Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu 7-da Febraayo socdaal shaqo ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Booqashadan ayaa imanaysa xilli xasaasi ah, kaddib safarkii uu Madaxweynuhu ku tagay dalka Itoobiya maalin dhammaadka bishan Jannaayo, taas oo muujinaysa dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee isdiidan ka dhex jira gobolka.

Sida ay xog ogaal u tahay Somali Stream, safarkan ayaa yimid kaddib markii Madaxtooyada Masar ay soo dirtay saddex casuumadood oo kala duwan, kuwaas oo isugu jiray mid loo soo mariyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo laba casuumadood oo si toos ah loogu soo hagaajiyay Villa Soomaaliya, taas oo muujinaysa sida ay Qaahira muhiimad weyn ugu hayso kulankan.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii 7aad iyo tii 5aad oo rasmi ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Masar tan iyo markii dib loo doortay bishii May 2022, waxayna u dhaxeeyeen booqashooyinka Madaxweyne Xasan Luulyo 2022 ilaa iyo Noofamber 2025, kaas oo ahaa booqasho aan rasmi ahayn , hase ahaate uu kaga qaybgalay xarig jarkii dhismaha Matxafka Qaran ee Masar.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Masar kulan la qaadan doonaa Madaxda dalka Masar, shirarka ay gelayaan ayaana ah kuwa ka sal-balaaran labada dal. Waxaana meel sare kaga jira ajandayaasha Badda Cas iyo Marinka Baab Al-Mandab.

Dhammaadka socdaalkan ayaa laga dhex akhrisan karaa qorshayaal kale oo diblomaasiyadeed, maadaama la filayo in Madaxweyne Xasan uu safar ku tago magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, waa haddii ay wada-hadallada Masar ka soo baxaan xog iyo is-afgarad miro-dhal ah.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso isbaahaysiyada Carbeed iyo taageerada caalamiga ah ee ku aaddan qadiyadda qarannimada Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More