Tabaarak ICT Solutions Oo Noqotay Hay’addii Ugu Horreysey Soomaaliya ee ICT ah Oo Hesha Shahaadada ISO 9001:2015
Tabaarak ICT Solutions oo ka mid ah hay’adaha hormuudka u ah adeegyada Tiknoolajiyadda Isgaarsiinta (ICT) ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdishi ayaa noqotay hay’addii ugu horreysey ee ICT ah ee ka shaqeysa Soomaaliya oo si rasmi ah u hesha shahaadada caalamiga ah ee ISO 9001:2015.
Shahaadadan ISO 9001:2015 ayaa ah mid caalami ah oo lagu cabbiro tayada maareynta, hufnaanta nidaamka shaqo, iyo heerka adeegyada ay bixiyaan hay’adaha, iyadoo xaqiijineysa in Tabaarak ICT Solutions ay ku shaqeyso nidaam waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in helitaanka shahaadadan ay tusaale u tahay horumarka sii xoogeysanaya ee tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka ICT-ga Soomaaliya, iyadoo Tabaarak ICT Solutions ay door muuqda ka qaadaneyso kobcinta adeegyadan.

