Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagi doona Aqalka Cad 18-ka Noofambar, halkaas oo uu kula kulmi doonaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo labadiisii mudo xileedba booqashooyinkiisii ugu horeeyey ee dibadeed ku tagay Sucuudiga.

Waxaa la filayaa in kulanka lagu gorfeeyo heshiisyo kala duwan, oo ay ku jiraan difaaca iyo tignoolajiyada — gaar ahaan qaybta maskaxda qalabka elektarooniga ee semiconductor-ka. Xiriirka labada dhinac ayaa na si weyn u xoogeystay bilihii u dambeeyay.

Intii lagu guda jiray booqashadii Trump ee Boqortooyada bishii May, labada dal waxay kala saxeexdeen heshiisyo is-afgarad ah oo gaadhaya $142 bilyan, kuwaas oo ay ku jireen maalgashiyo waaweyn oo Sucuudigu ku sameeyay warshadaha difaaca Mareykanka.

Ilo xog ogaal u ah wadahadallada ayaa horay u sheegay in heshiiska u oggolaanaya shirkadaha Mareykanka inay Sacuudiga u dhoofiyaan chips-ka semiconductor-ka ee casriga ah uu marayo heer gabogabo ah.

Toddobaadkii horena, shirkadda Sacuudiga ee HUMAIN iyo shirkadda Mareykanka ku saleysan ee Qualcomm Technologies ayaa ku dhawaaqay heshiis taariikhi ah oo lagu doonayo in Boqortooyada looga dhigo xarunta caalamiga ah ee sirdoonka macmalka ah (AI). Bayaankaas oo laga sheegey shirkii Future Investment Initiative (FII) ee sagaalaad ee ka dhacay Riyadh, ayaa la gu cadeeyey in heshiiskani uu ku dhisan yahay iskaashi la shaaciyay May; intii lagu jiray Madasha Maalgashiga Sacuudiga–Mareykanka, oo qayb ka ahayd booqashadii Trump.

Sida lagu sheegay bayaanka wadajirka ah, iskaashiga cusub wuxuu keenayaa adeegyo caalami ah oo AI ah oo lagu shaqeynayo iyada oo la adeegsanayo barxad ay shirkaduhu ku tilmaameen inay tahay “barxaddii dunida ugu horreysay ee si buuxda loogu habeeyay AI-ga isku dhafka ah ee edge-to-cloud”.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in weli ay socdaan wadahadallo ku saabsan suuragalnimada in Sacuudiga lagu iibiyo ku dhowaad 50 diyaaradood oo nooca loo yaqaan F-35-ka ah. Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa u sheegay Bloomberg News Jimcihii in madaxweynaha Mareykanku la filayo inuu heshiis ku saabsan iibkaas la gaadho Maxamed Binu Salman.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Trump uu Maxamed Binu Salman siiyo nooc heshiis difaac ah oo dammaanad u noqda in Mareykanku difaaci doono Sacuudi Carabiya haddii la weeraro.

Waxaana xusid mudan in hore, kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Doha sanadkan, Trump uu soo saaray amar madaxtooyo oo uu ku ballan qaaday inuu ka jawaabi doono weerar kasta oo lagu qaado Qatar.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More