Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa bilaabay xidhiidho siyaasadeed oo ay kaga tashanayaan xaalka siyaasadda dalka, gaar ahaan weerarka ay Dowladda Federaalka ah ku qaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Caasimadda Soomaaliya, Nayroobi, Addis Ababa oo lagu daray magaalo madaxyada saddaxda Dowlad Goboleed ee Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayay xubnaha Madasha Mustaqbalku ka wadaan olole baahsan oo looga hortagayo doonista Dowladda Federaalka ah ee inay meesho uga saarto nidaamka Koonfur Galbeed.
Dhinacyadan kala duwan ayaa ilaa hadda qaaday laba tallaabo oo ku barbar istaagayaan Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed si looga baaqsado in dagaal dib loogu celiyo qaybo kamid ah gobolada dalka.
Qodobka koowaad ee ay isku raaceen ayaa ah in si buuxdo loo taageero badbaadinta nidaamka iyo maamulka dowladnimo ee Koonfur Galbeed si loo sii wado Federaalaynta dalka.
Xidhiidhada ay garwadeenka ka yihiin dhinacyadani ayaa waxaa kamid ah in la mideeyo codka Mucaaridka guud ahaan iyo kan Koomfur Galbeed gaar ahaan.
Sida aan ogaanay, hadda waxaa socda wadahadalo siyaasadeed oo u dhaxeeya garabyo siyaadadeed oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Iyo Madaxweynaha KGS kana soo horjeeday hoggaaminta Cabdicasiis Laftagareen.
Golaha Mustaqbalka oo ah hay’adda ugu wayn ee Mucaaridka Soomaaliya kulmisa ayaa deddaal wayn gelinaya in aan DFS dumin nidaamka KGS, iyada oo adeegsanaysa xubno ka tirsan golaha fulinta.
Mucaaridkii siyaasadeed ee KGS ee banaanka jooga ka ahaa xukunka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa dhankooda si wayn u diidan tallaabooyinka ay Madaxtooyada Soomaaliya ku doonayso inay xukunka Baydhabo ku gayso xubno xilal ugu magacaaban, taas oo ay u arkaan in la aqbalo inay ka dhowdahay in la difaaco sharciyadda maamulka talada haya.
Dhanka Golaha Mustaqbalka, si gaar ah labada dowlad goboleed ayaa isticmaalaya xidhiidhadooda siyaasadeed oo ay ku leeyihiin caasimadaha dalalka deriska ah sidii loo fashilin lahaa weerarka Madaxtooyadu ay ku qaaday KGS, waxaana xilligan is waafsan fariimaha ka imaanaya Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe ee kusoo dhacaya Addis Ababa iyo Nayroobi.
Si kastaba, dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweynaha KGS iyo Maamulkiisa ayaa u muuqda inaysan DFS u qaabayn hab u suuragelin kara guul maadaama ay dhinac ka martay maamulkii iyo mucaaridkii Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadda u muuqda inay si wadajir ah dhan uga yihiin doonista Villa Soomaaliya.

