Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Shirkii saaka ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya ee u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo qayb kamid ah xukuumaddiisa ood hinac ah iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo dhanka kale ah ayaa soo gaba-gaboobay abaara 4-ta Galabnimo waqtiga magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ahaa mid si weyn loo sugayay, maadaama uu baaqday labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa sida caadada ahayd ku bilowday soo dhawayn iyo kaftan.

Intaas kaddib shirka ayaa ku furmay jawi feejignaan ah, dhinac walbana waxaa uu soo bandhigay dooddiisa. Inta badan shirka waxaa hareeyay dood adag oo socotay saacado badan, kuna saabsanayd galka doorashada ee labada heer ee dalka,taas oo keentay in Madaxtooyada laga soo dhaqaajin waayay halkeedii hore ee dhanka go’aanada.

Waxa ugu weyn ee maanta shirka ku cusbaa waxay ahayd mowqifka adag ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo kordhiyay, isagoo ku adkaystay inaaba laga wada hadli karin doorasho heer Federaal ah ilaa marka hore la qabto doorashooyinka golaha deegaanka.

Dhanka doorashada Dowlad Goboleedyada, dhinaca xukuumadda waxay markale ku adkaysteen go’aankoodii hore, isaga oo Madaxweyne Xasan uu si cad u sheegay inaan laga hadli karin doorashada maamulada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed, isagoo meesha ka saaray in arrimaha maamuladaas ay shirkan khuseeyaan. Iyadoo xoogga la saaray sidii xal loogu heli lahaa hannaanka doorashada, haddana Madaxweynaha ayaa gabi ahaanba diiday in lagala hadlo saddexdaas dowlad goboleed.

Markii laga soo laabtay nasashadii salaadda duhur, oo laga rajaynayay in jawigu isbeddelo, haddana wax horumar ah lagama samayn is-mari-waaga taagnaa. Madaxweynaha ayaa ku adkaystay in doorashada Federaalka ay ku xidhan tahay dhammaystirka tan Golaha Deegaanka, taas oo keentay in shirku uu kusoo xirmo jawi aan wax  horumar ah laga samayn.

Ma cadda tallaabada ay qaadayaan dhanka Golaha Mustaqbalka, waxayna usoo kicitimeen deegaankooda, halkaas oo laga filayo inay caawa dib uga fariistaan xaaladda dalka iyo shirka socday, kaddib marka ay yeeshaan wadatashiyo u gaar ah caawa oo ay ku ballameen shir.

Sida muuqata haddii aysan dhinacyadu midkood uusan muujin tanaasul, waxay u eegtahay inuu shirku kaabiga u saaran yahay kalatag.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More