Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay gaaray magaalada Ankara, si uu kulan ula qaato dhiggiisa Rajab Erdogan. Kulanka labada Madaxweyne oo hore u qorshaysnaa ayaa laga soo hormariyay waqtigiisii.

Xiisadda ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland ayaa soo dedejisay kulanka. Illaalinta Midnimada iyo Wadajirka dhuleed iyo dadeed ee Soomaaliya ayaa ajandaha meel sare kaga jirta. Turkiga ayaa tan iyo markii dhawaaqa Israa’iil soo baxay maalinnimadii Jumcada aan ka nasan difaacidda qadiyadda Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hase ahaate, kulankan waxaa meel sare kaga jirta dhacdada taariikhiga noqonaysa ee ah in Soomaaliya laga hely shiidaal.

Sidee halkan lagu soo gaaray?

Xiriirka dhinaca tamarta iyo shiidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu xoogaystay horraantii sannadkii 2024, markii ay labada dal kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha.

Maarso 2024, Wasaaradda Shidaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tamarta Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis u oggolaanaya Turkiga inay baaritaan iyo qodis shidaal ka sameeyaan badda Soomaaliya.

Oktoobar 2024, dowladda Turkiga waxay Soomaaliya u soo dirtay markabka weyn ee Oruç Reis, kaas oo muddo ka badan hal sano ka wadey badda Soomaaliya baaritaanno dhulka hoostiisa ah (3D seismic surveys) si loo ogaado meelaha rasmiga ah ee shidaalku ku jiro.

Munaasabadda Ankara ee Maanta

Sida ku cad xogta aan helnay maanta oo ah 30-ka Diseembar 2025, waxaa lagu wadaa in caasimadda Turkiga ee Ankara looga dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee baaritaankaas.
Waxaana la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ay si wadajir ah ugu dhawaaqaan helitaanka shidaal ganacsi ahaan loo isticmaali karo (Commercial Discovery).

Dhacdadan taariikhiga ah waxaa labada Madaxweyne ku wehelin doona Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga, kuwaas oo soo bandhigi doona xogta farsamo ee muujinaysa xaddiga shidaalka la helay.

Maxay Tani uga dhigan tahay Soomaaliya?

Haddii maanta lagu dhawaaqo guushan, waxay Soomaaliya u horseedi kartaa isbeddelladan soo socda:

1. Isku-fillaansho Dhaqaale: Soomaaliya waxay ka bixi kartaa ku tiirsanaanta deeqaha dibadda, iyadoo noqon doonta dal dhoofiya shidaalka.

2. Amniga Badda: Maadaama Turkigu ay qayb ka yihiin soo saarista, waxay sidoo kale gacan ka geysan doonaan ilaalinta badda Soomaaliya ee aagga laga qodayo shidaalka iyo marinnada laga dhoofinayo, waxaana soo hoos galaya Gacanka Cadan iyo badaha kulaala Soomaaliya.

3. Horumarinta Kaabayaasha: Lacagaha laga helo shidaalka ayaa loo adeegsan doonaa horumarinta iyo dhisidda waddooyinka, isbitaallada, iyo korontada dalka.

Si guud shidaal qodista waxay leedahay caqabado lasocda oo amnigu ugy horreeyo, waxaana Soomaaliya u dheer oo muhiim u ah, In la hubiyo in dakhliga shidaalka loo maamulo si hufan oo caddaalad ah oo u dhexaysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, munaasabadda maanta ka dhacaysa Ankara waa mid indhaha caalamku ay hayaan. Waxayna calaamad u tahay bilowga waa cusub oo Soomaaliya ugu gudbayso dalalka wax soo saara.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More