Golaha Ammaanka oo Ansixiyay Qorshaha Trump: Qodobka Ciidamada Caalamiga ah oo Khilaaf Cusub Abuuray
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay ansixiyey qaraarka Maraykanku soo diyaariyey ee Qorshaha Joogsiga Dagaalka iyo nabadaynta Qaza ee Trump. Qaraarkan oo labada dhinac ay saxeexeen October ayaa waxaa ku jira qodobo si weyn hadal hayn u dhaliyey oo la xidhiidha samaynta iyo dirista Ciidan Caalami ah oo ka howlgalaya Marinka Gaza iyo baabiinta guud ahaanba dagaalyahanada Xamaas.
Qodobadaas oo ilaa bilowgii ahaa kuwo la isku maan dhaafsanaa ama Xamaas aanay marna si buuxda u aqbalin ayaa noqday xuduntaa khilaafka, islamarkaasna ay Xamaas ku diidey bayaan ay soo saartey kadib ansixintii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Ciidanka ayaana ah kuwo caalami ah oo ka kala socda waddamo badan kuwaas oo tababari doona boolis Falastiiniyiin ah oo u gu danbeynta shaqadoodada la wareega. Inta ka horeysa waxa ay ka masuul yihiin sugida xuduudaha, Ilaalinta amniga iyo hub-ka-dhigista Qasa, difaaca dadka rayidka ah, suggida hawlaha gargaarka iyo marinada bani’aadamnimada iyo shaqooyin dheeri ah oo taageeraya qorshaha weyn. Guud ahaana, ciidankani wuxuu qabanayaa inta badan masuuliyadihii amni ee Xamaas ay fulinaysay 19-kii sano ee u dambeeyay. Xamaas ayaana tan iyo 2006, maamuleysay Qasa iyada oo masuul ka ahayd amniga iyo adeegyada bulshada.
Inkasta oo aanu qaraarku si cad u tilmaamin waddama rasmiga ah ee ay ka socon doonaan ciidamada caalamiga ah ee maamulaya marinka Qasa haseyeeshee waxa uu sheegey in ay la shaqeyn doonaan ciidamada Masar iyo kuwa Israa’iil khaasatan sugista xaduudaha. Waxa sidoo kale qodobkan la gu cadeeyey in booliska Falastiiniyiinta ah ee la dhisi doonaa aanay hoos iman doonin Xamaas iyo maamulka Falastiiniyiinta ee hada jira midkoodna. Waxaa sidoo kale la sheegay in Azerbaijan iyo Indonesia ay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan Qasa. Masar, Qatar iyo UAE ayaa iyaguna wadahadal ku jira, inkasta oo ay u badan tahay in aanay UAE ka qaybgeli doonin. Warbixinno kalena waxa ay sheegayaan in Masar ay hoggaamin doonto ciidanka.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna hore u sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu taageero Gaza.
Balse kadib, xiisad ka dhex qaraxday Turkiga iyo Israel, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar wuxuu sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin ciidamo Turki ah oo Gaza ka howl-gala.
Si kastaba ha ahaatee Xamaas ayaan u muuqanin in ay hubkeeda wareejin doonto iyada oo bayaankeeda ku cadeysey in ciidamada shisheeye ay u la mid yihiin gumeysigii Israa’iil mid bedeley oo la mid ah. Qorshaha Trump ayaanay dad badani ku dhaliilaan in aan wax talo ah la ga siinin Falastiiniyiinta. Sida uu dhigayo qorshahanina dagaalyahana Xamaas waxaa u furan laba wado oo ah: in iyaga oo shacab ah ay Qasa ku noolaadaan iyo in la siiyo marin nabad ah oo ay ku gaadhaan waddama magangalyada siiya.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa dhowaan ka sheegay barlamaankiisa in dagaalku “aanu dhammaanin”, isla markaana Xamaas ay hubka ka dhigi doonaan.

