Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u safraya magaalada Addis ababa, kaddiib markii uu casuumaad ka helay Midowga Afrika.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) oo ay soo qabanqaabinayso Midowga Afrika (AUC), ayna kasoo qeyb galayaan madaxda dalalka Africa iyo marti sharaf kale.

Dhanka kale Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waqti badan gelinaya sidii uu madaxda Soomaaliya ugu qanci lahaa inay kala qayb galaan xarig jarka biyo xireenka Abaay, kaas oo si wayn ay udiidan tahay Masar.

Dowladda Masar, waxay dhawaan Soomaaliya keenaysaa cutubkii ugu horreeyay oo ciidankeeda ah oo qayb ka noqonaya hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AUSSOM.

Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Mahad Salaad ayaa booqasho ku jooga Qaahira, waxaana la fahamsan yahay in uu dalkaas kala hadlayo xaaladihii ugu danbeeyay ee soo daabulka ciidanka iyo falcelinta Ethiopia oo dhawaan safiirka dalkaas u jooga Muqdisho uu madaxda Federaalka ah la wadaagay.

Asbuucan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in ciidanka Masar la dejinayo saldhigyo ku yaal gobolka Shabeelada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana booqasho halkaas ku tegay saraakiil Masaari ah oo sahan u ahaa ciidankooda qaybta ka noqonaya AUSSOM.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More