Sudan, garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartuum ayaa markii ugu horreysay muddo ka badan laba sano kadib waxaa ka degtay diyaarad rakaab siday, kaddib dagaallo baahsan oo dalka ka socday. Diyaarad ay leedahay Sudan Airways ayaa Axaddii ka timid Port Sudan, iyadoo sidday rakaab.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dib-u-furista garoonku ay gacan ka geysan doonto isku xirka caasimadda iyo gobollada kale, isla markaana hadda uu qaabbili karo ilaa afar duulimaad maalintii.
Ciidamada Suudaan ayaa bishii Maarso ee sannadkii hore ku dhawaaqay inay si buuxda dib ugu la wareegeen gacan-ku-haynta caasimadda, iyagoo ka qabsaday kooxda hubeysan ee (RSF), halka xarunta dowladda dib loogu soo celiyay caasimadda bishii hore.
Si kastaba ha ahaatee, rabshado ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Darfur, halkaas oo ay dad badan ka barakaceen, isla markaana ay jirto xaalad bani’aadannimo oo daran.

