale, Sacuudigu wuxuu maalgashi ku sameeyaa Maraykanka gudihiisa.
Ugu dambayn, labada dal waxaa hadda kala hoggaamiya Boqor Salmaan iyo Madaxweyne Trump.
Waxaa filayaa inaad fahanteen sababta gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Iiraan ay ku garaacayso magaalooyinka waaweyn ee Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, khilaafkan kaabayaasha dhaqaalaha markay ka jawaabayso tallaabada milateri ee Maraykanku ka fuliyo Iiraan? Micneheedu waa: Hantida Sacuudi Carabiya waa hantida Maraykanka.

