Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumaddii Xasan Cali Khayre Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaciyay in uu soo dhaweynayo ku buurista Xisbiga cusub ee Haybad Qaran.

Bayaankiisa oo dhammeystiran ka akhriso hoos;

Waxaan soo dhoweynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee go’aansaday inay ku midoobaan hal Xisbi Siyaasaddeed oo mideynaya aragtidooda iyo awooddooda siyaasadeed, xisbigaas oo magaciisu noqon doono “Midowga Haybad Qaran.”

Waxaa kale oo aan soo dhoweynayaa in la isku raacay in Raysal-wasaare hore, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu noqdo Murashaxa Xisbigan ee xilka Madaxweynaha JFS, taas oo aan u arko inay tahay go’aan waqtigiisii yimid.

Waa go’aan dhiirrasho leh in siyaasiyiintu isku tanaasulaan ka hor intaan la tagin madasha doorashada, kolkaas oo si degdeg ah loo qaato go’aan aan si fiican looga baaraandagin. Hase yeeshee in xilligan la is weydiiyo ‘yaa ku habboon?’ oo loo wada tanaasulo qofka munaasabka ah waa go’aan geesinnimo leh.

Waxaan u arkaa Mudane Saacid inuu yahay mas’uul ku habboon hoggaaminta marxaladda ay Soomaaliya maanta mareyso oo isku soo dumi kara Soomaalida sii kala irdhowday, maadaama aan ku aqaano inuu yahay shakhsi dulqaad leh oo dadka isku wadi kara.

Ilaah towfiiqda ha na waafajiyo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More