Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dalka Masar waxaa maanta laga xarig jarayaa Matxafka lagu kaydiyo taariikhda kaas oo noqonaya Matxafka ugu wayn ee caalamka oo idil.

Xarunta kayd taariikheedka ugu wayn caalamka ee Matxafka Masar ayaa ahaa mashruuc la soo bilaabay sannadkii 2002, dhismihiisa ayaana socday muddo ka badan 20 sano.

Kharashka ku baxay dhismaha Matxafka ayaa lagu qiyaasay adduun lacageed oo gaaray hal bilyan oo doolarka Maraykanka ah (1B$). Dhaqaalaha lagu dhisay Matxafka waxaa iska kaashaday dalka Japan iyo Masar.

Dalka Masar oo kamid ah dalalka ugu faca wayn taariikh ahaan dunida guudkeeda ayaa leh raad taariikheed qarniyo soo jiray. Masar ayaa sannad kasta ka hesho dhaqaale badan dalxiisayaasha booqda goobaheeda taariikhiga ah.

Waxaa lagu qiyaasaa dhaqaalaha Masar ka hesho dalxiiska inuu ka badan yahay toban bilyan (10B$), sannadkii.
Matxafka weyn ee dalka Masar waxaa uu ku yaal magaalada Giza oo ah magaalo qadiimi ah oo ay ku yaalaan dhismayaasha taariikhiga ee Ahraamta loo yaqaan. Matxafka waxaa lagu kaydin doonaa in kabadan 100 kun oo shay oo qadiimi ah, kuwaas oo 20kun oo kamid ahaa aan hore loo arag. Inta ugu badan alaabtani waa kuwii faraaciintii hore, waxaana kamid ah taalada Ramsiis-II oo kamid ah boqoradii reer Fircoon.

Matxafka ayaa ku fadhiya dhul dhan 480,000KM oo laba jibaaran, waana aag ku dhegan dhul dalxiiseedka GIZA, waxaa uu ka kooban yahay dhismayaal kala duwan, hoolal shirar, goobo kayd iyo xarumo cilmi baariseed.

Xaflad wayn oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Alsiisi iyo madax kale oo caalamka ah oo ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More