Xog gaar ah oo aan helnay ayaa muujinaysa inay soo baxayaan calaamado muujinaya in xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya uu galay weji cusub oo horumar leh. Isbeddelkan ayaa yimid kaddib booqashadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay dalka Masar 7-dii Febraayo halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula qaatay Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi.
Sida ay xoguhu tilmaamayaan, wada hadalladii dhex maray labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Masar ayaa horseeday in Riyaadh ay dib u eegto shaki ay horay uga qabtay hab-dhaqanka diblomaasiyadeed ee Villa Somalia. Dowladda Sucuudiga ayaa hadda si rasmi ah ugu furtay albaabadeeda hoggaanka Soomaaliya iyadoo soo aqbashay lab dalab oo booqasho ah oo ay iska daba dirtay Madaxtooyadu bilihii lasoo dhaafay.
Isbaddalka ku yimid Sucuudiga ayaa laga arkay qaadista saddex tallaabo oo waaweyn oo muujinaya kalsooni dib u soo laabatay.
1. Iskaashiga Amniga iyo Kaalmada Ciidanka
Riyaadh waxay muujisay diyaargarow ay is-fahamkii hore ee dhanka amniga ahaa ee dhawaan labada Wasaaradood ee difaaca labada dal galeen ugu beddelayso heshiis rasmi ah oo la fuliyo.
Sucuudiga ayaa hadda diyaar u ah inuu qayb laxaad leh ka qaato bixinta kaalmada loo fidinayo howlgalka cusub ee AUSSOM iyo guud ahaan xoojinta Ciidamada Amniga Soomaaliya.
2. Aqbalidda Safiirka Cusub
Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah u aqbashay Safiirka ay Soomaaliya u magacowday dalkaas, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Riyaadh horay u diidday aqbalidda Danjire Cumar Sheekh Cali Idiriis oo markii hore booskaas loo magacaabay, taas oo calaamad u ah in hadda la xalliyay caqabadihii diblomaasiyadeed ee taagnaa.
3. Muddeynta Martiqaadka Madaxweynaha Soomaaliya
Dowladda Sucuudiga ayaa ogeysiisay Madaxtooyada Soomaaliya in la muddaynayo waqti cayiman oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagi doono booqasho rasmi ah. Martiqaadkan oo horay u yiillay balse dib u dhacay kalsooni darro darteed, ayaa hadda la filayaa inuu noqdo mid fula. Warqadda ay heshay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in waqtiga rasmi ah la soo cayimi doono maalmaha nagu soo fool leh.
Inkasta oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore waraaqo xiriir ah u qortay Riyaadh, balse aan jawaab lagu qanci karo aan helin ayaa hadda heshay jawaab waafi ah. Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in la furayo marin (Channel) diblomaasiyadeed oo toos ah, kaas oo sahli doona in labada dal ay si joogto ah u wada xiriiraan iyadoo aan loo marin dhinac saddexaad.

