Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah oo aan horay loo arag ku qaaday dhiggiisa dalka Isriil, Isxaaq Herzg, isagoo si adag uga dalbaday inuu cafis degdeg ah u fidiyo Ben Net-tenyaahuu. Trump ayaa ku sifeeyay diidmada Herzog mid “ceeb ah”, wuxuuna ugu hanjabay inuu faafin doono siraha iyo fadeexadaha madaxweynaha uu ka hayohaddii uusan fulin dalabkiisa.

Wareysi taleefanka ah oo uu maanta oo Khamiis ah siiyay Telefishinka Channel 12 ee Isriil, Trump ayaa shaaca ka qaaday in Herzg uu shan jeer oo hore u ballan-qaaday inuu cafis u fidinayo Netyaahuu, balse uu ka baxay ballantii uu qaaday. Trump ayaa sheegay inuu muddo sannad ah kala hadlayay arrintan, isagoo caddeeyay inuusan diyaar u ahayn inuu la kulmo Madaxweynaha Isriil ilaa uu saxiixo cafiskaas.

“Ma rabo inay jirto wax mashquulinaya ‘Bibi’ oo aan ka ahayn dagaalka uu kula jiro Iiraan,” ayuu yiri Trump, isagoo muujiyay in dacwadaha musuqmaasuq ee hortaagan Netyaahuu ay caqabad ku yihiin hoggaaminta dagaalka.

Dhanka kale, qoraalkan ayaa dhaliyay carro xooggan, iyadoo dadka qaar ay is weydiinayaan in dagaalka Iran lagu qaaday ee hadda socda loo huriyay oo kaliya si cudur-daar looga dhigto cafis loo fidiyo Netanyahu.

Waxaa jira eedaymo loo jeedinayo madaxda reer galbeedka oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo midba midka kale “fadeexado iyo sirro” u ka hayo, taas oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka iyo is-aamin darrada ka dhex jirta hoggaanka sare.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More