Waxaa bishii September banaanka yimid is qabqabsi u dhexeeyay safaaradaha Soomaaliya ee Tanzania iyo Kenya, kaas oo uu sababay cidda qaabilsan wakiillnimada danaha Soomaaliya gudaha Congo (DRC).
Khilaafku ayaa yimid kaddib markii Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, uu si kedis ah u tegay magaalada Kinshasa, isaga oo hoggaaminaya wafdi ganacsato Soomaaliyeed iyo Kenyanba ka kooban. Saffaaradda Soomaaliya ee Tanzania aya sheegtay in ay ayadu leedahay matalaadda iyo danaha Soomaaliya ee DRC. Arintaasi waxay keentay is qabqabsi weyn.
Kaddib xurguf siyaasadeed oo dhacay, dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambayn tallaabo diblumaasiyadeed oo cad qaaday, iyadoo u magacowday safiir rasmi ah dalka DRC si loo xalliyo mugdiga ku saabsan wakiilnimada dalkaas.
10-kii Nofeembar 2025, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee DRC, Mudane Ilyas Ali Hassan, ayaa si rasmi ah loogu qaabilay Qasriga Qaranka ee Kinshasa, halkaas oo Madaxweynaha DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo.
Munaasabadda guddoonka waraaqaha aqoonsiga ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo lagu muujiyay tixgelin iyo maamuus ballaaran. Danjire Ilyas ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka DRC sida ay u soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas, wuxuuna xusay sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay in ay la xoojiso iskaashiga labada dal.
Safiirku wuxuu u hambalyeeyay Madaxweyne Tshisekedi guusha dalkiisu ka gaaray ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo muujiyay in Soomaaliya oo sidoo kale xubin ka ah ay ka go’an tahay wada shaqayn ku dhisan amni, horumar iyo danaha gobolka.
Intii kulanku socday, Danjire Ilyas ayaa soo jeediyay in la dhiso Madasha Ganacsiga Soomaaliya–DRC, ujeeddadeedu tahay kor u qaadidda maalgashiga, ganacsiga iyo isu socodka shacabka labada dal. Waxa kale oo uu ku dhiirrigeliyay Madaxweynaha in la fududeeyo helitaanka fiisaha iyo rukhsadaha ganacsiga, maadaama labada dal ay xubno ka yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

