Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa u yeertay safiirka Suudaan ee Addis Ababa, kadib markii Khartoum ay ku eedeysay in weerarro drone ah oo ka dhacay gudaha Suudaan laga soo qaaday dhulka Itoobiya.

Tallaabadan ayaa timid kadib bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo ku eedeysay Itoobiya faragelin, isla markaana sheegtay in diyaaradaha drone-ka ay ka soo galeen Suudaan dhanka Itoobiya ayna bartilmaameedsadeen goobo gudaha dalkaasi ah.

Sida ay Al Jazeera baahisay, ilo diblomaasiyadeed oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay safiirka Suudaan u sheegtay in Itoobiya si buuxda u diidayso eedeymahaas, kuna tilmaantay sheegashooyin aan sax ahayn oo lagu qarinayo, sida ay Addis Ababa sheegtay, taageerada iyo askareynta mucaarad Itoobiyaan ah oo Suudaan ka socota. Itoobiya sidoo kale waxay mar kale ku celisay inay dhexdhexaad ka tahay dagaalka ka socda Suudaan.

Si kastaba, xiisadda u dhaxaysa Suudaan iyo Itoobiya ayaa u muuqato inay ka gudubtay hadal-heynta warbaahinta oo haatan labada dhinac si toos ah isu eedeynayaan.

Wararka ku saabsan weerarro drone ah oo sababay barakac ka dhacay gobolka Blue Nile ee Suudaan, iyo in cutubyo militari oo Itoobiyaan ah lagu arkay gudaha gobolka Gezira, ayaa muujinaya in xaaladdu u egtahay isku dhac aan si rasmi ah loo shaacin, halkii ay ka ahaan lahayd eedeyn kaliya.

In Itoobiya ay ku eedeysay Suudaan inay dagaalyahanno ka qoraneyso gobolka Tigray si ay uga qayb qaataan dagaalka Suudaan, ayaa muujinaysa in xiisaddu ka gudubtay muranka xuduudaha oo ay gaartay in labada dal ay isku adeegsadaan khilaafaadkooda gudaha.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More