Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u dhaqaaqday dagaal ay la gasho Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, dagaalka oo ku bilowday si dedgeg ah ayaa hadda u socda dhanka dhammaadka.
Isku dayadii siyaasadeed ee lagu weeraray Cabdicasiis Laftagareen ayaa u muuqda kuwa aan shaqayn oo uu ka badbaaday. Waxaana hadda la iskula durkayaa ikhtiyaarka labaad, kaas oo ah dagaal gacan haddal ah haddiiba ay suuragasho.
Dagaalka u dhaxeeya Xukuumadda Muqdisho iyo Maamulka Baydhabo ee sida xawliga ah ku dhaqaaqay muddada ka yar todobaadka ayaa la iswaydiinayaa sababta ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh inuu weerar uusan waxba ula hadhin ku qaado Ku xigeenkiisa.
Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Laftagareen, marka laga tago xilalka ay hayaan, waa Guddoomiye iyo Ku Xigeenkiisa ururka ee Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP loo yaqaano.
Inta badan dadka la socda siyaasadda aan salka lahayn ee Soomaaliya ayaa dhawr qodob kusoo koobay dagaalka labada nin.
1- Dugsiga Ustaadaynta
Madaxweyne Xasan Sheekh, sanadkii 2012 markii uu siyaasadda soo galay waxaa uu kursiga dalka ugu sarreeya ku yimid koox siyaasadeed. Waxaa Madaxweynanimada
Xasan Sheekh ay ahayd natiijada shaqo kooxeed ay gundhig u ahaayeen xubnahii ururkii PDP oo uu badnaa Bulshada Rayidka.
Inkasta oo uu hoggaan u ahaa, haddana talada waa lala lahaa, waxaana jira koox siyaasadeedkiisa awoodda badnaa ee Dam Jadiid. Taas oo xukunka iyo xisaabta siyaasadeedba la wadaagtay. 4sano oo ay xukunka hayeen, kooxdii Damjadiid ee Madaxweyne Xasan, waxaa looga adkaaday doorashadii 2017. Markaas kaddib waxaa bilowday burburka PDP, maadaama uu Madaxweyne Xasan Sheekh guuldaradiisii xilka qayb kamid ah u leexiyay kaadirkii Damjadiid. Kala shakigaas ayaa Madaxweyne Xasan ku riixday inuu siyaasadii kooxda ka guuro, una wareego gaashaan buuraysi, waxaana uu gacanta qabsaday kooxdii Daljir. Waa halka uu kasoo baxay ururka UPD. Kaas oo Madaxweyne Xasan u sahlay inuu mar labaad dalka hoggaamiyo.
Si ka duwan Madaxweyne Xasan Shekeh xilhayntiisii koowaad, waxaa uu qaatay siyaasad la yiraahdo Dugsiga Ustaadka. Tan macnaheedu waa inuusan u baahnayn saaxiibo siyaasadeed oo wuxuu bannaanka dhigay saaxiibadii Damjadiid. Mar kale wuxuu muujiyay muddo xileedkan inuusan u baahnayn siyaasad shuraako ah oo waxaa uu xurmadii ka qaaday isbahaysigii UPD, isaga oo uga guuray ururka kale ee JSP.
Caddaymaha loo hayo in Madaxweyne Xasan uu shuraako iyo kooxnimaba ka takhalusayo, waxaa laga arkay Magacyada uu xushay inay ku metalaan siyaasadda Koonfur Galbeed: Cabdulqaadir Jaamac iyo Xasan Eeley. Laba siyaasi oo aan la soo noolaan labadii Casri ee Damjadiid iyo Shuraakadii UPD, haddase ah xubno firfircoon oo ka tirsan Dugsiga Ustaadka.
Halkani, waxaa kasoo baxay sababta uu Madaxweyne Xasan xilka uga hayay Madax muddo dhaaf, haddana ugaga baxay heshiiskii uu la galay.
Sida ay xaqiijinayaan kooxihii wax lasoo dhistay Madaxweynaha, markan waxaa uu qorshaysan inuu dhisto dugsi siyaasadeed aan lahayn kabiir iyo kalkaaliye. Macnaha waa koox siyaasadeed aan wax la lahayn ee isagu wax siiyay. Shuruudda koowaad ayaana ah inaysan hore ugu jirin siyaasad, xilal waaweyn soo qaban, haddana hunguri ka lahayn wax ka baxsan garashada Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waloow Laftagareen uu kusoo dhex noolaaday casriga jiil baddalka Madaxweynaha, haddana marna la isma qaadan. Sababta ugu weyn ayaa ah inuusan Madaxweynuhu daacadba ka noqon siysaadda.
2. Waqtigii baahida oo dhammaaday
Dagaalka lagu qaaday Madaxweyne Lafatagareen, waxaa uu markhaati fur u yahay sida Madaxweyne Xasan Sheekh u yahay qof maalinba shaqsi ah. Waa hadal uu horey isugu tilmaamay.
Sida aan hore u soo sheegnay, Madaxweyne Xasan xilligan waxaa uu ku hawllan yahay dhismaha dugsigiisa siyaasadeed, waxaana uu waqtigan u arkaa kii ugu habboonaa ee tareenkiisa shuraakada ka tuuri lahaa cid kasta oo aragti yeelan karta. Shaqsiga ugu horreeya ee laga dejinayo ayaana loo callaamadeeyay Laftagareen, maadaama uu Madaxweyne Xasan u arko inuu ka dhammaystay danihii siyaasadeed ee ku khasbayay isku dul noolaanshaha, kuwaas oo ay uga wayn tahay dastuur samaynta.
3. Olalaha dib u doorashada Madaxweyne Xasan
Qodob kale oo uu ku khasbaha Madaxweyne Xasan inuu weerar ku qaado Kuxigeenkiisa Cabdicasiis Laftagareen waa bilaabista ololihiisa dib u doorashada. Sida aan ka ogaannay saaxiibada labada dhinac, Guddoomiyaha JSP marnaba aamimaad kuma qabo Kuxigeenkiisa, waxaana u arkaa khatar ay tahay inuu iska leexiyo.
Dagaalka lagu qaaday Madaxweyne Laftagareen, waa tilmaan muujinaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhaqaaqay qaabkii uu xukunka kusii haysan lahaa isaga oo doonaya inuu Koonfur Galbeed haysto qof daacad u ah. Nasiib darro, qorshahaas wuxuu haatan u egyahay mid fashilmay iyada oo uusan wali ku dhaqaaqin fulintiisa.

