Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warbaahinta Al Jazeera ayaa baahisey qoraal ay kaga faalootey nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya oo ay sheegtay inaanu lahayn habraacyo amni oo ku filan, taasoo sahli karta in dad ujeeddo xun leh ay ka faa’iideystaan una soo dejiyaan kumannaan e-visa ah oo xambaarsan xog xasaasi ah, sida faahfaahinta baasaboorrada, magacyada buuxa iyo taariikhaha dhalashada dadka.

Al Jazeera ayaana sidoo kale sheegtey in ay toddobaadkan xaqiijisay nuglaanta nidaamka, kaddib markii ay heshay xog ka timid ilo leh khibrad ku saabsan horumarinta mareegaha (web development).

Ilaha xogtan bixiyey ayaa Al Jazeera la wadaagay faahfaahin ku saabsan xogta khatarta ku jirta, sidoo kale waxay soo bandhigeen caddeymo muujinaya inay walaacooda gaaren mas’uuliyiinta Soomaaliya toddobaadkii hore si ay uga digaan nuglaanta nidaamka.

Ilaha ayaa sheegay in inkasta oo ay dadaal sameeyeen, aysan wax jawaab ah ka helin mas’uuliyiinta, isla markaana cilladdaas amni aan weli la saxin.

“Xadgudubyada ku lug leh xog shakhsiyeed oo xasaasi ah waa kuwo aad khatar u ah, maadaama ay dadka gelinayaan haliso kala duwan, oo ay ka mid yihiin xatooyada aqoonsiga, khiyaano, iyo uruurinta xog sirdoon oo ay sameeyaan dad ujeeddo xun leh,” ayay tiri Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo siyaasaddeed kana tirsan ururka xuquuqda dhijitaalka ah ee Access Now, iyada oo la hadashey Al Jazeera.

Nuglaantan amni ee cusub ayaa imanaysa bil kaddib markii mas’uuliyiintu sheegeen inay bilaabeen baadhitaan, kaddib markii burcad internet (hackers) ay jebiyeen nidaamka e-visa ee dalka.

Waxaa ayna Al Jaziira sheegtey in ay awoodey inay waqti gaaban ku soo dejiyeen e-visayaal ay ku jiraan xog xasaasi ah oo ay leeyihiin tobanaan qof. Xogtan ayaaney ku jirtey faahfaahin shakhsiyeed oo la xidhiidha dad ka kala yimid Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland.

Al Jazeera ayaa sidoo kale sheegey inay su’aalo u dirtay dowladda Soomaaliya, isla markaana uga digtay cilladda nidaamka, balse wax jawaab ah aysan ka helin.

Waxaa xusid mudan in bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday (UK) ay soo saareen digniin ku saabsan xogta la jabsadey(data breach) oo lagu faafiyey macluumaadka in ka badan 35,000 oo qof oo codsaday e-visa Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) iyada oo ka jawaabeysa dhacdadaas ayey u wareejisey domain cusub bogga e-visa-da, iyaga oo ku dooday in tallaabadan ay tahay mid lagu xoojinayo amniga, isla markaana waxa ay sheegtey in ay billowday baaritaan ku saabsan dhacdada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More