Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

19kii Febraayo, maalin khamiis ah, Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadii ka qaaday Guddoomiyihii Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Axmed Xuseen Cilmi, waxaana xilkan loo magacaabay kaddib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Liibaan Cabdi Cigaal, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Haddaba, muddo bil ku dhaw kaddib, ilaa hadda xilkii lama wareegin Guddoomiyaha la magacaabay, waxaana xilkii iyo shaqadiiba sii wata Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Taas oo ka dhigan inaysan fulin wareegtadii ay soo saareen Golaha Wasiiradda, uuna Guddoominayay Raysal Wasaaraha dalka.

Somali Stream oo dabagal ku samaysay sababaha keenay inay dhaqangeli waydo wareegtada Raysal Wasaare Cabdi Barre ayaa ogaatay in xil ku haynta Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Axmed Xuseen Cilmi ayaa ku timid laba sababood.

1- Diidmada Xafiiska Madaxweynaha ee Xilka qaadista

Sida aan ku ogaannay baaritaankeena, waxaa jira ku tartan dhaqaale iyo mashaariic oo si wayn u xoogaysanayay sannadkii ugu danbeeyay oo ka dhex aloosan hay’adaha Dowladda.

Waxaana banaanka keenay xil ku haynta Guddoonka Hay’adda Qaxootiga Qaranka, kaddib markii saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ay ka biyo diideen laba mashruuc oo aysan raali ka ahayn oo laga hoos saaray hay’addan, loona weeciyay hay’adda cusub oo iyadana laga sii hoos bixiyay Wasaaradda Qorshaynta.

Codsi ka baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu joojiyay in mashaariicdaas laga wareejiyo hay’adda Qaxootiga, taas oo keentay in Xukuumadda kaga jawaabto wareegto xilka qaadis ah oo aan welise dhaqan gelin sida aan xaqiijinnay maadaama aan ilaa hadda wax xil wareejin rasmi ah la samayn.

Hay’adda oo ku asaasaan xeer Madaxweyne ayaa xilka qaadisteedu waxay u baahantahay ogolaansho Madaxweyne, waana midda aan ilaa hadda loo dhaqan gelin soojeedinta Golaha Wasiirada.

2. Guddoonkii hore ku badbaaday ololaha ansixinta dastuurka

Markii ay soo baxday xilka qaadista guddoonkii hore ee Hay’adda Qaxootiga waxay ahayd xilligii uu socday ololihii lagu ansixinatay dastuurka, Madaxtooyaduna ay si wayn u doonaysay Xildhibaanno u ansixiya dastuurka.

Sida aan ogaanay Guddoomiyaha xilkan laga qaaday ayaa ku badbaaday ololaha ansixinta dastuurka, isaga oo abaabulay xildhibaannada ku deegaanka ah si ay ugu difaacaan booska laga qaaday, taas oo ugu dambayn miro dhashay.

Cadaadis ay saareen Madaxtooyada xildhibaannada metala Guddoomiyaha shaqada laga qaaday ayaa u muuqda inuu shaqeeyay oo jebiyay wareegtadii ay soo saareen Golaha Wasiiradu, sidaasna uu xilka kusii haysto.

Inkasta oo habraaca shaqo ka saaristiisu aysan dhammaystirmin, maadaama aan la helin ogolaanshaha Madaxweynaha , haddana in Madaxweynuhu uu xilka kusii hayo shaqsi awood agaasime leh ayaa bannaanka keentay loolanka dhaqaale iyo awoodeed ee ka dhax aloosan labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, waxaana jira saraakiil sare oo laba xafiis ka hawlgala oo si wayn isugu baacsanayaa mashaariicda dalka iyo shaqsiyaadka xilalka hoggaaminta masharaiicdaas la siinayo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More