Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

WQ: Xasan Mudane

Qormadan tii ka horreysay waxaan kaga hadlay in qofka dhallinyarada ah ee siyaasadda horay ugu jiray ama ku cusub uu aragti dheer, fikir, iyo ujeeddooyin cad cad yeesho. Ma ahan in lagu soo xusuusto oo kali ah marka loo baahdo durbaan tumis, ololeyn, iyo CBB-nimo. Dardaarankaygu wuxuu ahaa in qofka dhallinyarada ah uu si madaxbannaan u fikiro, casharro siyaasadeed ka barto khaladaadkiisii hore, islamarkaana uusan safka hore is geynin si bilaash ah. Waayo kuma qasbanid in aad baraha bulshada is keento oo aad dharka dhigato. Qofku waa in uu bartaa sida daaha gadaashiisa wax looga maamulo.

Ha tegin safka hore

Waxaan ku dul kufay doodo raqiis ah oo ay miiska soo saarteen dhallinyaro aynu asxaab ku nahay Facebook, kuwaas oo ku qancay in dowrkoodu uu noqdo durbaan tumis iyaga oo ku andacoonaya in qaddiyad ay kula joogaan qofka ay u ololeynayaan. Waxaan isweyddiiyey waa kuma cidda qaddiyad ka shaqeysa oo aragti maangal leh sidata? Runta waxa ay tahay inta hadda isla socota in ay ku wada socdaan dano iyo duruufo jira awgood. Si kale u dhig, isla joogista iyo kala tega markay timaaddo siyaasadda waxaa jaangooya danta iyo duruufaha. Waqtiga ayaana garsoore ka ah.

Tan kale, kuwa maanta ololeynta ku jira iyaga dhan waa wada faylasuufyo ka aqoon badan Plato, Aristotle, Karl Marx, Ibnu Khaldun, laakiin markay kursiga ku fadhiistaan waa kuwo kale. Weji beddelashadu waa iska caadi marka la joogo siyaasadda dalkeena. Si kale u dhig, aragtida iyo qaddiyadda runta ah ee uu rumaysan yahay qofka aad u ololeynayso maanta waxay bannaanka u soo bixi kartaa markuu xukun iyo awood helo. Inta ka horreysa waa iska sheeko!

Siyaasadda laftirkeeda si khaldan ayay u fahmeen dhallinyarada qaar. Siyaasadda laga shaqeynayo waa in ay ka jawaabto maxaa la helay? Yaa helay? Sidee lagu helay? Aragti iyo qaddiyad waa loo baahan yahay, halbeeg ha kuu ahaato. Laakiin han ma lihi. Waxba ma rabo. Safka hore waan iska xaadirinaa. Siyaasaddu saddaqo ma gasho.

Aad ayaan ula yaabaa markaan arko qof dhallinyaro ah oo naftiisa been u sheegay oo isku arka in uu yahay hawlkar lagu xisaabtamo ololeyntiisa. Yacni, qof muhiim ah oo safka hore taagan. Ma xuma in aad mucaarad ama muxaafad bannaanka taagan noqoto laakiin safka hore ha tegin. Waa iga talo. Jidkaas hortaa ayaa lagu soo jabay. Adiga oo safka hore soo istaagay oo ehel iyo asxaab ku soo kala dhimateen durbaan u tumista iyo u ololeynta musharrax xukun doon ah ayaa hadhow markuu guuleysto arki doontaa kuwo daaqadaha ka soo booday oo isku hareereeyey. Adigana telefoonka haddii lagaa qabto ayaad nasiib leedahay. Sidan oo kale ayaa ku dhacday dhallinyaro badan oo qayb lixaad leh ka soo qaadatay ololihii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waayo musharraxa maanta gacmaha kaa shuminaya ee ku leh gal safka hore berrito waa qof kale.

Ugu dambeyn, taladaydu waxay tahay, yareeya filashadiina ku aaddan musharraxa aad hadda la joogtaan. Hana isku tegina safka hore.

Xasan Mudane waa Bare Jaamacadeed oo ku takhsusay Cilmiga Siyaasadda. Waxa uu Aasaase iyo Agaasime Guud ka yahay Machadka BPoL Academy oo lagu barto hoggaaminta siyaasadda. Kala xiriir: Mudanep5@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More