Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

 

MUQDISHO— Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga bilowday wada-hadallada u dhexeeya Guddiyada Farsamada ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo looga gogol-xaarayo kulanweynaha labada dhinac. Kulammadii caawa kaddib, waxaa soo baxay qodobo muhiim ah oo ay labada dhinac si hordhac ah isugu afgarteen, kuwaas oo kala ah.

Goobta Gogosha Wada-hadalka

Waxaa la isku raacay in shirweynaha guud lagu qabto gudaha Garoonka Aadan Cadde (Xalane). Go’aankan ayaa yimid kaddib markii xubnaha metelaya Dowlad-Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay muujiyeen inaysan diyaar u ahayn in gogoshu taallo Villa Soomaaliya, iyadoo loo doortay Xalane goob dhex-dhexaad ah oo kalsooni lagu qabi karo.

Habraaca Amniga ee Puntland iyo Jubaland

Xubnaha Madasha Mustaqbalka ayaa ku andacooday in amniga Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ay ka shaqeeynayaan saraakiisha amniga ee labada Madaxtooyo, sidaas darteedna aan wax diyaar garaw ah looga baahnayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobkan oo aan dood badan galin waxaa markii dambe lagu dhammeeyay in hoggaanka ilaalada amniga ee Puntland iyo Jubaland iyo saraakiisha Ciidamada Federaalka la isku xiro si iska warqabkoodu u sarreeyo.

Muranka Dastuurka iyo Hannaanka Geedi-socodka

Arrimaha Dastuurka ayaa ahaa mowduuca ugu adkaa ee waqtiga badan qaatay. Golaha Mustaqbalka ayaa walaac xooggan ka muujiyay in weli fara-farayn lagu hayo nuqullada dastuurka, halka kooxda metelaysay dowladda ee uu horkacayay Wasiir Xasan Macallin ay soo jeediyeen in arrimaha masiiriga ah ee dastuurka loo daayo madaxda sare si ay uga gaaraan go’aan siyaasadeed.

Ajandayaasha laga wadahadlayo

Waxaa jira is-faham ballaaran oo ku saabsan in arrimaha guud ee qaranka sida; Amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo wax ka qabashada abaaraha lagu daro warmurtiyeedka dambe. Labada dhinac ayaa isku raacay in qodobadan aysan ahayn kuwo lagu muransan yahay, balse ay yihiin mas’uuliyad qaran oo u baahan midnimo.

Waarankii Maxkamadda ee Axmed Madoobe

Guddiyada ayaa iska wareystay arrinta waarankii qabashada ee ka dhanka ahaa Axmed Madoobe. Xubnaha Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in farsamo ahaan ay Maxkamaduhu gacanta ku hayaan hannaankii looga laaban lahaa go’aankaas, si meesha looga saaro caqabadaha hortaagan wadahadalka.

Somali Stream ayaa hore u baahisay in wali Maxkamadda Gobolka ay ka cagajiidayso in Waaranka ay ka laabato sababo la xiriira inaan la xagal daacin sumcadda garsoorka dalka. Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada cadaadis xooggan oo arrintaas lagu soo afjarayo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More