Madaxda siyaasadda ee mucaaridka ku ah hab maamulka iyo hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isugu tegaya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Isbahaysiga Mucaaridka hoggaamiya ee Madasha Samatabixinta iyo labada Dowlad Goboleed ee Puntland iyo Jubaland oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa helay martiqaad rasmi ah oo uga timid dalalka daneeya siyaasadda iyo xasilloonida Soomaaliya ayaa aqbalay inay Nayroobi tagaan.
Magaalada Nairobi waxaa maanta gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa asna shalay tagay, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa la filayaa in uu isna maalinta berri ah gaaro Nairobi.
Nayroobi waxaa hore u joogay madax uu kamid yahay Raysal Wasaarayaashii hore Cabdi Faarah Garaad (Saacid) iyo Xasan Cali Khayre.
Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay inay tahay ka arrinsashada xaalka dalka Soomaaliya iyo sidii la isaga garabsan lahaa dhaqaajinta hindise cusub oo ka dhan ah maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Maxaa keenay shirka degdega ah
Sida aan ka ogaanay dhinacyada Mucaaridka shirka ayaa yimid kaddib markii ay iswaafaqeen danaha saddax dal oo diidan hanaan maamulka Madaxweynaha.
Xiriir dhexmaray dalalkan ayaa keenay in la abuuro madal cadaadis oo miiska wadahadlka keenta Madaxweyne Xasan Sheekh.
Inkasta oo Kenya loo doortay martigelinta shirka haddana dhinacyo ka baxsan ayaa leh abaabulka, fariimaha ay la isla wadaagay ayaa muujinaya in Madaxweyne Xasan uu lumiyay fursad uu todobaad ka hor helay oo loogu soo bandhigay inuu hoggaaminta shirkan qaato.
Mucaaridka Madasha Samatabixinta iyo Dowlad Goboleedyada diidan dastuurka iyo doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa helay saaxad siyaasadeed oo ka miisan culus gudaha dalka.
Saamaynta shirka Nayroobi
Marka laga tago culayska uu shirka Nayroobi saaray Xukuumadda Madaxweynaha Soomaaliya haddana waxaa baaqday shirweynihii la filayay in toddobaadkan lagu qabto magaalada Kismaayo, kaas oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay u asteeyeen inuu noqdo kulan muhiim ah oo lagu gorfeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.
Sidoo kale shirka Nayroobi ayaa xisaab guri udiray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana kala daatay tallaabooyinkii u qorshaysnaa oo ku saabsanaa ka hortegista shirka Kismaayo oo hadda u waeeegay Nayroobi.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda hadda taagan waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur siyaasadeed oo aad u nugul, laguna jiro loollan xooggan oo u dhexeeya dano siyaasadeed oo aad isu diidan. Shirarka ka dhacaya dibadda dalka ayaa noqonaya ifafaale cad oo muujinaya sida kalsoonidii siyaasadeed ay u luntay, iyo sida xalalka gudaha looga quustay.

