Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu cadaaladda la horkeeno isaga oo ku eedeeyey “argagixiso dowladeed,” ka dib weerarkii cirka ee Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee caasimadda Qatar.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa dhankeeda sheegtay in dalkeedu sii wadi doono kaalinta uu ku leeyahay dhexdhexaadinta iyo dhexdhexaadnimada lagu kalsoonaan karo ee gobolka iyo meelaha kale ee caalamka ay u hayaan, inkasta oo ay jiraan hadallo kasoo yeedhay Netanyahu oo taas ku lid ahi.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ka socda Marinka Gaza, halkaas oo ay Arbacadii shalay oo kaliya ku dileen in ka badan 70 qof, iyadoo isla maalintaas weerarro kale oo ay ka fuliyeen dalka Yemen ay sababeen dhimashada ugu yaraan 35 qof.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More