Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay soo saartay go’aan lagu mamnuucayo diyaaradaha ay leedahay Dowladda Imaaraatka Carabta ee ujeedkoodu yahay ciidan iyo xamuul (Cargo).
Xogahan ayaa tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula wadaagtay dhiggeeda Imaaraatka go’aankan lagu xannibayo dhaqdhaqaaqa diyaaradahooda ee gudaha hawada iyo garoonnada dalka.
Tallaabadan ayaa timid xilli maanta la shaaciyay in dhulka iyo hawada Soomaaliya lagu tahriibiyay Hoggaamiyihii Goonigoosadka Yeman, Cayduruus Al-Zubaydi kaas oo Imaaraadku dalkiisu u qaaday.
Go’aanka Soomaaliya, sida la xaqiijiyay ma saamaynayo diyaaradaha rayidka ee isticmaala hawada Soomaaliya.
Soomaaliya oo dhexda kaga jirta xiisadda ka dhalatay aqoonsiga Somaliland oo si wayn loogu eedaynayo in Imaaraadku ku lug leeyahay ayaa weli tallaabo buuxda ka qaadin. Diidmada diyaaradihiisa xamuulka lagu mamnuucay ayaa lagu fasiray inay Soomaaliya iskaga dhaqayso gefka dublumaasiyadeed ee ay ku dhacday kaddib markii eedaysane baxsad ah dhulkeeda uu marsiiyay Imaaraadku.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadihii 2022 iyo 2023 heshiis aan waxbadan laga ogayn oo ciidan lagashay dalka Imaaraadka, kuwaas oo u ogaalnayay Abu Dhabi inay dhulka, cirka iyo hawada Soomaaliya waqtiga ay doonto iyo danta ay doonto u isticmaali karto.
Tallaabada ay Muqdisho maanta qaaday ayaa ka dhigan inay isbari yeelayso sidoo kalana ay tilmaan u tahay jihada uu socdo xiriirka labada dal.

