Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu la yeeshey wadahadalo wax-ku-ool ah oo dhinaca telefoonka ah ergayga nabadda ee Donald Trump, Steve Witkoff, iyo wiilka uu sodaga u yahay Trump Jared Kushner, oo hore wadahadalada qayb uga ahaa.

Zelensky ayaana sheegay inay ka wada hadleen sida loo xaqiijin karo in Ruushku u hoggaansamo heshiis kasta oo lagu joojinayo dagaalka Ukraine, isla markaana ay isaga ka go’an tahay inuu sii wado wada-shaqaynta Mareykanka.

Mas’uuliyiin reer Yukreyn ah oo ku sugnaa magaalada Miami oo ay kaga qayb galeen wadahadalo ku saabsan dadaallada Mareykanku uu ku doonayo inuu ku soo afjaro dagaalka Ruushka, ayaa sidoo kale ku biiray telefoonka.

Dhinaca kale, Moscow ayaan wax tanaasul ah ka muujin shuruudihii ay hore ugu xidhey heshiiska, waxayna sii waddaa duqaymo culus oo ka dhan ah Ukraine.

Zelensky, ayaa sidoo kale qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku yidhi:
“Ukraine waxa ka go’an inay sii waddo wada shaqaynta daacadda ah ee dhinaca Mareykanka si loo gaadhi nabad dhab ah.”

Ruushka ayaa habeennimadii xigtay qaaday weerarro cusub oo dhinaca cirka iyo gantaallada ah. EU-da ayaana u aragtay weerarradan kuwo kordhinaya xiisadda oo dhibaato dheeraad ah ku haya shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee Yukreyn, taas oo keentay inay cambaareeyaan weerarkaas xulafada EU-da ee Yukreyn.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu la hadlay Zelensky, isagoo barihiisa bulshada ku muujiyey “in uu si buuxda u oo garab taagan yahay Yukreyn”. Wuxuuna intaas ku daray:“Faransiisku waxa ka go’an in uu la shaqeeyo dhammaan bahwadaagta si loo gaadho tallaabooyin xiisad dejin ah loona dhaqan geliyo xabbad-joojin.”

Macron ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu isniinta ku ka qaybgali doono shir ka dhici doona magaalada London oo ay isugu imanayaan Zelensky, Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, iyo Raysarwasaaraha Jarmalka Friedrich Merz.

Shirkan ayaana waxaa lagu falanqayn doonaa wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine ee lagu doonayo in lagu gaadho heshiis dammaanad qaadaya ammaanka Yukreyn marka dagaalku dhammaado.

Waxaana xusid mudan in laba toddobaad ka hor, afarta hoggaamiye ay yeesheen kulan muuqaal ah oo ay kaga wada hadleen ciidamo nabad-ilaalin oo Yurub ah oo la geyn karo Yukreyn haddii xabbad-joojin la gaadho.

Sir Keir Starmer ayaa marar badan ku celceliyey in Yukreyn ay iyadu go’aansanayso mustaqbalkeeda, isagoo sheegay in ciidanka nabad-ilaalinta ee isbahaysigu diyaar u yahay door “aad u muhiim ah”-na ka ciyaari doonaan dammaanad qaadka amniga Yukreyn.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u diiday fikradda ah in ciidamo shisheeye la geeyo Yukreyn, isagoo ku tilmaamay in “ciidamadaas noqon doonaan bartilmaameed sharci ah”.

Warbixinnada ayaa sheegaya in Ruushku uu habeenkii Jimcaha ku soo riday 653 drone iyo 51 gantaal Yukreyn. Mid ka mid ah duqaymaha ayaa ku dhacay xarunta tareenada ee magaalada Fastiv oo Koonfur-galbeed ka xigta Kyiv, taasoo burburisay dhismaha saldhigga tareenka una geysatay khasaare gaadiidka.

Wasaaradda Tamarta Ukraine ayaa sheegtay in duqaymahani ay saameeyeen xarumo tamar oo ku yaal siddeed gobol, taas oo keentay koronto la’aan baahsan.
Ruushku ayaana sheegay in weerarradiisu ay beegsanayeen warshadaha millatariga, kaabayaal tamareed, iyo dekedaha.

Wadahadaladii ka dhacay Moscow oo u dhexeyey Mareykanka, Yukreyn, iyo Ruushka ayaan wax natiijo ah laga gaadhin, iyada oo Mareykanka iyo Ukraine ay ugu baaqeen Moscow inay muujiso “go’aan dhab ah oo ku saabsan nabad waarta”.

Dhanka kale, waxaa maalintii saddeaxaad galey wadahadallo kale oo ka socda Florida oo u dhexeeya mas’uuliyiin Mareykan iyo kuwo ka socda Yukreyn, kuwaas oo Yukreyn lagu qancinayo qorshaha nabadeed ee Mareykanku wado.

Steve Witkoff ayaa sheegay in labada maalmood ee wadahadallada uu la yeeshay Rustem Umerov, xoghayaha golaha amniga qaranka Yukrey, ay ahaayeen kuwo “Midho dhal ah”.
Bayaan ay soo saareen ayaana la gu sheegay in dhammaadka dagaalka uu ku xidhnaan doono diyaar u ahaanshaha Ruushka ee inuu qaado “tallaabooyin lagu dejinayo xiisadda laguna joojinayo dilka”.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More