Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Xuquuqda Bannaanbaxa Nabdoon iyo Waxa uu Dastuurka Soomaaliya uu Ka Qabo

27-ka bishan ee maalinta biri ah, mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo ay ku abaabulayaan bannaanbaxyo ka dhici doona qaybo badan oo magaalada Muqdisho ah, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan dhulboob ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa si weyn u kicisay hadal-hayn siyaasadeed iyo mid bulsho, iyadoo dowladda ay si cad uga soo horjeesatay bannaanbaxyadaas. Abaabulka bannaanbaxyada ayaa weli socda, hadaba waxaynu warbixntaan diiradda ku saaraynaa muxuu Dastuurka Soomaaliya ka qabaa isu soo bax nabdoon, muxuuse mamnuucayaa marka la qabanayo bannaanbax, si loo hubiyo in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u dammaanad qaaday xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, kuwaas oo ka mid yihiin xorriyadda bannaanbaxa nabdoon iyo xorriyadda hadalka. Qodobadani waxay muhiim u yihiin dhismaha dowlad dimuqraadi ah oo u oggolaanaysa shacabka inay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda, cabashadooda iyo talooyinkooda ku aaddan xaaladda dalka. Bannaanbaxu waa hab dimuqraadi ah oo muwaadiniintu ku muujin karaan dareenkooda, isla markaana ay ku codsan karaan in dowladda ama hay’adaha kale ay wax ka qabtaan arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Qodobka 20-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya waa kan si toos ah ugu hadlaya bannaanbaxyada. Qodobkani wuxuu caddeynayaa in muwaadiniintu ay xaq buuxa u leeyihiin inay si nabad ah isu abaabulaan, isu soo baxaan, iyo inay muujiyaan aragtidooda iyagoo aan cabsi iyo carqalad la kulmin. Dowladda iyo hay’adaha amniga ayaa waajib ku ah inay ilaalinayaan bannaanbaxyada, si loo hubiyo inay ku dhacaan si nabad ah oo aan rabshad lahayn. Qodobkani sidoo kale wuxuu mamnuucayaa in bannaanbaxyada loo adeegsado rabshad, burburin hanti dowladeed ama mid gaar loo leeyahay, ama in lagu kiciyo nacayb ku salaysan qabiil, diin ama koox gaar ah. Sidaas darteed, xuquuqdan bannaanbaxu waa mid la socda waajibaad, iyadoo muwaadiniinta looga baahan yahay inay ku dhaqmaan xeerarka iyo shuruucda dalka.

Waxaa sidoo kale arrintan si dhow ula xiriira Qodobka 18-aad ee Dastuurka wuxuu dammaanad qaaday xorriyadda hadalka iyo muujinta fikirka, taas oo si toos ah ula xiriirta bannaanbaxyada. Qodobkani wuxuu muwaadiniinta siinayaa xaq ay si xor ah ugu muujiyaan aragtidooda hadal ahaan, qoraal ahaan, ama hab kale oo sharci ah. Dowladda waxaa ka mamnuuc ah inay cabburiso muwaadiniinta, haddii aan hadalkooda ama muujinta aragtidoodu kicin rabshad, nacayb ama khatar amni. Bannaanbaxayaasha ayaa sidaas darteed xor u ah inay qaataan boorar, hal-ku-dhigyo, iyo astaamo ay ku muujiyaan codkooda, balse waa inay ka fogaadaan erayo nacayb ama kicin kara kala qeybsanaan bulsho.

Inkasta oo dastuurku dammaanad qaaday xuquuqda bannaanbax nabdoon, haddana ma wanaagsana wax ka hor imaanaya bannaanbax nabdoon sida in bannaanbaxa loo adeegsado rabshad ama burburin hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, in la sameeyo ficil kicin kara nacayb qabiil, diin ama koox gaar ah la adeegsado.

Ugu dambayn, Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u qeexayaa in xuquuqda bannaanbaxu ay tahay mid aas-aasi ah oo aan laga hor istaagi karin shacabka. Dowladdu waxaa waajib ku ah inay ilaaliso bannaanbaxyada nabdoon, isla markaana ay hubiso in aanay isu rogin qalalaase iyo rabshad. Muwaadiniintuna waxaa looga baahan yahay inay u hoggaansamaan sharciyada dalka, si xuquuqdooda loo ilaaliyo loogana hortago in bannaanbax nabdoon uu isu beddelo mid keena fowdo iyo amni darro. Dheellitirka xuquuqda shacabka iyo ilaalinta amniga guud ayaa ah tiirka ugu weyn ee dastuurku ku dhisan yahay marka laga hadlayo bannaanbaxyada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More