Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Somali Stream, Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA) ayaa lagu dhaarinayaa magaalada Caruusha maalinta Isniinta ah ee 16-ka bishan Maarso.
Xubnaha Soomaaliya matalaya oo ka kooban 9 xubnood ayaa muddo bannaan joog ahaa kaddib markii uu Guddoonka Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika diiday in la dhaariyo. Sababta ayaa ahayd in Soomaaliya ay ka baaqatay bixinta qaaraanka ku waajibay ee Ururka.
Sida aan xogta ku helnay, Soomaaliya weli ma bixin wax qaaraan-sanadeed ah oo ku aaddan 2025, hase ahaatee waxaa xubnahan lagu sii daayay heshiis siyaasadeed oo gaar ah oo dhexmaray madaxda ururkan intii uu socday shir-madaxeedkii ka qabsoomay dalka Tanzania 7-dii bishan taasoo ay Soomaaliya qabsatay waqti kama dambays ah oo ay bixinayso.
Dhaarinta Xildhibaanada Soomaaliya metalaya ayaa noqonaysa tallaabadii ugu dambaysay oo ay Muqdisho u qaaday ku biirista EAC.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda inuu ku guulaystay dhammaystirka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, waana mid ka mid ah hindisayaasha naadirka ah ee uu Madaxweynuhu si guul ah u dhammaystiray inta lagu guda jiray muddo-xileedkiisa cusub.
Kaddib safarkii Jabuuti, ayuu xafiiska Madaxweynuhu qorshaynayaa inuu war ka soo saaro guushan siyaasadeed ee lagu gaaray hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh.

