Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Sharaa Aqalka Cad, iyada oo mudo lix bilood ka hor ah Waaxda Maaliyadda ee Maraykanku ay ku dhawaaqday in ay hakisay cunaqabatayntii saarneyd Dimishiq.

Al-Sharaa, oo 43 jir ah, ayaa muddo sannad ah xilka hayey kadib markii uu xukunka ka tuurey madaxweynihii ka horeeyey, Bashar al-Assad, bishii December ee la soo dhaafay.

Al-Sharaa, oo u muuqda in uu doonayo in uu mideeyo dalkiisa dagaalladu burburiyeen isla markaana uu soo afjaro go’doonka caalamiga ah ee Suuriya saarnaa muddo tobannaan sano ah, ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Suuriyaan ah ee booqda Aqalka Cad tan iyo markii dalkaasi xornimada qaatay 1946-kii.

Madaxtooyada Suuriya ayaa sheegtay in wadahadalada dhex marey Trump diiradda lagu saaray xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Suuriya iyo Maraykanka, sidii loo xoojin lahaa, iyo arimaha kale ee ay dan wadaagta ka yihiin ee khuseeya Bariga dhexe iyo caalamkaba.

Trump ayaa Dhinaciisa amaaney al-Sharaa kulanka kaddib, isagoo yidhi:
“Wuxuu ka yimid meel adag, waana nin adag. Waan jecelahay,”
“Wax walba waan samayn doonnaa si Suuriya guul u gaadho, waayo waa qayb ka mid ah Bariga Dhexe. Bariga Dhexe hada waa nabbad – waana markii ugu horreysay ee taariikhda casriga ah ay sidaasi dhacdo.”

Sidoo kale waxa uu Trump xusay taariikhda muranka dhalisay ee al-Sharaa, isagoo yidhi: “Qof walba wuu soo maray waayo adag.”
Al-Sharaa ayaa dhankiisa u sheegay Fox News in xiriirkii uu hore ula lahaa al-Qaacida uu hadda yahay “taariikh” isla markaana aan lagu soo hadal qaadin kulanka uu la yeeshay Trump, isaga oo intaas ku daray in Suuriya hadda loo arko saaxiib istaraatiiji ah oo Washington leedahay, balse aan loo arkin khatar amni.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More