Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Raysal Wasaaraha dalka Sudan Kaamil Idiris ayaa shaaciyay in dalkiisa iyo dalka Eritrea ayaa gaadheen heshiis iskaashi oo heer sare kaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid “taariikhi ah”.

Kaamil idiris oo arbaacadii gaaray magaalada Asmara ee caasimada Eritrea ayaa la kulamay madaxda dalkaas oo ugu horreeyo Madaxweyne Asias Afwerki. Kaddib wadahadallo dhexmaray labada dhinac waxaa la isku raacay in la samaysto Iskaashi istiraatiiji ah oo taabanaya dhinacyada amniga iyo xiriirka labada dal.

Sida lagu daabacay warbaahinta labada dal, Asmara iyo Khartuum ayaa isku raacay dhawr heshiis oo waa wayn, waxaana ugu mudan in Eritrea ay dalkeeda kasiinayso Sudan, saldhigyo lagu tababaro ciidanka dalkaas, sidoo kalane ay ka taageerayso Khartuum tababarka iyo dib u habaynta ciidanka.

Dhanka kale Eritrea ayaa sheegtay inay gaadiid iyo agab ciidan ugu deeqayso Sudan oo waqtigan dagaal kula jirta ciidanka fallaagoobay ee gurmadka degdeg ah oo ahaa ciidan sida militariga u tababaran oo kamid ahaa xoogga dalka Sudan.

Heshiiska waxaa kale oo kamid ah qodob khuseeya dhaqaalaha, waxaana labada dal isku raaceen in si wadajir ah looga faa’iidaysto khayraadka Badda Cas, oo ah marin muhiin u ah isku xirka badeecadaha iyo socodka caalamka. Labada dal ayaa isku afgartay iney ka midaysnaadaan khataraha iyo herdenada iska soo horjeeda oo ay wajahayaan.

Sudan ayaa ku jirta soo kabasho kaddib dagaal laba sano socday oo inta badan galaaftay kaabayaashii dalka, waxaana ay dib u bilowday inay dib usoo noolayso xiriiradii dublumaasiyadeed ee ay caalamka la lahayd tan iyo markii bishii Diiseembar, 2024 ay caasimada dalkaas ee khartuum gacanta Dowladda sooo gashay.

Kooxda fallaagada ah ee Gurmadka Degdeg ah (RSF) oo taageero ka hesho dalal gobolka ah iyo Imaaraadka ayaa dhankeeda isku diyaarinaysa inay rogaal celin samayso oo ay dib u qabsato goobihii laga saaray.

Heshiiska oo ka dhacay Asmara, waxa labada dal qalinka ugu duugay Wasiiirka Arrimaha Dibada ee Eritrea, Cusmaan Saalax iyo Wasiirka Arrimaah Dibadda ee Sudan, Muxyadiin Saalim.

Wafdiga Suudaan ayaa laba maalmood oo booqasho ah ku joogay dalkaas Eritrea, waxayna ku sifeeyeen in Eritrea aysan qayb ka noqon dalalka ka faa’iidaystay colaadda reer Sudan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More