Wargayska caanka ah ee dalka Switzerland ka soo baxa ee WOZ – die Wochenzeitung ayaa qoray warbixin dheer oo uu daaha kaga qaaday fadeexad la xiriirta soo celinta muwaadin Soomaaliyeed oo degan dalkaas oo Soomaaliya lagu soo celinayo.
Wargayska oo ku sheegay magaca muwaadinka Soomaaliyeed Abdul Farah, oo muddo 12 sano ah deganaa dalkaas, ayaa la qorsheeyay in loo masaafuriyo dalka Soomaaliya.
Dowladda Switzerland, oo dhowr jeer isku dayday inay Abdul si khasab ugu celiso dalka Soomaaliya, ayaa fashilantay kaddib markii uu diiday oo uu ka dagaallamay in si khasab ah loo saaro diyaaradaha rakaabka.
Warbixinta uu qoray wargayskan waxaa ku jirta in Switzerland ay hadda qorshaysay inay duullimaad khaas ah ku qaado Abdul Farah, kaddib markii ay heshiis qarsoodi ah la gashay Dowladda Soomaaliya.
Wargayska ayaa xusay in Switzerland ay Soomaaliya ku qancisay in muwaadinka la soo celiyo, heshiiskaasna uu qayb ka yahay kaalmooyinka Switzerland siiso Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin tababaro amni iyo kor u qaadista aqoonta tiknoolajiyadda casriga ah.
Fadeexaddan uu wargaysku daboolka ka qaaday waxaa ku jirta in Switzerland ay si iskeed ah muwaadinkan ugu samaysay waraaqo socdaal oo aan sax ahayn, kuwaas oo loo yaqaan (Laisser-passer), halkii ay ka sugilahayd Soomaaliya, si ay si qarsoodi ah u fuliso musaafurinta.
Si kastaba ha ahaatee, kiiska Abdul Farah ayaa laga yaabaa inuu saamayn sharci oo ballaaran ka dhaliyo gudaha Yurub, maadaama fadeexadda ka dhalatay musaafurintiisu ay saamayn ku yeelanayso dalal ka tirsan qaaraddaas oo Soomaaliya heshiisyo qarsoodi ah oo ku saabsan dad soo celinta ay kula jiraan.

