W/Q: Cabdiwali Maxamuud Cilmi
Rubuc Qarni iyo Sida Reerku Yahay Rag La’aan Dheh!
Sanad guurada 25-aad ee ka soo wareegtay shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti iyo dhismaha waxa loogu yeero Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya ma in xus iyo dabaaldeg loo sameeyo ayay mudantahay mise in la isxisaabiyo?
Waxaan shaki ku jirin in tilaabadii Dawladda Jabuuti gogosha ku dhigtay magaalada Carta iyo natiijadii kasoo baxday ay ahaayeen kuwo taariikhi ah, saameyna ku leh dawladnimada Soomaaliya marka loo eego xaalkii Soomaaliya ku sugneyd iyo fashilkii shirarkii ka horreeyay. Dhacdadaas waxay Dawladda Jabuuti u soo jiiday sumcad siyaasadeed oo heer gobol iyo mid caalami ah, waxaana tobankii sano ee ku xigay wax laga weydiinayay arrimaha waaweyn ee gobolka. Sidaas darteed Dawladda iyo dadka reer Jabuuti waa u gar in ay xusaan shirkaas iyo natiijadiisii.
Dhanka kale marka aad qiimeyso waqtiga rubuc qarniga ah ee kasoo wareegay shirkii Carta iyo muuqaalka dawlad, dad iyo dal ee Soomaaliya waxaa kuu soo baxaysa saluugmo togan oo aan la inkiri Karin. Rubuc qarni waa waqti dheer, caalamkana waxaa muddadaas ka dhacay isbaddelo waa weyn oo dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo tiknoolojiyadda ah. Waxaa la dhihi karaa marka aad isku miisaanto watqiga 25-ka sano ah iyo halka aan joogno waxaa kuu soo baxysa arrin bar madow ku ah garashada iyo karaanka Soomaalida, gaar ahaan hormuudka siyaasadda iyo bulshada. Sidaas darteed dhanka Soomaaliya waxay ahayd in 25 guurada Carta ay noqoto isxisaabin, dib u eegis iyo qirasho in aan lagu guuleysan wixii la doonayay, la islana saxo waxa khaldan iyo mustaqbalka meesha la aadayo. In aan Jabuuti la sacabinno nooma furna in aan u sacabinnase ceeb maahan.
Maxay la hana qaadi weyday dawladnimadii dhismaheedu Carta kasoo bilawday?
Waa hubaal in shirkii Carta guul kusoo dhamaaddey, waxayna ka qeybgalayaashii shirkaas ku guuleysteen in ay isku raacaan diyaarinta Dastuur KMG ah, dhismaha Dawlad ku meel gaar ah iyo iclaamin in laga heshiiyay colaaddii sokeeye, loona gudbay dawald dhis. Si kale haddii loo dhigo, waxay ku guuleysteen in calanka Soomaaliya ciidda laga soo qaado iyo in markale bir dheer dalka iyo fagaareyaasha caalamkaba lagu xiro 10 sano oo uu degsanaa kaddib.
Aragtideyda waxaan qabaa labo arimood oo isku xiran ayaa caqabad ku noqday in Dawladnimada Soomaaliya hana qaado. Waa xaqiiq iyo loolanka gobolka iyo kan juquraafiga siyaaseed ee caalamkuba saameyn ku leeyhiin dawlad dhiskeena, balse arrimaha dhexdeena yaal ayaa ka saameyn badan kuwa dibadda inooga imaanaya.
1- Dhab u heshiisiin la’aanta bulshada
Inkasta oo shirkii Carta ciwaankiisu ahaa shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, haddana ka qeybgalayaashii shirkaas waxay ahaayeen dad kasoo shaqeeyay Dawladihii hore ee Soomaaliya, aqoonyahan intooda badan dibadda ka tagay iyo bulshada rayidka ah. Waa dadkii ay saameynta ugu yar ku lahayd colaaddu.
Dhanka kale inkastoo ay wax badan iska wacyigaliyeen, kana heshiiyeen waxay mas’uuliyada dib u heshiissinta ku wareejiyeen dawladdii KMG ahayd ee Carta lagu soo doortay oo Mandate-keeda koowaad laga dhigay hirgalinta dhab u heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa la dhihi karaa dib u heshiissintii waxay ku istaagtay Carta, wixii intaas ka dambeeyayna waxay ahayd loolan awoodda Siyaasadda ee marna looma hawlgalin dhab u heshiisiin.
Sidaas darteed bulshada Soomaaliyeed waa bulsho colaadi ka dhexaysay muddo ka badan 45 sano, walina aan laga heshiin isla markaasna hubeysan. Sidee Bulsho aan heshiis ahayn haddana hubeysan dawlad ku noqon kartaa? Bal waxaad isweydiisaa Soomaaliya waxaa ka socota xabaddii ka bilaabatay 1979 ilaa haddana ma lahan dambiile iyo dulmane midna!
Dad badan waxay fagaareyaasha ka sheegaan Soomaali isma dagaalsana. Arintaas waa khiyaali iyo in aan runta la wajihin. Waa sax Soomaali cadaawad kama dhaxeyso balse colaad raagtay, waxkasta oo la qaban lahaana caqabad ku ah ayaa ka dhex jirta waana tan keenaysa in qof kasta iyo qabiil kasta wali hubeysan yahay, tartankuna wali yahay iibsiga hubka. Ilaa la helo dib u heshiissin dhab ah iyo hub ka dhigisna dawlad inoo hirgali mayso. Dib u heshiisiin iyo hub ka dhgisna hirgali mayaan ilaa aan ku dhiirano qirashada in dhibaato na dhexmartay, wali na dhex taal, garawshiyana ka bixinno in aan isdulminay, isdilnay, ayna jiraan dulmaneyaal colaadda iyo cid dulmiga geysatay. Maqnaanshaha dib u heshiisiin dhab ah iyo hubka gacanta shacabka ku jira waatan u sahlaysa in gobol iyo deegaan kasta siyaasi si gooni ah meel ugu xirto, marka uu khatar siyaasadeed dareemana si sahlan dadka ugu kiciyo colaadna ugu galiyo. Nabaddu garowshiinyo ayay ka bilaabataa!
2- Taariikhda oo aan heshiis lagu ahayn, lagana heshiin
Tan iyo markii qeybo ka mid ah Soomaaliya xorriyadda ka qaateen gumeysigii reer Yurub, lana dhisay Dawlad calan leh waxaa jiray dhacdooyin sooyaal oo saameyn ku leh dawladnimada Soomaaliya, bilawgeedii, burburkeedii iyo dib u yagleelideediiba.
Hase yeeshee, beelaha, gobollada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed isku si uma arkaan dhacdooyinkaas, isku macnana uma lahan. Haddana marka aad qiimeyso dhacdooyinkii la soo bilawday dawladnimadii 1960-kii ayaa wali saameyn ku leh dawladnimada, midnimada iyo amniga maantay.
Tusaale, 1960 markii xorriyadda la qaatay, ayna midoobeen labadii gobol ee waqooyi iyo koofur, waxaa bilawday dareen ay qaadeen reer waqooyi oo tirsanayay sad bursi siyaaseed lagu sameeyay. Taasi Waxaa ka dhashay in 1961 saraakiil reer waqooyi ah isku dayeen inqilaab ciidan kaas oo aan u hirgalin. Waxaa la dhihi karaa dareenkii maalintaas jiray ayaa dhalay SNM 1984, SNM-na waxay dhashay Soomaaliland iyo raadinta gooni isutaag, taas oo ay ka dhasheen colaadihii ugu cuslaa ee sanadkii ina dhaafay ka dhacay Gobolka Sool. Haddaan saas loo fahmin ama garowshiiyo looga bixin waa adagtahay in xal loo helo qadiyadda Soomaliland. (Waa Tusaale un).
Dhacdooyinka kale ee Saameynta leh, heshiiskana aan lagu ahayn waxa ka mid ah dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo la wareegiddii Ciidamada ee talada dalka 1969, bilaabashadii jabhadihii hubeysnaa 1979-1990, colaadihii sokeeye ee bilawday 1991, dagaalo ururo diimeed qeyb ka ahaayeen walina socda, Dhismihi Dawladdii KGM ahayd iyo soo galiddii Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya 2006 iyo kuwo la mid ah.
Halka dhacdooyinkaan ay caqabadda kaga yihiin dawladnimada iyo nabdda waxay tahay in deegaannada, beelaha iyo bulshada Soomaaliyeed ay micno kala duwan ugu fadhiyaan dhacdooyinkaan. Tusaale ahaan, Inqilaabkii ciidamada ee 1969 iyo xukunkii dawladdii milateriga ahayd dadka qaar waxay u yaqaanaan in ay ahayd horumarkii ugu weynaa ee Soomaaliya gaartay, qaarna waxay u tahay taariikh madaw oo dawladnimada laga leexiyay waddadii sharciga ahayd. Jabhadihii la dagaallamay iyo hoggaankoodii dadka qaar waa u dambiileyaal qaran oo cadaw soo raacay, qaarna waa u halyeeyo dulmi ka dulqaaday. Wadaaddadii dagaalada kala duwan soo galay ama waliba ku jira (Alshabaab iyo Ahlu Sunnah) dadka qaar waa u xaq u dirir kuwana waa u xagjir, soo galiddii Ciidamada Itoobiya iyo dawladdii KMG ahayd ee soo hoggaamisay dadka qaar waa u xasuuq qaarna waa sal u dhigidda dawladdii oo la geeyay Villa Soomaaliya.
3- Baylahda haybta “Soomaali iyo Soomaaliya”
Labadaas caqabadood ee kore, waxaa ka dhalatay caqabad saddaxaad oo ka xidid adag. Waa baylahnimada haybta Soomaaliyeed. Markii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed dhismatay oo calankeeda laga taagay labadii gobol ee midoobay, Jamhuuriyaddu waxay yeelatay astaamo la isla qirsan yahay oo lagu midaysnaa.
Muqdisho waxay ahayd caasimad aan muran ka jirin, Calankuna waxa uu ahaa haybta qaran. Ciidanka iyo xuduuduhu waxay ahaayeen kuwa aan la isku diidanayn jiritaankooda. Intaas waxay tusaale u ahaayeen jiritaanka haykal dowladnimo iyo hayb Soomaalinimo. Maanta dadka Soomaaliyeed intaas midna heshiis kuma ah, lagamana heshiin in laga heshiiyana laguma heshiin. Haddii Soomaaliga Kismaayo jooga ay Jigjiga u tahay jiho siyaasadeed, Xamar yay caasimad u tahay? Waa xaqiiqo aan la dafiri Karin oo u baahan in wax la iska waydiiyo. Dowlad Goboleedyada samaysmay mid kasta waxaa uu leeyahay astaan, ciidan iyo xuduud u gaar ah, soo Soomaalinimadii lagama tegin. Haa, waa cillad timid Carta dabeed oo mudan in la is waydiiyo. Federaalka ma yahay xaqiiqo aan lala noolaan karin?
Haddaba bulsho aan sooyaalkeeda, kiisa fiican iyo kiisa xunba aan heshiis ku ahayn dawlad ma loo dhisi karaa?
Haddaba Maxaa Xal ah?
Xalka marka si kooban loo sheego waa runta oo la wajaho iyo arrimaha hortabinta leh oo dib loogu noqdo. Xaqiiqdu waxay tahay xal lama gaari karo ilaa aan ka qirano waxa na dhexmaray, garawshiiyo ka bixino in aan isdulminnay, isna dilnay, walina ku soconno waddadii aan ku halaagsannay. Inta aan u fakerayno sidii aan u fakeraynay markii dhibku dhacay xal lama gaari karo.
Waxaan u baahannahay hoggaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo ku dhac leh, isla markaasna daacad ka tahay in la xalliyo mushkiladaha bulsho ee dhexdeenna yaal oo ay ugu horeyso dib u heshiisiin bulsho, dhacdooyinka sooyaalka saameynta leh oo la isla qiro, lagana heshiiyo iyo dadka Soomaaliyeed oo la gaarsiiyo kalsooni hubka gacantooda ku jira looga dhigo.
Inta taas laga gaarayo doodda Doorasho qof iyo cod ah inoo wada.

